10/02/2026
๐ AMNIGA WEBSITES-KA ๐
Website ammaan ah waa tiirka kalsoonida madasha iyo macaamiisha ๐
Tacliim Technology waxaan xoogga saarnaa:
โ
Authentication (Auth) โ ilaalinta akoonnada isticmaalayaasha iyo doorarkooda kala duwan
โ
Authorization -- Doorarka xogta isticmaale kasta xaq uleeyahay inuu arko ama galo
โ
Protected Routes โ ka hortagga gelitaanka aan fasaxa lahayn ee meelo aan loo ogolayn
โ
API Security โ amniga xogta & isgaarsiinta
โ
Best Security Practices โ casri, degdeg, la isku halayn karo
โ
Ilaalinta iyo xiftinta API Keys ka web app ka
โ
Ilaalinta database ka iyo adkeynta querieska
๐ก Haddii aad rabto website ammaan ah, xirfad leh, oo casri ah, nala soo xidhiidh maanta.
๐ www.tacliim.com | Taclim Solutions
๐ Tacliim Technology โ Baro, Dhis, Ilaali
10/02/2026
Halkan waa dulmar kooban oo ku saabsan marxaladihii Technologyada ee muhiimka ahaa:
1. 1980-meeyadii: Bilowgii Kumbuyuutarka Shaqsiga (PC)
Xilligan waxay ahayd markii kumbuyuutarku uu soo galay guryaha iyo xafiisyada yaryar.
Kumbuyuutarrada Shaqsiga: Waxaa soo baxay Apple Macintosh iyo IBM PC.
Kaydka: Waxaa la isticmaali jiray Floppy Disks si xogta loo keydiyo.
Ciyaaraha: Shirkadaha sida Nintendo iyo Pac-Man ayaa dunida ku baahay.
2. 1990-meeyadii: Kacdoonkii Internet-ka
Tobankan sano waxay ahaayeen kuwii dunida isku xiray.
World Wide Web (WWW): Internet-ka ayaa noqday mid dadwaynuhu isticmaali karaan.
Email-ka: Isgaarsiinta qoraalka ah ee degdega ah ayaa beddeshay waraaqihii boostada.
Mobile-lada: Waxaa soo baxay telefoonadii gacanta ee h**e (sida Nokia), inkastoo ay ahaayeen kuwo kaliya loogu talagalay Wicitaanka iyo SMS-ka.
3. 2000-yadii: Xilligii Digital-ka iyo Baraha Bulshada
Dunidu waxay bilowday inay ka guurto agabkii h**e (Analog) una guurto Digital.
Smartphones: Sanadkii 2007, soo saaristii iPhone ayaa gabi ahaanba beddeshay sida aan u isticmaalo telefoonka.
Baraha Bulshada: Facebook, YouTube, iyo Twitter ayaa dhashay, taas oo beddeshay qaabka aan u xiriirno.
Xawaaraha Internet-ka: Waxaa soo baxay Broadband iyo WiFi, taas oo meesha ka saartay internet-kii tartiibka ahaa ee siligga ku shaqayn jiray (Dial-up).
4. 2010-yadii: Cloud-ka iyo Apps-ka
Xogta looma baahna in lagu hayo hal meel, wax walba waxay noqdeen "Online".
Cloud Computing: Adeegyada sida Google Drive iyo iCloud ayaa noqday kuwo caadi ah.
Streaming: Netflix iyo Spotify ayaa beddelay CD-yadii iyo filimaantii la kireysan jiray.
Dhaqaalaha Apps-ka: Uber, WhatsApp, iyo Instagram ayaa noqday qayb lama huraan ah oo nolosha ka mid ah.
5. 2020 ilaa Maanta: Sirdoonka Macmalka ah (AI)
Hadda waxaan ku jirnaa xilli mashiinnadu ay u fikiraan sidii bini-aadamka oo kale.
Artificial Intelligence (AI): Tiknoolajiyada sida ChatGPT iyo sirdoonka macmalka ah ayaa qabanaya shaqooyin adag, laga soo bilaabo qoraalka ilaa ogaanshaha cudurrada.
