18/06/2026
Waa gabadh wanaagsan oo uu wejigaada ka baxayo nuurka adeecidda Alle, waxay istaagi jirtay habeenka badhkiisa, markay dadku wada hurdaan, farxaddeeda iyo badhaadhaheeduna wuxuu ahaa qiyaamulaylka iyo badbaadada Rabbigeed badbaadiyay ee uu xumaan ka dhawray. Guur ayaa loo soo bandhigay, waxaana lagu yidhi: ninkani waa nin ammaanada ilaaliya salaaddana ooga (tukada) waanay aqbashay guurkii, waxay se shardi ka dhigtay goorsheegtu markay gaadho laba iyo tobanka habeennimo in ay gurigeeda joogtaba. Waa laysu aqal geliyay iyada lammaanaheedii, laba iyo tobankii habeennimo markay gaadhay, lammaanaheedii gacanta ayuu qabsaday, waxaanay tageen gurigoodii, waxay galeen qolkoodii ay riyeedu ahayd in ay ku wada tukadaan qiyaamulaylka. