31/10/2025
Sidee lagu ogaaday da'da Dhulka ?
" Dunida Yurub, tusaale ahaan, waxaa laga aamminsanaa in aanu dhulku jirin lix kun oo sano wax ka badan, waxaana ay fekraddaasi salka ku haysay iskudayadii Jeemis Aashar (James Ussher) iyo hortii Joon Laytfuut (John Lightfoot) ee da’da dhulka. Aashar, oo ahaa wadaad kiristan ah, ayaa 1650-kii da’da dhulka xisaabiyay, isagoo siduu sheegay ka dhimbiilqaadanaya Baybalka, waxaana uu ku soo gebagabooday in Ilaahay uu dhulka abuuray maalin Axad ah, Oktoobar 23keedii, sannaddii 4004 ee miilaadiga kahor, xilli saacaddu ay ahayd 6: 00pm! Taas oo macnaheedu yahay in dhulku uu lix kun oo sano hadda jiro, iyo dheeraad yar. Warkaas ayaa faafay oo xitaa caalamka Islaamka qaybo badan oo ka mid ah u gudbay, iyo dunida kalaba, heer uu noqday wax la wada aamminay "
~ Cabdikarim Sh. Bashiir.
Halkan hoose ka akhriso qormada oo dhammaystiran.
https://aqoonsoor.com/sidee-dada-dhulka-lagu-ogaaday