5G: Internet aad u dheereeya oo suuragelinaya in wax kasta ay isku xirnaadaan (Internet of Things).
Baabuurta Korontada & Is-wadidda: Horumarka laga gaaray baabuurta korontada ku shaqeeya (sida Tesla).
Gabagabo:
Tiknoolajiyadu waxay ka timid mashiin xisaabeed oo miiska dushiisa yaalla, waxayna u dhowaatay qalab jeebka noogu jira oo ka awood badan kumbuyuutarradii loo isticmaali jiray in dayaxa loogu diro dadka.
Wixii fahfaahin ah la xiriir Tacliim.com
05/02/2026
www.tacliim.com ๐ hoyga aqoonta
๐ SQL Injection โ Khatarta Amni ee Website-yada
SQL Injection waa weerar amni oo hacker-ku ku dhex geliyo amarro SQL ah meelaha website-ku ka qaato xogta isticmaalaha sida login, search, ama URL. Weerarkan wuxuu keeni karaa:
๐ Helitaan sharci darro ah
๐ Xog sir ah oo la xado
๐๏ธ Tirtirid ama beddelid database
๐ก๏ธ Sida Looga Hortago:
โ๏ธIsticmaal Prepared Statements
โ๏ธHubi oo nadiifi input-yada
โ๏ธHa muujin error faahfaahsan
โ๏ธCusboonaysii system-kaaga
๐ Fahamka SQL Injection waa talaabo muhiim ah oo lagu dhisayo website ammaan ah.
๐ฒ Tacliim Technology โ Baro Teknolojiyadda, Ilaali Amniga ๐
04/02/2026
Tacliim Technology | www.tacliim.com
๐ Qormo: Web Development โ Qeexid iyo Noocyadiisa
๐ฅ๏ธ Web development waa habka lagu sameeyo, lagu horumariyo, laguna maamulo website ama web application si ay uga shaqeeyaan internet-ka. Waxa uu isku daraa:
๐จ Naqshad (Design)
๐ป Barnaamij (Programming)
๐๏ธ Kaydinta xogta (Database)
๐ Amniga (Security)
Web development wuxuu door weyn ka ciyaaraa ganacsiga ๐ข, waxbarashada ๐, warbaahinta ๐ฐ, iyo adeegyo badan oo casri ah.
๐น Labada Nooc ee Ugu Waaweyn ee Web Development
1๏ธโฃ Custom Code (Website laga dhiso eber)
๐ ๏ธ Custom code waa marka website laga dhiso bilow ilaa dhammaad iyadoo la adeegsanayo luuqadaha sida HTML, CSS, JavaScript, PHP, Python, ama frameworks sida React, Laravel, ama MERN Stack.
โ
Faaโiidooyin:
๐ฏ Website si gaar ah kuugu habboon
โก Xawaare sare
๐ Amni xooggan
๐จ Xorriyad buuxda oo design iyo shaqo ah
โ Qasaarooyin:
โณ Waqti badan ayuu qaataa
๐ฐ Qiimo badan ayuu ku kacaa
2๏ธโฃ CMS (Content Management System)
๐ฆ CMS waa nidaam diyaarsan oo kuu oggolaanaya inaad si fudud u dhisto una maamusho website adigoon qorin code badan.
๐งฉ Tusaalooyin: WordPress, Joomla, Drupal, Shopify.
โ
Faaโiidooyin:
โก Degdeg iyo fudayd
๐ธ Qiimo jaban
๐งโ๐ป Ku habboon blog, ganacsi, iyo e-learning fudud
โ Qasaarooyin:
๐ง Xaddidaad ku yimaada wax ka beddelka
๐ Amniga iyo xawaaraha mararka qaar wuu yara hoosayn karaa
๐ Gunaanad
๐ Haddii aad rabto website:
๐ฏ Gaar ah, awood badan, oo mustaqbalka la ballaarin karo โ Custom Code
โก Degdeg, kharash yar, si fududna loo maamuli karo โ CMS
๐ Tacliim Technology waxay ku hagaysaa doorashada kuugu habboon iyadoo lagu salaynayo baahidaada iyo miisaaniyaddaada. ๐ป๐
31/01/2026
Tacliim Technology | www.tacliim.com
๐ป CASHAR: Fahamka Binary Code
๐น Waa maxay Binary Code?
