Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax

Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax

Share

Xarunta Kobcinta iyo Horumarinta Dhallinyarada iyo Hawlgelinta Awooddeeda

18/05/2026

Bahda Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax waxay hambalyada Xuska Maalinta Qarankeenna Somaliland ee 18-ka May u dirayaan dhammaan shacbiweynaha Somaliland.

19/03/2026

Maamulka iyo dhammaan bahda Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax waxay tahniyadda iyo hambalyada Ciidda Fidriga la wadaagayaan dhammaan ummadda muslimiinta. Si gaar ah waxaannu ugu hambalyeynaynaa waalidiinta maktabadda ku xidhan, ardayda, iyo dhammaan bulshada Somaliland oo aannu leenahay farxad iyo caafimaad ku damaashaada.

Rabbi swc ha innaga aqbalo camalkii wanaagsanaa ee aynnu soo gudannay bishii barakeysnayd ee Ramadaan.

Photos from Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax's post 19/02/2026

𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 9𝗮𝗮𝗱 - 𝗚𝗲𝗯𝗮𝗴𝗲𝗯𝗼

𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 𝗦𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 (𝗡𝗲𝘅𝘁𝗚𝗲𝗻 𝗣𝗮𝘁𝗵𝘄𝗮𝘆𝘀 𝗦𝗲𝗿𝗶𝗲𝘀 2025: 𝗬𝗼𝘂𝘁𝗵 𝗗𝗲𝘃𝗲𝗹𝗼𝗽𝗺𝗲𝗻𝘁 𝗜𝗻𝗶𝘁𝗶𝗮𝘁𝗶𝘃𝗲)

Ilaahay swc ayaa mahad oo dhan u sugnaatay kadib markii uu nagu simay gebagebada barnaamijka sannadlaha ah ee horumarinta dhallinyarada. Gebagebada barnaamijkan ayaannu kusoo afmeernay fadhigii 9aad kaas oo Maamulaha Guud ee Maktabadda, mudane Khadar Maxamed Diiriye uu diiradda ku saaray mawduuc aad muhiim ugu ah dhallinyarada kaas oo ah: 𝗛𝗮𝗯𝗳𝗲𝗸𝗲𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗮𝗯𝗯𝗼𝗼𝗻, 𝗫𝗮𝗹-𝘂-𝗵𝗲𝗹𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗠𝘂𝘀𝗵𝗸𝗶𝗹𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮, 𝗶𝘆𝗼 𝗛𝗮𝗹'𝗮𝗯𝘂𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 (𝗖𝗿𝗶𝘁𝗶𝗰𝗮𝗹 𝗧𝗵𝗶𝗻𝗸𝗶𝗻𝗴, 𝗣𝗿𝗼𝗯𝗹𝗲𝗺-𝘀𝗼𝗹𝘃𝗶𝗻𝗴, 𝗮𝗻𝗱 𝗜𝗻𝗻𝗼𝘃𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗳𝗼𝗿 𝗬𝗼𝘂𝘁𝗵).

Intii barnaamijku socday, dhallinyarada ayaa doodo-aqooneed ka sameeyey mawduuca, gorfeeyeyna qaababka kala duwan ee habfekerka habboon, xal-u-helidda mushkiladaha, iyo hal'abuur curin ku salaysan.

𝗕𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝘁𝗲𝗲𝗻𝗻𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗮𝘄𝗹𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗮𝘄𝗼𝗼𝗱𝗱𝗲𝗲𝗱𝗮. fans

#𝗙𝘂𝘁𝘂𝗿𝗲𝗕𝘂𝗶𝗹𝗱𝗶𝗻𝗴, #𝗬𝗼𝘂𝘁𝗵𝗘𝗺𝗽𝗼𝘄𝗲𝗿𝗺𝗲𝗻𝘁, #𝗜𝗻𝗶𝘁𝗶𝘁𝗶𝗮𝘁𝗶𝘃𝗲𝗦𝗲𝗿𝗶𝗲𝘀, #𝗬𝗼𝘂𝘁𝗵𝗖𝗲𝗻𝘁𝗲𝗿𝗲𝗱𝗣𝗿𝗼𝗴𝗿𝗮𝗺𝘀, #𝗖𝗿𝗶𝘁𝗶𝗰𝗮𝗹𝗧𝗵𝗶𝗻𝗸𝗶𝗻𝗴, #𝗣𝗿𝗼𝗯𝗹𝗲𝗺𝗦𝗼𝗹𝘃𝗶𝗻𝗴, #𝗜𝗻𝗻𝗼𝘃𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻, #𝗖𝗿𝗲𝗮𝘁𝗶𝘃𝗶𝘁𝘆𝗜𝗻𝗔𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻.

