Muuqaal kooban oo ka mid ah muuqaalada laga qabtay Daabuurka Subax laha ah ee Dugsiga Elgula Primary & Secondary School.
Date: 23/12/2025
Muuqaal Duube
Cabdinasir Xasan Maxamed
Elgula Primary & Secondary School
Serves the community at the sideof education
مناسبة يوم المعلم الصومالي
27/11/2025
School Principal And teachers congratulate Layla Mohamed Gelle and Abdirashiid Rashka on their achieving in First degree of university level completing saying "Warmest congratulations on your graduation and best wishes for your next adventure."
22/11/2025
👁
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay ogeysiineysaa dhammaan bahda waxbarashada in berri oo Axad ah, 23-ka Nofeembar, ay goobaha waxbarashada fasaxyihiin, iyada oo lagu maamusayo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed.
Wasaaraddu waxay u rajeyneysaa macallimiinta Soomaaliyeed dhammaan wanaag, sharaf iyo guul, maadaama ay laf-dhabar u yihiin horumarka dalka iyo dadka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin fadlan la xiriir
Agaasinka warfaafinta iyo xiriirka Bulshada
Abdiaziz Wali
Email: [email protected]
22/11/2025
21 NOVEMBER
MAALINKA MACALLINKA SOOMAALIYEED
Naadiga Ardeyda Ee Dugsiga Hoose Dhexe & Sare Ceelguula ee Degmada Ceelguula ayaa munaasabad si heer sare ah ay u soo agaasimeen ayaa ay ardeydu ku maamuuseen Maamulka iyo Macalimiinta wax ka dhiga Dugsiga.
Munaasabaddan ayaa qayb ka ah xafladaha Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ee ka socda Dalka oo idil gaar ahaan goobaha Waxbarashad.
Munaasabadda ayaa intii ay socodatay waxaa laga soo jeediyey kalimado iyo Suugaan kala duwan oo dhammaantood ka turmujey Muhiimadda Macalinka iyo kaalinta halbowlaha ah ee uu Kaga jiro bulshada gaar ahaan la dagaalanka jahliga iyo iyo kobcinta garaadka iyo aqoonta ubadka Soomaaliyeed.
Dhanka kale ardeyda ayaa macallimiinta guddoonsiiyey abaalmarino qiimo badan.
Maamulka iyo macalimiinta ayaa iyaguna dhankooda ka mahadceliyey munaasabadda lagu maamuusay.
01/11/2025
JUMCA 31/10/2025
Munaasabad soo dhawayn ah isla markaan loo sameeyey Ardeyda ka soo qalinjabisay dugsiga sare ee Ceelguula ee Degmada Ceelguula kuna soo biiray Jaamacadda Modern qayteeda Gaalkacyo ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.
Munaasabadda soo dhawaynta ayaa waxaaa soo agaasimay ardeyda ka soo jeeda Degmada Ceelguula kuwaas oo h**e jaamacadda wax uga baranayey kuliyadaha kala duwan ee ay jaamacaddu bixiso.
Munaasabadda soo dhawaynta waxaa ka soo qayb galay Elgula Mayor Mudane Abdishakuur Abdulkadir Osman Abukaate ,qaar ka mid ah Iyo Maamulaha Dugsiga Hoose Dhexe Iyo Sare ee Ceelguula.
Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa looga hadlay muhiimadda sidii ardeyda qaybohooda kala duwan ay iskugu xirnaan lahaayeen islamarkaana ay u wadashaqayn lahaayeen.
09/10/2025
إنا لله و إنا إليه راجعون
إنا لله و إنا إليه راجعون
إنا لله و إنا إليه راجعون
Maamulka , Macalimiinta , Ardeyda iyo dhammaan bahda waxbarashada waxa ay ka tacsiyeynayaan geerida naxdinta iyo xanuunka badan ee ku timid Allaah SWT ha u naxariistee ustaad Cabdi Cabdullaahi oo ka mid ahaa macalimiinta in badan ka soo qayb qaatay waxbarista iyo barbaarinta ardeyda qaar ka mid ah Dugsiyada Galmudug , si gaar ah macalinku waxaa uu ka soo shaqeeyey Elgula Primary & Secondary School.
Ustaadka Allaah SWT jannadiisa firdowsa ha ugu bishaareeyo . Qoyska , qaraabada iyo bahda waxbarashada Samir iyo iimaan ha ka siiyo .