Binary code waa luuqadda ugu muhiimsan ee kombiyuutarradu ku shaqeeyaan. Waxay ka kooban tahay laba tiro oo kaliya:
0 = Off / Been No
1 = On / Run Yes
Kombiyuutarku wuxuu ku fahmaa dhammaan xogta โ qoraal, sawir, cod, iyo fiidiyoow โ isagoo u beddelaya 0 iyo 1.
๐น Sababta loo adeegsado Binary?
Kombiyuutarradu waxay ku shaqeeyaan koronto:
Marka koronto jirto โ 1
Marka koronto maqantahay โ 0
Sidaas darteed, binary waa hab fudud oo lagu matalo xogta elektaroonigga ah.
๐น Sidee loo matalaa xarfaha?
Xarfaha waxaa loo rogaa tirooyin binary ah iyadoo la adeegsanayo nidaam la yiraahdo ASCII.
Tusaale:
Xarafka A = 65 (decimal) = 01000001 (binary)
Xarafka B = 66 = 01000010
Marka, erayga โHIโ wuxuu noqonayaa:
H = 01001000
I = 01001001
๐น Maxay yihiin Bits iyo Bytes?
Bit = Hal tiro binary (0 ama 1)
Byte = 8 bits
Tusaale: 01000001 = 1 byte
๐น Tusaale Fudud:
Haddii aan rabno inaan qorno lambarka 5:
5 (decimal) = 101 (binary)
Lambarka 10:
10 (decimal) = 1010 (binary)
๐น Maxaa lagu isticmaalaa Binary?
Binary waxaa loo adeegsadaa:
1- Barnaamijyada kombiyuutarka
2- Kaydinta xogta (files)
3- Isgaarsiinta (internet, SMS, iwm)
4- Qalabka elektaroonigga ah sida telefoonada, ATM-yada, iwm
๐น Gabagabo
Binary code waa saldhigga teknolojiyadda casriga ah. Fahamkiisu wuxuu kaa caawinayaa inaad si qoto dheer u fahanto sida kombiyuutarradu u shaqeeyaan.
Ku xidhnow bahda Tacliim.com โ
16/01/2026
kombiyuutarradu uga shaqeeyaan shabakad (network). Dusha sare waxaa si hagaagsan (aligned) loogu rakibay logo-ga Tacliim Technology, waxaana la yareeyay cabbirkiisa si uu u ekaado mid nadiif ah
PCs & Laptops
โ Kombiyuutarrada iyo laptops-ka isticmaaleyaasha
โ Waxay ku xirmaan shabakadda iyagoo isticmaalaya Wi-Fi ama Ethernet
Internet
โ U suurtageliya isticmaaleyaasha inay galaan web-ka
โ Waxaa lagu isticmaalaa website-yo, cloud services, iyo email
Network Switch & Router
โ Waxay maamulaan socodka xogta (data traffic)
โ Waxay isku xiraan qalabka gudaha iyo internet-ka
Servers
โ Kaydiya oo bixiya adeegyada muhiimka ah
โ Sida file sharing, databases, iyo applications
Network Security
โ Ilaalinta shabakadda
โ Waxaa ka mid ah firewall, encryption,
Waxii fahfaahin ah la xiriir Tacliim.com
09/01/2026
Tacliim Technology | www.tacliim.com
โ๏ธWaxka baro Tiknoolajiyada:
๐ฅ๏ธ Qaybaha Hardware-ka ee Kombiyuutarka
Marka aan ka hadlayno sida uu kombiyuutarku u shaqeeyo, waxaan u qaybin karnaa saddex qaybood oo muhiim ah oo sawirkan ka muuqda:
1. Aaladaha Galinta (Input Devices) โ ๐ต Buluug
Waa aaladaha loo isticmaalo in xogta lagu geliyo kombiyuutarka:
Keyboard & Mouse: Si aad wax u qorto ama u dhex gasho software-ka.