Photos from Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax's post 06/02/2026

𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 𝗦𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 (𝗡𝗲𝘅𝘁𝗚𝗲𝗻 𝗣𝗮𝘁𝗵𝘄𝗮𝘆𝘀 𝗦𝗲𝗿𝗶𝗲𝘀 2025: 𝗬𝗼𝘂𝘁𝗵 𝗗𝗲𝘃𝗲𝗹𝗼𝗽𝗺𝗲𝗻𝘁 𝗜𝗻𝗶𝘁𝗶𝗮𝘁𝗶𝘃𝗲)
----------------------------------------------------------------------

𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 8𝗮𝗮𝗱

Xarunta Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax waxaa si guul leh uga qabsoomay 𝗙𝗮𝗱𝗵𝗶𝗴𝗶𝗶 8𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 𝗦𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮.

Barnaamijka todobaadkan oo uu soo jeedinayey 𝗣𝗿𝗼𝗳. 𝗗𝗿. 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝘂𝘂𝗱 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 (𝗣𝗵.𝗗) ayaa ujeedkiisu ahaa sidii dhallinyarada loogu baraarujin lahaa qiimaha ay leedahay Xirfadaha Wadashaqaynta Dhallinyarada iyo Hoggaamintu.

Si weyn ayaannu ugu mahadcelinaynaa Prof. Dr. Maxamuud oo si heersare ah dhallinyarada ula wadaagay mawduucan.

𝗕𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝘁𝗲𝗲𝗻𝗻𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗮𝘄𝗹𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗮𝘄𝗼𝗼𝗱𝗱𝗲𝗲𝗱𝗮.

#𝗜𝗻𝗶𝘁𝗶𝘁𝗶𝗮𝘁𝗶𝘃𝗲𝗦𝗲𝗿𝗶𝗲𝘀, #𝗬𝗼𝘂𝘁𝗵𝗖𝗲𝗻𝘁𝗲𝗿𝗲𝗱𝗣𝗿𝗼𝗴𝗿𝗮𝗺𝘀, #𝗟𝗲𝗮𝗱𝗲𝗿𝘀𝗵𝗶𝗽𝗜𝗻𝗔𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻, #𝗖𝗼𝗺𝗺𝘂𝗻𝗶𝘁𝘆𝗗𝗲𝘃𝗲𝗹𝗼𝗽𝗺𝗲𝗻𝘁𝗣𝗮𝘁𝗵𝘄𝗮𝘆𝘀, #𝗬𝗼𝘂𝘁𝗵𝗘𝗺𝗽𝗼𝘄𝗲𝗿𝗺𝗲𝗻𝘁, #𝗙𝘂𝘁𝘂𝗿𝗲𝗕𝘂𝗶𝗹𝗱𝗶𝗻𝗴, #𝗧𝗲𝗮𝗺𝘄𝗼𝗿𝗸, #𝗘𝗳𝗳𝗲𝗰𝘁𝗶𝘃𝗲𝗟𝗲𝗮𝗱𝗲𝗿𝘀𝗵𝗶𝗽.

fans

Photos from Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax's post 28/01/2026

𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 𝗦𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 (𝗡𝗲𝘅𝘁𝗚𝗲𝗻 𝗣𝗮𝘁𝗵𝘄𝗮𝘆𝘀 𝗦𝗲𝗿𝗶𝗲𝘀 2025: 𝗬𝗼𝘂𝘁𝗵 𝗗𝗲𝘃𝗲𝗹𝗼𝗽𝗺𝗲𝗻𝘁 𝗜𝗻𝗶𝘁𝗶𝗮𝘁𝗶𝘃𝗲)
-----------------------------------------------------------------------

𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 7𝗮𝗮𝗱

Xarunta Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax waxaa todobaadkan ka qabsoomay Barnaamijkii 7aad ee taxanaha sannadlaha ah, kaas oo uu soojeediyey 𝗮𝗾𝗼𝗼𝗻𝘆𝗮𝗵𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵𝗶 (𝗜𝗻𝗱𝗵𝗮𝘆𝗮𝗿𝗲) oo ka tirsan qaybta Daraasaadka Sare ee Jaamacadda Camuud.

