06/02/2026
Dhamaan kulliyadaha ka qayb-galay tartanka Jaamacadda New Generation 2026.
โWaxaad soo bandhigteen dedaal, aqoon, iyo karti aad u sarraysa oo lagu faano.
In kastoo tartanku halkaas ku dhammaaday, xaqiiqadu waxay tahay in qof kasta oo ka qayb-galay uu yahay guuleyste, waayo waxaad barateen khibrad iyo midnimo cusub.
* ๐ญ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐ช๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐ฐ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ป๐๐๐๐๐๐๐๐๐
* ๐ญ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐บ๐๐๐๐๐ ๐บ๐๐๐๐๐๐
* ๐ญ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐ฉ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐ฌ๐๐๐๐๐๐๐๐
* ๐ญ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐ณ๐๐ ๐๐๐
๐ฏ๐๐๐๐ ๐น๐๐๐๐๐
* ๐ญ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐ฏ๐๐๐๐๐ ๐บ๐๐๐๐๐๐
* ๐ญ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐ช๐๐๐๐๐๐๐ ๐บ๐๐๐๐๐๐ & ๐ฏ๐๐๐๐๐ ๐บ๐๐๐๐๐๐(๐ฎ๐๐๐๐๐๐ ๐ช๐๐๐๐๐)
* ๐ญ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐ฉ๐๐๐๐๐๐๐ & ๐ฌ๐๐๐๐๐๐๐๐ + ๐ญ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐บ๐๐๐๐๐ ๐บ๐๐๐๐๐๐ (๐ฎ๐๐๐๐๐๐ ๐ช๐๐๐๐๐)
โGuul iyo horumar ayaan idiin rajaynaynaa!
08/11/2021
Wargelin
Iyada oo ay wali si habsami ah uga socdaan is diiwaan galinta Jaamacada ee sanad dugsiyeedka 2021/2022 dhamaan xarumaha jaamacada New Generation.
Waxa lagu wargalinayaa dhamaan ardeyda isdiiwaan galisey (Degree Programs) sanadkan in Maalinta Isniinta 15th November 2021.
ay u fadhiisan doona imtixaanka galitaanka jaamacada (Entrance Exam ) Qeybtii koowaad ( Phase one ) waxaa sidoo kale mudo kooban sii socon doonta is diiwaan galinta.
Ka faa'iideyso oo ka mid noqo bahda New Generation.
# # # # # # # # # # # # # # # # # # # # # # # # # # # # # # # # # # # #
If you are planning to enroll at New Generation University, let us know by reserving your spot at NGUC.
All you need to do is Follow the below admission criteria.
โข Registration fee of $25
โข 3 photos (passport size)
โข Official transcripts and all academic certificates
(Original and photocopies), and
โข Any additional supportive document.
31/10/2021
Gudoomiyaha Jaamacadda Mudane: Cabdiwasac Maxamed Yuusuf. Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Garyaqaan Cali Suudi Diriye Gudoomiyaha Maxkamadda gobalka Maroodijeex Garyaqaan: Cabdi Qawdhan Cabdi
Godoomiyaha Maxkamadda degmada Hargaysa Garyaqaan: Yaxye Xussen Yuusuf waxay Hambalyo iyo dhiiri-galin u sameyeen bahweynta sharciga ee ka qalinjabisay sannadkan 2021-ka Jaamacadda New Generation University ayaa si wada jira ah kulan casho sharafeed ku maamuusay ardaydas dhamaysatay waxbarashada heerka kowaad iyo heerka Labaad. Kulankaas wuxuu daarna dhiiri-galin ardaydaas dhamaysatay waxbarashada cilmiga qanuunka sannadkan 2021. Anigoo ku hadlaya afka Maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda New Generation University waxaan halkan uga mahadnaqaynaa Gudomiyaha Maxkamadda Sare Mudane : Adan Xaaji Cali oo run ahantii ku dhiiri-galiyay waxabarashada bahda garsoorka in ay kor u qaadan aqoonta ay u leyihiin cilmiga qanuunka. waxaan kale ugu mahadqanayaa wadda shaqaynta ay la leeyihiin Jaamacadda New Generation University dhinaca waxbarashada.