Scanner: Si aad waraaqaha sawir ugu beddesho.
Microphone & We**am: Si aad codka iyo sawirka u geliso.
Touchscreen: Shaashadda taabashada ah.
2. Aaladaha Soo-saarka (Output Devices) โ ๐ข Cagaar
Waa aaladaha soo bandhiga ama soo saara natiijada ka dib markii uu kombiyuutarku xogta farsameeyo:
Monitor (Shaashadda): Si aad u aragto waxa socda.
Printer & Projector: Si aad warqad ugu daabacdo ama darbi ugu weyneyso.
Speakers & Headphones: Si aad codka u maqasho.
3. Aaladaha Kaydinta (Storage Devices) โ ๐ Liimi
Waa aaladaha loogu talagalay in lagu keydiyo xogta si joogto ah:
Hard Disk (HDD) & SSD: Kaydka gudaha ee kombiyuutarka.
Pen Drive (Flash) & Memory Card: Kaydka yar yar ee la qaadan karo.
CD/DVD & External Hard Drive: Aaladaha xogta looga qaado meel ka baxsan kombiyuutarka.
05/01/2026
Waa isbarbar dhiga mouse ka iyo techPad ka ee laptops ku leeyihiin
1. Touchpad (Qaybta taabashada ee Laptop-ka)
Touchpad-ku waa qaybta ku dhex jirta laptop-ka ee aad fartaada ku hagto.
Qaabka u shaqeeyo: Waa fidsan yahay, wuxuuna dareemaa cadaadiska iyo dhaqdhaqaaqa fartaada.
Tilmaamaha (Gestures): Waxaad u isticmaali kartaa dhowr farood si aad u soo dhaweyso (pinch-to-zoom), u rog-rogto bogga (scroll), ama aad u kala beddesho barnaamijyada.
Faa'iidada: Uma baahna meel dheeraad ah ama miis fidsan, waana mid mar walba diyaar ah (integrated).
Meelaha lagu liito: Ma ahan mid aad u saxan (less precise) marka la rabo in la qabto shaqooyin u baahan feejignaan dheeraad ah sida naqshadaynta (Graphic Design).
2. Mouse (Jiirka Computer-ka)
Mouse-ku waa aalad dibadda ka ah computer-ka oo gacanta lagu kantaroolo.
Qaabka u shaqeeyo: Wuxuu u baahan yahay meel fidsan (sida Mousepad) si uu u dhaqaaqo, wuxuuna leeyahay badhammo jireed (buttons) iyo taayir (scroll wheel).
Faa'iidada: Aad ayuu u saxan yahay (high precision), waana doorashada koowaad ee dadka ciyaara gamer-ka ama sameeya naqshadaynta. Sidoo kale, wuu ka raaxo badan yahay gacanta haddii aad saacado badan shaqaynayso.
Meelaha lagu liito: Wuxuu u baahan yahay meel dheeraad ah oo miiska dushiisa ah iyo in aad mar walba qaadato (haddii uu yahay mid dibadda ah).
04/01/2026
โ ๏ธWacyigelinta weerarada budhcada internetka โ
Run ahaantii xog fiican oo wacyigelin ugu filan bulshada weeyan in kasto dadku marka aanay waxan fahmeynin ay u baahan tahay in marar badan iyo qaabab kala duwan loo sharaxo sidey udhacaan weeraradan oo maalin walba ka dhaca internetka:
Hadii aan dul istaago qaababka ugu caansan weerarada internetka?
