Shaafi University College

Shaafi University College

Share

Welcome to Shaafi University College โ€” Inspiring Healthcare Excellence

๐Ÿ’ก Quality Education | Practical Skills | Leadership
๐Ÿ“ Hargeisa

04/06/2026

Qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda Shaafi ayaa ka warbixiyay sida ay u diyaarinayaan daraasadda (research), iyagoo sharaxaya habraacyada ay jaamacaddu u dejisay ee lagu hagayo qorista cilmi-baarista

03/06/2026

๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ-๐๐ก๐š๐Ÿ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐๐š๐Ÿ๐š๐ช๐จ-๐๐š๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐๐šโ€™๐š๐ง (๐ˆ๐ง๐ญ๐ž๐ ๐ซ๐š๐ญ๐ž๐ ๐Œ๐š๐ง๐š๐ ๐ž๐ฆ๐ž๐ง๐ญ ๐จ๐Ÿ ๐€๐œ๐ฎ๐ญ๐ž ๐Œ๐š๐ฅ๐ง๐ฎ๐ญ๐ซ๐ข๐ญ๐ข๐จ๐ง (๐ˆ๐Œ๐€๐Œ) ๐“๐ซ๐š๐ข๐ง๐ข๐ง๐  ๐๐ซ๐จ๐ ๐ซ๐š๐ฆ

Jaamacadda Shaafi University College Hargeisa, waxay qabanaysaa tababar xirfadeed oo ku saabsan Maareynta Isku-dhafan ee Nafaqo-darrada Baโ€™an (IMAM), kaas oo lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadaha xirfadlayaasha caafimaadka ee la xiriira aqoonsiga, daaweynta, iyo maareynta nafaqo-darrada baโ€™an.

Tababare: Mudane Cabdilaahi Cabdi Cumar (Human Nutrition & Public Health)

Taariikhda: 11โ€“12 Juun 2026Muddada: 2 Maalmood (Khamiis & Jimce)

Mawduucyada Muhiimka ah:โ€ข Baaritaanka iyo ogaanshaha nafaqo-darrada baโ€™anโ€ข Maareynta OTP iyo Stabilization Centerโ€ข Qiimeynta, kormeerka, iyo dabagalka nafaqadaโ€ข Maareynta Severe Acute Malnutrition (SAM)โ€ข Wacyigelinta bulshada iyo helitaanka kiisaska cusub

Tababarkan waxaa loogu talagalay ardayda jaamacadda shaafi caafimaadka, kalkaaliyeyaasha, khubarada nafaqada, umulisooyinka, iyo xirfadlayaasha caafimaadka dadweynaha ee doonaya inay kor u qaadaan tayada adeegyada nafaqada iyo daryeelka bukaanka.

Waxaa Soo Abaabulay: Jaamacadda Shaafi โ€“ Hargeisa.

02/06/2026

Qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda Shaafi ayaa ka warbixiyay sida ay u diyaarinayaan daraasadda (research), iyagoo sharaxaya habraacyada ay jaamacaddu u dejisay ee lagu hagayo qorista cilmi-baarista.

26/05/2026

๐‚๐ข๐ข๐๐ฎ๐ฅ ๐€๐๐ฑ๐š๐š ๐Œ๐ฎ๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ค

Maamulka, macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda Shaafi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan shacabka Soomaalilaan iyo guud ahaan ummadda Islaamka munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.

Waxaan Alle SWT ka baryaynaa inuu ciidan ciiddeeda nagu gaadhsiiyo nabad, caafimaad, barwaaqo iyo horumar.

๐„๐ข๐ ๐€๐ฅ-๐€๐๐ก๐š ๐Œ๐ฎ๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ค ๐Ÿ•‹๐Ÿค

19/05/2026

๐Š๐จ๐ฆ๐ข๐ฌ๐ก๐ข๐ง๐ž๐ž๐ซ ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐’๐š๐œ๐ข๐ข๐ ๐…๐š๐š๐ก๐ข๐ฒ๐ž ๐จ๐จ ๐‡๐š๐๐š๐ฅ ๐ƒ๐ก๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐ข๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง ๐Š๐š ๐‰๐ž๐ž๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐—๐š๐Ÿ๐ฅ๐š๐๐๐š 18-๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฒ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ก๐š๐š๐Ÿ๐ข

Komishineer Cabdi Saciid Faahiye oo ka mid ah Komishineerada Guddida Tacliinta Sare, Ex-wasiir H**e Guddoomiyihii h**e ee Gobolka Selel, ayaa khudbad qiimo badan oo dhiirrigelin iyo wacyigelin xanbaarsan ka jeediyey Xafladda xuska 18-ka May oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Shaafi University College.

Komishineerku waxa uu si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay maalinta 18-ka May, doorka dhalinyarada iyo aqoontu ku leeyihiin horumarka dalka, isaga oo ardayda ku boorriyey inay noqdaan jiil aqoon, akhlaaq iyo waddaniyad ku dhisan.

Sidoo kale, waxa uu bogaadiyey maamulka, macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda Shaafi sida quruxda badan ee ay u soo agaasimeen munaasabaddan qaran ee qiimaha weyn leh.

Photos from Shaafi University College's post 18/05/2026

๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ ayaa maamuustay ardaydii h**e uga qayb qaatay ๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ฃ๐ข๐ซ, kuwaas oo muujiyay dadaal, karti iyo ka goโ€™naansho ay bulshada ugu adeegayaan. ๐Ÿ…

Ardaydan ayaa lagu guddoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino dhiirrigelin ah si loogu bogaadiyo kaalintii muuqata ee ay ka qaateen horumarinta aqoonta, adeegga bulshada iyo kor u qaadidda wacyiga bulshada.

