Somali Quran Online

Somali Quran Online

Share

SOMALI QURAN ONLINE waa machad lagu barto Quraanka kariimka iyo Culuumta Diiniga si online ah (MAQAL IYO MUUQAAL) Goor kasta iyo goob kasta ood joogto.

Somali Quran Online

30/12/2018
13/12/2018

Baro 15 Kamida Faa’iidooyinka Qur’aanka Kariimka ah.

1: Qur'anku Waxa uu kordhiyaa kalsoonida addoonku ku qabo Allihii Abuurtay SWT.

2: Waxa Qur'aanka Laga Helaa raaxo nafsi ah (Deganaansho/Xasilooni).

3: Waxa uu xoojiyaa xiriirka u dhexeeya Adoonka iyo Allihii Abuurtay SWT.

4: Qur'aanku Wuxu Suuliyaa (kexeeyaa) welwelka,Walaaca iyo cidhiidhiga nafsaaniga ah.

5: Wuxu Hagaajiyaa Xiriirka iyo Lamacaamilka ka Dhexeeya Qofka iyo Dadka kale ee ay Nolol Wadaagga Yihiin.

6: Waxa uu door weyn ka qaataa edbinta iyo toosinta nafta (Gude ahana iyo Dibad ahaanba).

7: Waxa uu kordhiyaa kalsoonida qofku ku qabo Naftiisa iyo Rumaynta Qaddarta Alle.

8: Waxa uu qofka ka ilaaliyaa waswaaska iyo farriimaha shaydaanku qalbigiisa u soo diro.

9: Waxa uu qofka akhriya u Markhaati kacaa Maalinka is abaal Marinta (Maalinka Qiyaamaha)

10: Waxa uu Qofka u furaa hadalka (Aftahan)

11: Qur'anka waxa laga helaa taariikho H**e oo Laga Fiidaysan karo Khibrado Nololeed.

12: Qur'aanku wuxu qofka siiyaa dhiirri Gelin iyo go’aan qaadashada wanaagsan ee nolosheena saamaynta ku leh.

13: Waxa uu qofka ka Dhigaa mid Faraxsan (Bashaash)

14: Qur'anku waxa uu Kobciyaa Garaadka Qofka wuxuna ka dhigaa mid xigmad badan oo Hab fudud xal ugu Hela Caqabadaha nololeed ee lasoo Dersa.

15: Ugu Danayn Qur'anku waa Daawo Dabiici ah wuxuna Ka hortagaa Xanuunada ku dhaca Maskaxda (Dhimirka) Waxa Dhowaan Saynisyahanu ogaadeen in Akhrinta Quraanku tahay sababta ugu Badan ee Muslimiintu u Yihiin kuwo deggan oo Maskax Furan.

Gaadhsii walaalahaaga Muslimiinta ah) Jazaakallahu Kheyra.

19/09/2018

Fadliga Soonka Maalinta Cashuura

Cashuuraa waa maalin ka midda maalmaha waaweeyn ee Ilaahay. Waa maalintii uu Alle halaagay Fircoon iyo iyo intii la jirtay, guushana siiyay nabi Muuse, nabi Haaruun iyo intii rumaysay. Waxa laga soo wariyay saxaabiga la odhan Jiray Cabdullahi Ibnu Cabaas in markii uu nabigu (CSW) yimid magaalada Madiina uu arkay dadkii Yuhuuda ahaa ee magaaladaas ku noolaa oo maalinta Cashuura Soomaya. Markii uu Nabigu waydiiyay sababta ay maalintan u soomayaana waxa ay u sheegeen in ay maalintaasi tahay maalintii uu Ilaahay u gargaaray nabi Muuse iyo intii rumaysay, isla markaasna halaagay Fircoon iyo intii la socotay. Nabigu (csw) waxa uu ku yidhi “فنحن أحق وأولى بموسى منكم “ annaga (Muslimiinta) ayaa idinka xigna Muuse, wuxuuna faray Muslimiinta in ay maalintan wayneeyaan oo ay Soomaan..

Soomka Cashuura

Waynaynta iyo qiimaha ay hadaba leedahay maalintani darteed ayuu hadaba nabigu(CSW) waxa uu umadiisa u sheegay in ay maalintan soomaan. Axaadiista nabigeene waxa ku sugan in qofkii maalintan sooma danbiyadiisii sanadkii tagay la dhaafayo صوم يوم عرفة يكفر سنتين: ماضية ومستقبلة، وصوم يوم عاشوراء يكفر سنة ماضية. Ruwaayadaha la soo wariyo qaarkood waxa ay sheegaan in maalintan Soomkeedu uu faral ku ahaa Muslimiinta ka hor intii aan la faral yeelin Soomka Ramadaanta. Markii Ramadaanta la faral yeelayna soomkeeda waxa laga dhigay sune.