1- Social engineering: macnaheedu waa inla badalo oo kalsooni lagu abuuro qofka ama cida la weeraraayo ( victim) waana habka ugu halista badan oo ah dabinka ugu fudud ee dadku ku dhacaan badana: waxa la adeegsada qaabab aadan filan karin sida:
โ
Fake Clone Pages : waxa laguu soo dirayaa website been abuur ah isla markaana u eeg mid rasmiya oo aad isticmaali jirtey sida Facebook, tiktok, youtube, Gmail, Google, bank accounts iyo iwm, iyadoo laguu sheegay fariimo degdeg ah sida inla isku dayaayo inla jabsado akoonadaadan isla markaana loo baahan yahay hada inaan talaabo qaado sida inaad badasho pinka ama aad xaqiiniso mar kale akoonadada,
โ
Hacking Urls: waxa lagu soo dirayaa link, cod, sawir, muuqal , pdf, document iyo noocyo kale oo badan, tusaale muuqal caadiya oo ka yimid link caadi ah sida youtube, qoraal kale oo leh ciwaan soo jiidasho leh isla markaana la xidhiidha waxaad xiiseyso sida ciyaaro, filimaan ama xitaa waxkale ujeedkuna yahay in lagugu qanciyo inaad riixdo oo furto , ama dhexgasho filekaas, taasi waxay fududeynaysa in laga jabsado , lagu dabo galo, lala socdo xogtaada dhan talaabo talaabo si joogto ah.
โ
Hadii xogtaada loo dhaco ama la jabsado siyaalo badan ayaa loo adeegsan kara sida :
1- inla iib geeyo haday tahay xog iibsameysa
2- lagugu handado ama lagugu been abuuro
3- in lacag lagaaga qaato si lagu asturo xogtaada
4- in laga xidho ama qufulo xogtaada isla markaana lacag lagu waydiiyo si lagugu furo
Intaas wayka badan tahay qaababka loo adeegsan karo xogtaad shakhsiga, ururka ama dawlad ba.
โ
Hadaba sidee isaga ilaalin karta ?
1- Ha furin degdeg fariin , link , sawir ama wax aadan hubsan cida soo dirtey hana buuxin xog form aadan ogayn si cad ujeedka.
2- marwalba eeg oo baadh Ciwaanada laga soo direy xogta iska hubso oo ha qaadin talaabo isla markaba adigoon baadhitaan sameynin.
Hoyga aqoonta tiknoolajiyada ee Tacliim Technology kusoo biir fadlan.
03/01/2026
Tacliim Technology | www.tacliim.com
maxay Software Port?
Software Port waa lambar aqoonsi ah oo ku dhex jira nidaamka xiriirka ee kombuyuutarka. Maaha wax jireed oo la taaban karo, balkan waa marin xogeed oo u oggolaanaya barnaamijyada kala duwan inay hal mar wada isticmaalaan internet-ka iyagoon isku dhex darsamin.
Haddii IP Address-ka lagu tusaaleeyo cinwaanka gurigaaga, Port-ku waa nambarka qolka gaarka ah ee xogta loogu talagalay.
Noocyada iyo Lambarada Port-yada ugu Caansan:
Wadar ahaan waxaa jira 65,535 ports, waxaana ugu muhiimsan:
Port 80 (HTTP): Waxaa loo isticmaalaa soo dejinta iyo booqashada bogagga internet-ka ee caadiga ah.
Port 443 (HTTPS): Waa marinka bogagga internet-ka ee sugan (leh sir-qaris), waana kan inta badan hadda la isticmaalo.
Port 25 (SMTP): Waxaa loo isticmaalaa dirista fariimaha Email-ka.
Port 21 (FTP): Waxaa loo isticmaalaa wareejinta faylasha (File Transfer).
Port 22 (SSH): Waxaa loo isticmaalaa in si ammaan ah loogu galo kombuyuutar ama server fog.
Port 53 (DNS): Waxaa loo isticmaalaa in magacyada website-yada (sida google.com) loogu beddelo nambarada IP-ga.
Sida uu u shaqeeyo Port-ku:โ
Marka xog ay dibadda ka timaado, waxay soo martaa saddex heer oo aqoonsi ah:
1-Ethernet/Wi-Fi: Si ay u soo gaarto qalabkaaga.
2-IP Address: Si ay u soo hesho kombuyuutarkaaga gaarka ah.