Barnaamijkan ayaannu ugu talagalnay in dhallinyarada lagaga caawiyo sidii ay mustaqbalkooda u dhisi lahaayeen, suuqa shaqadana xirfadaha uu u baahan yahay ay u baran lahaayeen (𝗖𝗮𝗿𝗲𝗲𝗿 𝗗𝗲𝘃𝗲𝗹𝗼𝗽𝗺𝗲𝗻𝘁 𝗮𝗻𝗱 𝗘𝗺𝗽𝗹𝗼𝘆𝗮𝗯𝗶𝗹𝗶𝘁𝘆 𝗦𝗸𝗶𝗹𝗹𝘀).

Waxaannu si weyn ugu mahadcelinayaa aqoonyahan Maxamed oo mawduucan si qotodheer u sharraxay.

𝗕𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝘁𝗲𝗲𝗻𝗻𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗮𝘄𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗮𝘄𝗼𝗼𝗱𝗱𝗲𝗲𝗱𝗮.

#𝗜𝗻𝗶𝘁𝗶𝘁𝗶𝗮𝘁𝗶𝘃𝗲𝗦𝗲𝗿𝗶𝗲𝘀, #𝗬𝗼𝘂𝘁𝗵𝗖𝗲𝗻𝘁𝗲𝗿𝗲𝗱𝗣𝗿𝗼𝗴𝗿𝗮𝗺𝘀, #𝗟𝗲𝗮𝗱𝗲𝗿𝘀𝗵𝗶𝗽𝗜𝗻𝗔𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻, #𝗖𝗼𝗺𝗺𝘂𝗻𝗶𝘁𝘆𝗗𝗲𝘃𝗲𝗹𝗼𝗽𝗺𝗲𝗻𝘁𝗣𝗮𝘁𝗵𝘄𝗮𝘆𝘀, #𝗬𝗼𝘂𝘁𝗵𝗘𝗺𝗽𝗼𝘄𝗲𝗿𝗺𝗲𝗻𝘁, #𝗙𝘂𝘁𝘂𝗿𝗲𝗕𝘂𝗶𝗹𝗱𝗶𝗻𝗴, #𝗖𝗮𝗿𝗲𝗲𝗿𝗗𝗲𝘃𝗲𝗹𝗼𝗽𝗺𝗲𝗻𝘁, #𝗘𝗺𝗽𝗹𝗼𝘆𝗮𝗯𝗶𝗹𝗶𝘁𝘆𝗦𝗸𝗶𝗹𝗹𝘀. fans

Photos from Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax's post 25/01/2026

𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 𝗦𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 (𝗡𝗲𝘅𝘁𝗚𝗲𝗻 𝗣𝗮𝘁𝗵𝘄𝗮𝘆𝘀 𝗦𝗲𝗿𝗶𝗲𝘀 2025: 𝗬𝗼𝘂𝘁𝗵 𝗗𝗲𝘃𝗲𝗹𝗼𝗽𝗺𝗲𝗻𝘁 𝗜𝗻𝗶𝘁𝗶𝗮𝘁𝗶𝘃𝗲)
-----------------------------------------------------------------------

𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 6𝗮𝗮𝗱

Barnaamijkii 6aad ee taxanaha sannadlaha, ayaa kusoo gebageboobay xarunta Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax. Barnaamijkan ayaa gundhiggiisu ahaa sidii ardayda Maktabadda ku xidhan loogu baraarujin lahaa Qiyamka looga baahan yahay intay waxbarashada ku jiraan (𝗦𝘁𝘂𝗱𝗲𝗻𝘁 𝗚𝘂𝗶𝗱𝗮𝗻𝗰𝗲: 𝗘𝘁𝗵𝗶𝗰𝘀 𝗮𝗻𝗱 𝗗𝗶𝘀𝗰𝗶𝗽𝗹𝗶𝗻𝗲 𝗶𝗻 𝗔𝗰𝗮𝗱𝗲𝗺𝗶𝗰 𝗟𝗶𝗳𝗲). Barnaamijkan oo uu soojeedinayey 𝗗𝗿. 𝗔𝗮𝗺𝗶𝗶𝗻 𝗝𝗶𝗿𝗱𝗲 𝗬𝘂𝘂𝘀𝘂𝗳 (𝗣𝗵𝗗 𝗖𝗮𝗻𝗱𝗶𝗱𝗮𝘁𝗲) oo ah aqoonyahan ku takhasusay Waxbarashada, ayaa si cilmiyeyesan ardayda ula wadaagay dariiqooyinka ay ku kasban karaan aqoon midhadhal yeelata. .