Sidaa daraadeed Soomka maalintani waa sune ay fiican tahay in aan laga tagin. Qaabka loo soomayo sida uu Sheekha Ibn Qayim la odhan jiray ku sheegay kitaabkisa (زاد المعاد) waa sadex darajo :

1) in la soomo 9, 10 iyo 11’ka bisha Muxaram (sida ugu fiican)

2) In la soomo 9 iyo 10’ka waa sida ay tilmamayaan axaadiis badani

3) In la soomo maalinta 10’ka oo kaliya

Fiiro Gaara : – Maalinta tonaad (caashuuraa) ee Bisha Muxaram sanadkan waxa ku beegan tahay (20 September) maalinta Khamiista.

-Culimada intooda badani waxa ay aaminsan yihiin in danbiyada lagu dhaafo bishani ay yihiin kuwa yar yar, danbiyada waawaynina ay u baahan yihiin toobad.

W/Q Faysal Cadami

10/09/2018

Sanad cusub oo wanaagsan (1440)
---------------------------------------------

Maamulka iyo macalimiinta Machadka Somali Quran online waxay halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaan dhamaan ummadda muslimiinta gaar ahaan ardayda machadka iyo waalidkooda. Alle sanadkaa sanadkiisa bashbash, barwaaqo, caafimaad iyo camal suuban haynagu gaadhsiiyo.

Aamiin

Photos from Somali Quran Online's post 21/08/2018

Ciid Mubaarak Ciidal Caafiya

Maamulka iyo Macalimiinta Machadka Somali Quran Online wuxuu hambalyo u dirayaa dhammaan ummada muslimiinta gaar ahaan ardayda iyo waalidiinta machadka wax ka barta.
waxaanan Alle innoga baryayaa inuu ciidaa ciideeda innagu gaadhsiiyo barwaaqo, caafimaad, cimri dherer iyo camal suubaan.

Ciid wanaagsan dhammaantiin

19/08/2018

Fadliga iyo dheeraadka dharaarta carafa

Maalinta carafo waa maalinta ugu khayrka badan dunnida qorrax soo baxda sidoo kalena loo kamilay loona dhamays tiray muslimiinta diinta iyo nimcada Waxaa laga weriyay Cumar ibnu khadaab in uu ku yidhi nin yuhuudi ahi ‘amiirkii mu’miniintoow aayad ku taal kitaaabkiina oo aad akhrisataan haddii ay ahaan lahayd mid anaga nagu soo dagtay waxaan ka dhiganlahayn maalintaas ciid “, markaas buu waydiiyay Cumar ibnu khadaab RC :- waa aayadee ? ninkii yuhuudiga haa wuxuu ku jawaaabay (اليوم أكملت لكم دينكم وأتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم الإسلام دينا) (manta ayaan idin dhamaystiray diintiina idiina taamyeelay nimcadeyda waxaan idinkaga raali noqday islaamka diin ahaan) markaas buu yiri Cumar Ibnu khadaab “waan garanayaa malintaas iyo meeshii nebiga NNKH lagula soo dejiyay waxaa lagu soo dejiyay isaga oo taagan banka carafa maalin jimce ah”,

Nebiga NNKH waxaa ka sugnaatay in uu yidhi “Majirto maalin ka badan oo uu ilaahay ka xoreeyo adoomihiisa naarta maalinta Carafo’Haddaba maxaa ka qiimo iyo qaayo badan maalintaas?Maxaa inoo diidaya in aynu ka faaiidaysano? Qof kasta oo ay damac iyo doonisi kaga jiraan in uu in uu ilaahay janada galliyo maalintaas qiimaha badan waa in uu ku dadaalaa asbaabaha u sahli kara in ilaahey ku guuleeyo darajadaas aadka iyo aadka u saraysa waxaana ka mid ah asbaabahaas:-In aad ka ilaaliso dhaman xubnaha jidhkaaga xuman iyo wixii keeni kara macsi waxaa laga wereyay Ibnu cabaas RC in nabiga NNKH uu ku yidhi wiil kadib markii uu dhawr mar ka soo jeediyay isaga oo eegaya haween ajnabi ka ah “Walaalkeey wiilkiisiiyoow manta waa maalin qofkii milkiya Maqalkisa, aragiisaiyo carabkiisa loo dambi dhaafo”.Sidoo kale waxaala suneeyaa maalinta soon nebiga NNKH waxa uu yiri”soonka maalinta carafo waxaa loo dhaafaa dambiyadii sandkii h**e iyo sanadka soo socda " صيام يوم عرفه احتسب عل,,