3-Port Number: Si ay u ogaato barnaamijka ay u socoto (tusaale: ma Chrome baa u baahan xogtan mise waa Zoom?).
Muhiimadda Amniga:
Software ports-ku waxay door weyn ka ciyaaraan amniga internet-ka. Aaladda Firewall-ka waxay kantarooltaa port-yada:
Port Furan: Wuxuu oggolaanayaa xogta.
Port Xiran: Wuxuu horjoogsanayaa weerarada hackers-ka iyo fayrasyada isku dayaya inay soo galaan marinnada aan la isticmaalin.
Ma jeceshahay inaan ku tuso qaabka aad kombuyuutarkaaga uga arki karto port-yada hadda kuu furan?
02/01/2026
โ
Kulliyada Tacliim Technology | www.tacliim.com
๐ MA TAQAANA: Waa Maxay IP Address? (Sharaxaad Fudud) ๐
Marnaba ma is weydiisay sida uu internet-ku ku ogaado in sawirka aad soo dirtay uu u dhaco qofka aad u qastisay ama udireysay, ama sida macluumaadka aad raadinayso ay ugu soo dhacaan taleefankaaga saxda ah?
Waxaas oo dhan waxaa ka dambeeya waxa loo yaqaano IP Address.
๐ค Waa Maxay IP Address?
IP waxay u taagan tahay (Internet Protocol). Haddii aan si fudud u dhigno, IP Address-ku waa sida Lambarka Guriga ama Aqoonsiga (ID) ee qalab kasta oo ku xiran internet-ka.
Sida uusan boostada kuugu soo gaari karin haddii uusan gurigaagu lahayn ciwaan goโan, qalabkaaga (Mobile, Laptop, ama Printer) ma heli karo macluumaad haddii uusan lahayn IP Address u gaar ah.
๐ Qaabka uu u Samaysan yahay IP Address
Waxaa jira laba nooc oo ugu caansan oo loo isticmaalo ciwaanadan:
1๏ธโฃ IPv4 v= version (Nooca ugu caansan): Wuxuu ka kooban yahay afar qaybood oo tirooyin ah oo ay dhibic u dhexeyso. Tusaale: 192.168.1.1
2๏ธโฃ IPv6 (Nooca Cusub): Maadaama tirada dadka internet-ka isticmaala ay aad u badatay, IPv4 wey ku filnaan weyday dunida. Sidaas darteed waxaa la sameeyay IPv6 oo aad u ballaaran, ka koobanna xarfo iyo tirooyin. Tusaale: 2001:0db8:85a3:0000:0000:8a2e:0370:7334
๐ก Maxay muhiim u tahay inaan ogaano?
Xiriirka: Isaga laโaantiis internet ma jireen.
Amniga: IP-gaaga waxaa laga ogaan karaa magaalada aad joogto iyo shirkadda internet-ka ee aad isticmaasho.
Privacy: Dadka qaarkood waxay isticmaalaan VPN si ay u qariyaan IP-gooda rasmiga ah si aan loola socon karin meesha ay ku sugan yihiin.
Su'aal: Ma taqaannaa sida aad u ogaan karto IP Address-ka taleefankaaga hadda? ๐ต๏ธโโ๏ธ
Haddii aad ka faa'iiday qoraalkan, Like saar, asxaabtaadana la wadaag (Share)! ๐
01/01/2026
๐Sanad waliba hoodiyo ,hawl iyo dhibaatiyo
Wuxu hadimo leeyahay,waa laga helaayoo
hadhaw lagu xasuusta ,kii noo hagaagee
noqo loo han waynyahay
โ
Kulliyada Tacliim Technology waxay Hambalyo , bogaadin iyo duco udireysa dhamaan bulshada afka somaliga ku hadasha gaar ahaan bulshada reer somali land:
Alle sanadkii tagey khayrkiisa ha ina waafajiyo kan yimidna sanad fiican oo hoodaale ah ha inooga dhigo aamiin.
โ
Tacliim Technology | www.tacliim.com
Qorey: Maamulaha guud ee Kulliyada Tacliim Technology : Cabdiqaadir dayib xasan