𝗕𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝘁𝗲𝗲𝗻𝗻𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗮𝘄𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗮𝘄𝗼𝗼𝗱𝗱𝗲𝗲𝗱𝗮.

#𝗜𝗻𝗶𝘁𝗶𝘁𝗶𝗮𝘁𝗶𝘃𝗲𝗦𝗲𝗿𝗶𝗲𝘀, #𝗟𝗲𝗮𝗱𝗲𝗿𝘀𝗵𝗶𝗽𝗜𝗻𝗔𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻, #𝗖𝗼𝗺𝗺𝘂𝗻𝗶𝘁𝘆𝗗𝗲𝘃𝗲𝗹𝗼𝗽𝗺𝗲𝗻𝘁𝗣𝗮𝘁𝗵𝘄𝗮𝘆𝘀, #𝗬𝗼𝘂𝘁𝗵𝗘𝗺𝗽𝗼𝘄𝗲𝗿𝗺𝗲𝗻𝘁, #𝗙𝘂𝘁𝘂𝗿𝗲𝗕𝘂𝗶𝗹𝗱𝗶𝗻𝗴, #𝗘𝘁𝗵𝗶𝗰𝘀, #𝗗𝗶𝘀𝗰𝗶𝗽𝗹𝗶𝗻𝗲, #𝗔𝗰𝗮𝗱𝗲𝗺𝗶𝗰𝗟𝗶𝗳𝗲. fans

Photos from Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax's post 22/01/2026

𝗕𝗔𝗥𝗡𝗔𝗔𝗠𝗜𝗝𝗞𝗔 𝗕𝗔𝗥𝗕𝗔𝗔𝗥𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗪𝗔𝗡𝗔𝗔𝗚𝗦𝗔𝗡

Xarunta Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax waxaannu si rasmiya ugu soo afmeermay dufcaddii 1aad ee sannadkan 2026 ee 𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗿𝗯𝗮𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗪𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝘀𝗮𝗻 oo ay si heersare ah usoo agaasimeen una fuliyeen 𝗡𝗮𝗮𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗔𝗸𝗵𝗿𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗤𝗼𝗿𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝗠𝗮𝗸𝘁𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮, kaas oo ardayda Dugsiga Hoose/Dhexe ee degaanka loogu qabtay tartan aqooneed aannu ugu talagalnay in ardayda lagu kobciyo garaadkooda si mar walba ay ugu diyaarsanaadaan tartar aqooneed kasta oo ay ka qaybgalaan. Ugu dambeyntii, ardaydii ku guuleysatay kaalmaha sare ayaa abaalmarinno la gudoonsiiyey.

Maamulka Maktabadda iyo Waalidiinta sida joogtada ay ardaydoodu ugu xidhan yihiin Maktabadda, waxay si wadajir ah u bogaadinayaan dhallinyarada Naadiga Akhriska iyo Qoraalka oo mar walba heegan ugu jirta kobcinta dhaqanka akhriska iyo kaalingelinta dhallaankeenna.

𝗕𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝘁𝗲𝗲𝗻𝗻𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗮𝘄𝗹𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗮𝘄𝗼𝗼𝗱𝗱𝗲𝗲𝗱𝗮. fans

Photos from Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax's post 18/01/2026

𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 𝗦𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 (𝗡𝗲𝘅𝘁𝗚𝗲𝗻 𝗣𝗮𝘁𝗵𝘄𝗮𝘆𝘀 𝗦𝗲𝗿𝗶𝗲𝘀 2025: 𝗬𝗼𝘂𝘁𝗵 𝗗𝗲𝘃𝗲𝗹𝗼𝗽𝗺𝗲𝗻𝘁 𝗜𝗻𝗶𝘁𝗶𝗮𝘁𝗶𝘃𝗲)
-----------------------------------------------------------------------

𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗸𝗮 5𝗮𝗮𝗱

Barnaamijkii 5aad ee taxanaha sannadlaha, ayaa ka qabsoomay xarunta Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax. Barnaamijkan oo ay daadihinaysay Marwo Muna Bile Xirsi, ayay diiradda ku saartay iskuxidhka horumarinta dhallinyarada iyo bulshada taas oo loo baahan yahay in dhallinyaradu hormuud ay ka noqdaan.

Dhankooda, dhallinyarada sida joogtada ah ugu xidhan taxanahan ayaa si weyn u bogaadiyey marwo Muna iyo maamulka Maktabadda oo iska kaashaday qabsoomidda barnaamijkan.