”soonka malinta carafo waxa loo suneeyaa qofka aan xaajiga hayn balse xaajiga isaga looma jideyo soonka kudayasho nabiga lagu dayano awgeed maxaa yeelay nebiga NNKH waxa uu katagey soonkiisa maalinta carafo waxa uuna reebay soonka maalinta carafa lagu soomo carafa si uu ugu xoogaysto baryada iyo xuska eebe .Waxaa kamid ah waxyaaba u sahli kara qofka in uu ku guulaysto dambi dhaafka iyo raxamada eebe maalinkaas aadka ugu qiimaha badan umada muslimiinta ah in uu badiyo ducada iyo xuska eebe gaar ahaan Ashahaatinka eebe NNKH waxa uu yiri”(خير الدعاء دعاء يوم عرفة، وخير ما قلت أنا والنبيون منقبلي: لا إله إلا الله وحده لا شريك له، له الملك وله الحمد، وهو كل شيء قدير) [رواه الترمذي وحسنه(الألباني“mida ugu khayrka badan ducooyinka waa ducada maalinta carafo waxa uug khayrka badan ee aan dhahnay aniga iyo nebiyadii naga h**eeyayna wax ay ahyd ilaah majiro ilaaheey mooyaane waana kaligiis wax lala wadaajiyo cibaadadiisan am jiraan waxaa u sugnaaday mulkiga iyo mahada waxa waliban waa uu awooda”

qofkasta oo kamid ah walaalaheena muslimiinta ah waxaa waxaa waajib ku ah in uu ka faaiidaysto fursadan qaaliga ah aadkana uqiimaha badan kana fogaado waxyabaha ka hor istaagi kara dambi dhaafka iyo fadliga maalintaasi ugu dambayntiina waxan rabbiga awoodiisu sarayso ka baryayaa in uu inaga mid dhigo aniga iyo walaalahayga muslimiinta ahba kuwa ka faaiidaysta maalinkaas ee loo dambi dhaafo naartana laga xoreeyo.

AAMİİN

W/Q SİDİİQ CABDİ

08/08/2018

FADAAISHA BISHA DILXIJJAH

AXADA soo socoto waxaa bilabanaayo haduu alle idmo 10 bisha dulxajah

haduu alle ku gaarsiiyo waxaad sameesaa
1- Soon 1-9 bisha hadii aad awoodin maalinta 9aad soon
2- Waxaad badisaa quraan aqriska

10kas maalin isku day inaad quraanka dhameesid 3 jus maalintii
3- Salaadaha jameeco ku xifdi
4- Waxaad ku dadaashaa ducada waxaad alle weydiisataa ( dambi dhaaf iyo caafimaad aduun iyo akhiro)
5- Saladaha sunanka ah ha iloowin sida ( Salad duxaa + salad leeyel + 2 rakac ka h**eysa salaada subax iyo sunanka kale ee saladaha )
6- Waxaad ka faa’ideesataa xiliga qoraxda inta soo bixin subixii h**e iyo cadceda inta aysan dhicin oo dikriga iyo ducada xiligas badi
7- Qaraabada xariiri + sadaqad la bax + walaidka baari u noqo oo u axsaan sameee
8- Ugu dabeeyn waxaad xasuusataa maalmahaan ineey yihiin maalmaha aduunka ugu fadliga badan alle wuu ku dhaartay maalmahan ( wal fajri – walayaalin cashri) suuratul fajri

kuwi sameeya ilahay hanaga dhigo oo ka faaiideysta

XIGASHO

27/07/2018

Ducada Dayax Madoobaadka

27/07/2018

DAYAX MADOOBAAD

Dayax madoobaadka iyo cadceed madoobaadku waa ayaado ka mid ah ayaadaha ilaahay.

Rasuulku scw, waxa uu yidhi, "Haddii aad aragtaan cadceed madoobaad ama dayax madoobaad; ilaahay barya oo tukada illaa inta ay ka caddaanayaan." ~Bukhaari

Waxa uu sidoo kale Rasuulku scw, sheegay haddii salaaddu idiin dhammaato, oo aanney weli caddaan iska ducaysta oo ilaahay barya. Takbiirta, istiqfaarta iyo toobadcelinta ayaa iyana ka mid ah sunnada Rasuulka scw.

