17/05/2023
Saacaddu waxa ay tilmaamaysaa 7:30 kii aroornimo,maalin Axad ah 18 May, sanadka 2036 ka. 45 sano ayaa laga joogaa markii Somaliland xornimadeeda dib ula soo laabatay. Waxa aan ku suganahay fagaaraha Xorriyadda oo h**e loo odhan jiray Khayriyada.
Dhalinyaro rag iyo dumarba leh oo ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hareerahayga tuban iyaga oo ku luuqaynaya heesta Calanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa Madxafka Qaranka aan sidaa iiga durugsanayn agtiisa ciyaar dhaqameed Botor ah ka boodaya tiro haween ah oo toban ku dhow, kuwaas oon jiibta iyo jaanta isla helay .
Sawirka madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Abdikarim Ahmed Mooge ayaa meel walba sudhan. Cutubyo ciidanka booliska ah ayaa amniga goobta sugaya. Waa niman dhalinyaro u badan oo hubqaad leh tababarka ay qabaanna ka muuqdo dhaqan ahaan iyo jidh ahaanba.
Saddexdii sano ee uu talada dalaka hayey Madaxweyne Mooge, wax badan oo horu-mar ah ayuu ku tallaabsaday. Guusha ugu weyn ee uu dalka gaadhsiiyey waa mid dhammaan madaxdii talada dalka uga horraysay oo dhammi ay ku taamayeen balse aanay nasiib u helin dedaal kasta oo ay bixiyeen. Kal h**e bishii 3aad ayey ahayd markii ay waddamada reer galbeedka oo ay hor kacayaan Ingiriis iyo Maraykan ku dhawaaqeen madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Illaa hadda 89 safaaradood oo ay leeyihiin waddamo ku kala yaal shanta qaaradood ayaa ka furan caasimadda dalka ee Hargeysa.
Sannad gudihii waxa dalka yimi in ka badan 1700 oo shirkadood oo caalamai ah, kuwaas oo maalgashiyo kala duwan geliyey dhinacyada wax-soo-saarka beeraha, kalluumaysiga, macdan-qodista iyo shidaalka.
Durba in ka badan 5000 oo warshadood oo waaweyn iyo yar-yar ba isugu jira ayaa laga hir-geliyey dhammaan gobolada dalka. Tiraba 25 ceel oo isugu jira shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ayaa laga qoday gobolada bariga iyo galbeed ka dalka.
Waxa muddo kooban gudaheed hoos u dhacay heerka shaqo la'aanta dalka, taas oo laba sano ka hor ahayd 70% halka uu hadda yahay wax ka hooseeya9%. Ceceliska dakhliga guud ee qaranka qofkiiba waxa uu h**e u ahaa 780 Dollar, halka sannadkan 2036 ka, la saadaalinayo in uu kor u dhaafo 8720 Dollar. Anigu shakhsi ahaan, marnaba maan sawiran in harumar xawaaraha intaa leeg jara, muddadan kooban lagu gaadhi karo, waase Alle mahaddii waa la gaadhay. Waa hubaal in haddii helo hogaamiye daacad ah oo leh karti hogaamineed, halkan iyo meel ka sarraysaba la hiigsan karo, taas oo shacabka gobta ah ee Dalkani muddo badan soo naawilayey in maanta oo kale ay mar uun indhahoodu arkaan.
Kaabayaasha bulshada ee caafimaadka, wax-barashada, biyaha iyo korontada ayaa ah kuwa sida weyn wax looga beddelay.
Waxuun baan maqli jiray" Wixii rag u kaco. Rabbina aqbalo, way rumoobaan."
Iga raali ahaada, waxa aan dhaqaaqayaa dhankaa iyo Beerta Xorriyadda, halkaas oo madaxweynuhu shacabkiisa jecel kala hadli doono.
Sannad-guuro wacan dhammaantiin reer Somaliland.