13/10/2021
Congratulations dhammaan Ardayda qalin jabinysa maanta
#2021
10/09/2021
Tacsi Tiiraanyo Leh.
Inna Lillahi wa inna ilayhi raji'un, Kullu Nafsin Zaa'iqatul Maut, Illahay ha u naxariisto inna Indeerkay Mahad Cumar Yuusuf Allamagan Illahay qabriga ha u waasiciyo su'aasha aakhrinnna ha u fudadeeyo Ehelkii iyo Qarabadii Illahay samir iyo iimaan haa naga wada siiyo Amiin Amiin Amiin.
Mahad saka ayuu isoo garacay 10:32 subaxnimo isagoo jooga xarunta cafimaadka ee Jaamacadda New Generation University, waxaan Jaamacadda soo gadhay 10:41 subaxnimo waxaan u qaday pharmacy-ga European madama ay maalin jimce ah ahayd waan iska shekaysanaynay Marxuumka markan gadhay Shan (5) daqiiqo ka bacdi ayuu doctorkii waraystay wuxuu u sheegay marxuumka in lagu soo boday saaka xanuun horena uu isku ogayn waraysi dheer ka bacdi doctorkii wuxuu bilabay investigation wuxuu ku yiri waxwalba waa normal lakiin wadanaha ayaan ka shikisanahay madamo dhinaca wadnaha aad ka cabanayso โCalaamadaha Wadne xanuunka ayaa ka muqdaโ, doctorkii wuxuu nagula taliyay Hargeisa Group Hospital ama Haldoor Hospital inaan tagno wax daawo ahna unna qadan, qadarka Alle waxaa dhacaday dhakhtarkii markan ka soo baxnay European Pharmacy oo iska sheekaysanaynaa marxuumka bacdal 2 daqiiqo koomo ayuu galay Marxuumka waxaan dareemay khuuro isla markiiba waxaan isku dayay inaan ku labatay Pharmacy-ga Illahay khayr haa siiyo inaankii doctorka ahaa ayaa yiri horay Haldoor Hospital inoo gaadhsiiya anna intaas haan idinku cawiyo qadarka Allah markaan tagnay Haldoor Hospital ay ku xidhen mashinadii wadnaha, nasiibdaaro waxay noo sheegeen inuu wadnuhu istagayโฆ Process kaas oo dhan waxaa u dhaxeyay 10: 41 ilaa 11: 22 subaxnimo, guud ahan 43 daqiiqoโฆ
Marxuumku wuxuu ka tagay 8 caruur ahโฆ mudo 7 sanno ayuu ka mid ahaa bahda Jaamacadda New Generation, Illahay waxaan uga baryayaa innu naxariis waasic ah siiyo amiin amiin amiin, wuxuu ahaa qof af-gaban dagan akhlaq leh dadka aan dhibi jiriinโฆ
Ogaysiis Ogaysiis Ogaysiis
Maamulka, Macaliiminta iyo Ardayda Jaamacadda New Generation University waxaa la ogaysinayaa in saddex cisho Jaamacaddu ay fasax tahay โQaybta Hargaysaโ lagu soo noqon doono maalinta Isniinta bishu tahay 13-09-2021 imtaxanka iyo cashiraduba sidood ay u socon donaan Insha Allah.
Marxuumka waxaa lagu aasayaa xabalaha malaawle ee galbeedka Hargaysa
Fadlan Marxuunka haa loo soo duceeyo Amiin Amiin Amiin.
07/01/2021
Jaamacadda New Generation University waxay kugu bisharaynaysaa dhaman bahda jecel waxbarashada in jaamacaddu bilowdey "Diploma Program โTeaching Methodology & Educational Management " waxaad iska diiwangelin kartaa xarumaha Jaamacadda ee Hargaysa, Burco iyo Gabiley.