Salaadda, cadceed madoobaadka amma dayax madoobaaka, waxa loo tukanayaa sidan;

Imaamku, marka h**e faataxada ayuu akhirayayaa, ka dibna qur'aan akhiriska ayuu dheeraynayaa. Marka uu akhriyo inta uu Rabbi u qaddaro, wuu rukuucayaa, rukuuc dheer. Intaas ka dib rukuucda ayuu ka soo toosayaa, waxa aannu dib u bilaabayaa faataxadii. Marka uu dhammeeyo faataxda waxa uu akhriyayaa waxii qur'aan Rabbi u fududeeyay. Laakiin waa qur'aan ka gaaban kii h**e. Qur'aanka markuu dhammeeyo haddana wuu rukuucayaa, rukuuc dheer laakiin ka gaaban rukuucdii markii h**e. Intaas ka dib waa uu ka soo toosaa, waxa aannu odhanayaa "Samicallaahu liman xamida. Wa Rabbanaa wa lakal xamdu." Intaas ka dib wuxuu sujuudayaa laba sujuudood oo uu dheeraynayo fadhiga u dhexeeya. Markaas ayuu haddana u kacayaa rakcaddii labaad, oo uu sameynayaa intii markii h**e, ka dibna wuu ataxayaadsanayaa. Sidaas baa la gu dhammeynayaa labada rakcadood ee h**e.

Waxa iyana sunne ah, in aan dadka la gu dheerayn salaadda.

XIGASHO

ENG SHARMAARKE

27/07/2018

Raadka Iimaanku Uu Ku Leeyahay Nolosha Qofka Muslimka Ah.

Qofka Ilaahay iimaanka siiyey waxaa agtiisa yaalla oo uu kala garanayaa waddada uu marayo iyo meesha uu u socdo, labadaas ma kala yaqaanno qofka aan iimaanka lahayni. Qofka iimaanka lihi waxa uu og yahay in waddada uu marayaa tahay Islaam, meesha uu u socdaana tahay jannada. Meesha lagu ururayo ee u dambeysaana waa jannada iyo raalli ahaanshaha Ilaahay. Allah swt waxa uu Qur'aanka innoogu sheegay in adduunyadu tahay meel maalmo yar oo kooban lagu raaxaysanayo laakiin meesha lagu nagaanayo ee raaxaddu taallaa in ay dambeyso oo janno tahay. Iimaanku waa meesha qofka mu'minka ahi xikmadda ka soo dhaansanayo ee ka soo cabbayo.

Iimaanku marka uu qofka ka dhab yahay waxa uu noqonayaa qof xikmad badan oo wax walba meeshiiska dhiga, warkiisa iyo erayadiisuna waa qaar miisaaman. Raadadka iimaanka waxaa ka mid ah in uu yahay meesha awoodda laga helo sidaa awgeed qofka mu'minka ahi haddii uu iimaanka awoodda ka soo qaadanayo waa mid awood badan. Awoodda ugu weyn ee qofka bani-aadamka ahi helaa waa iimaanka qalbiga ku jira. Iimaanku waa meesha laga qaato nabadgelyada iyo degganaanshaha. Allah swt waxa uu Qur'aanka ku sheegay in dadka iimaanka leh ay u sugnaatay nabadgelyo iyo hanuun. Nabadgelyo waxaa laga helaa oo kaliya dad mu'miniin ah oo Alle yaqaan ah oo iimaanku kaa joojinayo. Mu'minka waxaa u sugnaatay nabadgelyo iyo xasilooni.

Iimaanku qofka mu'minka ah waxa uu siiyaa kalsooni uu naftiisa ku qabo iyo geesinimo; Ilaahiisa, naftiisa iyo mabdi'iisa intaba kalsooni ayuu ku qabaa, taasina waxa ay keenaysaa geesinimo. Raadadka iimaanka waxaa ka mid ah in qofka mu'minka ahi yahay mid naxariis badan. Raadadka iimaanka waxaa ka mid ah in qofka mu'minka ahi yahay mid aragti dheer oo meel fog wax ka arka. Raadadka iimaanka waxaa ka mid ah in qofku diido oo ka dhiidhiyo xumaanta agtiisa lagu sameynayo, wanaagga dhiirigeliyo, dadka toosanna is-garab taago.

Xigasho:

Sheekh Dirir, Aqoonmaal.

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Waqooyi Galbeed
Hargeisa
252633677461