๐Ÿ‘ Jaamacaddu waxay ku hambalyaynaysaa ardaydan dadaalkooda iyo doorka wanaagsan ee ay bulshada u hayaan, iyadoo ku dhiirrigelinaysa inay sii wadaan waxqabadkooda iyo hal-abuurkooda mustaqbalka.

Photos from Shaafi University College's post 18/05/2026

๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š 18-๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฒ โ€“ ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ข๐ฆ๐š๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ | ๐’๐š๐ฐ๐ข๐ซ๐จ ๐.2

Ardayda Jaamacadda SHAAFI ayaa si qurux badan uga qayb qaatay dabaal-degga 18-ka May, iyagoo muujiyay waddaniyad, midnimo iyo farxad qaran

Xafladdan heerka sare ah waxay ahayd mid xambaarsan qiimaha xorriyadda, wadajirka iyo horumarka bulshada.

Jaamacadda SHAAFI waxay sii waddaa doorkeeda ku aaddan dhisidda jiil aqoon iyo waddaniyad leh

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ 18-๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฒ โœจ
Guul โ€ข Gobanimo โ€ข Horumar

Photos from Shaafi University College's post 18/05/2026

๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š 18-๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฒ โ€“ ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ข๐ฆ๐š๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐š๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐ฃ๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐‡๐€๐€๐…๐ˆ Sawiro Q.1

Jaamacadda Shaafi ayaa si meeqaam sare leh u qabatay xaflad ballaaran oo lagu xusayay munaasabadda qaran ee Somaliland , taas oo ka mid ah maalmaha ugu qiimaha badan shacabka Somaliland.

Waxaa lagu soo bandhigay suugaan waddani ah, heeso hidde-dhaqameed, cayaaro dhaqameed iyo khudbado xambaarsanaa qiimaha gobannimada iyo midnimada Somaliland

Jaamacadda SHAAFI waxay mar walba hormuud u tahay kobcinta aqoonta, waddaniyadda iyo horumarinta jiilka cusub.

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ 18-๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฒ โœจ
Guul iyo Gobanimo Joogto ah Sawiro qaybta koobaad

17/05/2026

๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š 18-๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฒ โ€“ ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ข๐ฆ๐š๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐š๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐ฃ๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐‡๐€๐€๐…๐ˆ

Jaamacadda Shaafi waxay si weyn oo sharaf leh u qabatay xaflad ballaaran oo lagu xusayay munaasabadda qaran ee Somaliland Independence Day, taas oo ka mid ah maalmaha ugu qiimaha badan shacabka Somaliland.

Xafladdan oo si heersare ah loo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay ardayda, macallimiinta, maamulka jaamacadda iyo marti sharaf kale, kuwaas oo muujiyay midnimo, waddaniyad iyo farxad qaran.

Ardayda Jaamacadda Shaafi waxay soo bandhigeen barnaamijyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: Bandhigyo suugaaneed iyo gabayo waddani ah, Heeso iyo cayaaro hidde iyo dhaqan ah, Khudbado ku saabsan halgankii iyo madaxbannaanida Somaliland

Ujeeddada xafladdan ayaa ahayd in la xoojiyo wacyiga ardayda, lana xasuusiyo qiimaha midnimada, xorriyadda iyo horumarka dalka.

Jaamacadda Shaafi waxay mar walba door muuqda ka qaadataa kobcinta aqoonta, waddaniyadda iyo horumarinta jiilka cusub.

Hambalyo 18-ka May โ€“ Guul iyo Gobanimo Joogto ah
Jaamacadda Shaafi

17/05/2026

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐Ÿ๐Ÿ–-๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฒ

Jaamacadda ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ ๐—จ๐—ป๐—ถ๐˜ƒ๐—ฒ๐—ฟ๐˜€๐—ถ๐˜๐˜† waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shacabka reer Somaliland munaasabadda qaran ee 18-ka May.

Maanta oo kale waxaa laga joogaa 35 sano markii shacabka Somaliland ay si geesinimo leh dib ugu dhawaaqeen madax-bannaanidooda iyo qaranimadooda.
Waxaan si gaar ah hambalyo ugu diraynaa: Ardayda, Macallimiinta, Hawlwadeennada, Iyo dhammaan bulshada reer Somaliland

Ilaahay ha inoo xoojiyo nabadda, midnimada, horumarka, iyo wadajirka bulshada Somaliland.

โธปโ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”

๐—›๐—ฎ๐—ฝ๐—ฝ๐˜† ๐Ÿญ๐Ÿด๐˜๐—ต ๐— ๐—ฎ๐˜†

๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ ๐—จ๐—ป๐—ถ๐˜ƒ๐—ฒ๐—ฟ๐˜€๐—ถ๐˜๐˜† extends its warmest congratulations to all Somalilanders on the occasion of May 18th โ€“ Somaliland National Day.

This year marks 35 years since the people of Somaliland courageously reclaimed their independence and national identity.

We proudly congratulate:
โ€ข Students
โ€ข Academic Staff
โ€ข Employees
โ€ข And all Somaliland citizens

May Allah strengthen our peace, unity, and continued development.

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Hargeisa
252

Opening Hours

Monday 06:30 - 21:00
Tuesday 06:30 - 21:00
Wednesday 06:30 - 21:00
Thursday 06:30 - 21:00
Saturday 06:30 - 21:00
Sunday 06:30 - 21:00