𝗕𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝘁𝗲𝗲𝗻𝗻𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗮𝘄𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗮𝘄𝗼𝗼𝗱𝗱𝗲𝗲𝗱𝗮.

#𝗜𝗻𝗶𝘁𝗶𝘁𝗶𝗮𝘁𝗶𝘃𝗲𝗦𝗲𝗿𝗶𝗲𝘀, #𝗟𝗲𝗮𝗱𝗲𝗿𝘀𝗵𝗶𝗽𝗜𝗻𝗔𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻, #𝗖𝗼𝗺𝗺𝘂𝗻𝗶𝘁𝘆𝗗𝗲𝘃𝗲𝗹𝗼𝗽𝗺𝗲𝗻𝘁𝗣𝗮𝘁𝗵𝘄𝗮𝘆𝘀, #𝗬𝗼𝘂𝘁𝗵𝗘𝗺𝗽𝗼𝘄𝗲𝗿𝗺𝗲𝗻𝘁. fans

Photos from Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax's post 12/01/2026

Xarunta Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax waxaa nagu soo booqday wefdi ka kala socday labada urur maxalli ee CURIS iyo Organization for Welfare & Development in Action - OWDA oo ka hawlgala Dawlad Degaanka Itoobiya.

Wefiga oo uu soo dhaweeyey Maamulaha Guud ee Maktabadda, mudane Khadar Maxamed Diiriye, ayaa waxaa wehelinayey Hay’adda Maxalliga ah ee Somaliland Y-PEER oo aannu ku wada bahownay sidii wacyiga, aqoonta, iyo xirfadaha dhallinyarada aannu u kobcin lahayn.

Waxaannu si faahfaahsan u wadaagnay xaaladda dhallinyarada degaanka, dedaallada horumarineed ee aannu ku hawllanahay, iyo qorshayaasha mustaqbal ee Maktabaddu higsanayso.

Dhankooda, ururrada Curis iyo OWDA ayaa si wadajir ah uga mahadnaqay soo dhaweynta Maamulka Maktabaddu ku qaabilay, islajeerkaasna ku bogaadiyey kuna boorriyey dedaallada wacyi-dhis ee ka hanaqaaday degaanka ee ay Maktabaddu hormuudka ugu tahay.

Photos from Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax's post 09/01/2026

𝗗𝘂𝗳𝗰𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 6𝗮𝗮𝗱

Xarunta Maktabadda Akhriska ee Abwaan Xuseen Aw-Faarax waxaa kusoo gebageboobay 𝗱𝘂𝗳𝗰𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 6𝗮𝗮𝗱 ee tababbarka xirfadaha nolosha ee dhallinyarada degaanka oo muddo shan maalmood ah u socday.

Tababbarkan oo ay ka qaybqaateen qaybyo ka mid ah dhallinyarada degaanka ayaannu ugu talagalnay sidii dhallinyarada loogu tababbari lahaa xirfado kala duwan oo ka caawin doona kaalingelinta ahdaaftooda iyo guusha ay higsanayaan.

Waxaannu si weyn ugu mahadcelinaynaa Hay'adda Maxalliga ah ee Somaliland Y-PEER oo aannu tababarkan iska kaashannay.

𝗕𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝘁𝗲𝗲𝗻𝗻𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗮𝘄𝗹𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗮𝘄𝗼𝗼𝗱𝗱𝗲𝗲𝗱𝗮.

#𝗟𝗶𝗳𝗲𝗦𝗸𝗶𝗹𝗹𝘀, #𝗬𝗼𝘂𝘁𝗵𝗘𝗺𝗽𝗼𝘄𝗲𝗿𝗺𝗲𝗻𝘁, #𝗙𝘂𝘁𝘂𝗿𝗲𝗕𝘂𝗶𝗹𝗱𝗶𝗻𝗴, #𝗜𝗻𝗻𝗼𝘃𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻, #𝗦𝗼𝗰𝗶𝗮𝗹𝗚𝗿𝗼𝘄𝘁𝗵.

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Hargeisa

Opening Hours

Monday 07:00 - 12:00
14:00 - 15:15
Tuesday 07:00 - 12:00
14:00 - 15:15
Wednesday 07:00 - 12:00
14:00 - 15:15
Thursday 07:00 - 12:00
14:00 - 15:15
Friday 08:00 - 11:00
16:00 - 21:00
Saturday 07:00 - 12:00
14:00 - 15:15
Sunday 07:00 - 12:00
14:00 - 15:15