08/10/2025
𝙒𝙖𝙨𝙖𝙖𝙧𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙒𝙖𝙭𝙗𝙖𝙧𝙖𝙨𝙝𝙖𝙙𝙖,𝙃𝙞𝙙𝙙𝙖𝙝𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙏𝙖𝙘𝙡𝙞𝙞𝙣𝙩𝙖 𝙨𝙖𝙧𝙚 𝙚𝙚 𝙂𝙖𝙡𝙢𝙪𝙙𝙪𝙜 waxa ay ku wargalinaysaa ardayda gashay Imtixaanka 𝐅𝐚𝐬𝐚𝐥𝐤𝐚 𝟏𝟐𝐚𝐚𝐝 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐝 𝐝𝐮𝐠𝐬𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟒-𝟐𝟎𝟐𝟓 in ay soo dalban karaan 𝗦𝗵𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮 𝗗𝘂𝗴𝘀𝗶𝗴𝗮 𝘀𝗮𝗿𝗲
Xafiiska Bixinta shahaadada dugsiga sare waxa uu ku yaalaa Xafiisyada Wasaaradda ee 𝗗𝗵𝘂𝘀𝗮𝗺𝗮𝗿𝗲𝗲𝗯 iyo 𝗚𝗮𝗹𝗸𝗮𝗰𝘆𝗼,
Degmooyinka kale ardayda joogta waxay dalabkooda soo marsiin karaan Xafiiska Wasaaradda ee Degmadooda.
Wixii faaffaahin dheeri ah kala xiriir 𝗫𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗕𝗶𝘅𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗦𝗵𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗮𝗿𝗲:
𝟎𝟔𝟏𝟕𝟔𝟎𝟓𝟕𝟔𝟑
-𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗-
Wasaaradda Waxbarashada waxa ay bulshada u caddeyneysaa in Natiijada la shaacin doono, berri oo Axad ah, 24-ka Agoosto 2025, 4:00PM.
Wixii faahfaahin fadlan la xiriir
Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka bulshada
Abdiaziz Wali
[email protected]
Facebook.com/moechesomalia
Twitter.com/moechesomalia
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya.
25/06/2025
23/03/2025 Talaado,Kulan Sport Kubbadda Cagta ah oo ay soo agaasimeen
Naadiga Ardeyda Elgula Primary & Secondary School ayaa lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta Ee Degmaca Ceelguula.
Kulan Ciyaareedkan ayaa ahaa mid loo sameeyey Ardeyda Fasalka 8.aad ee Imtixaanka Shahaadoga ah uga socday Degmada ee ka kala yimid Degmada iyo Degaanada hoos yimaad.
Koobka Kulankan Sport-ga ayaa ujeedkiisu ahaa mid is-dhexgal ah.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada,Guddoonka Waxbarashada degmada , Taliyaha Qaybta Poloce-ka degmad Ururka DHalinyarada Dagmada Ceelguula iyo Macalimiinta dusigayada kulankani u dhexeeyey.
Kulanka ayaa ku soo dhamaadey sidii loo qorsheeyey.
24/06/2025
Qaar ka mid ah Sawirada Madaxda Maamulka Degmada Ceelguula , Taliska Policeka Degamada Macalimiinta iyo Dhalinyada oo la dabaal degay Ardeyda Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka8.aad ugu soo idlaadeyda Degmada Ceelguula gaar ahaan xarunta uu imtixaanka lagu qaadey ee Dugsiga Elgula Primary & Secondary School sanad-dugsiyeedka 2024-2025.
24/06/2025
24/06/2025 Talaado waxaa ardeyda Fasalka 8.aad si guul leh ugu soo dhammaadey imtixaankii shahaadiga ah kaas oo ay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug qaadey sanad-dugsiyeedka 2024-2025.
Dhammaan ardeyda Dugsiga Elgula Primary & Secondary School ee degmada Ceelguula iyo iyo Dugsiyada degaanada hoos yimaada : Qaydaro,Dawgaab,Bajeegala, Galbarwaaqo,Wargalo ,Toore iyo Xaaro ee fasalka 8.aad waxaan u rajeynaynaa Guul iyo in ay Imtixaanka Kaalimaha H**e ka galaan.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Hargeisa
00252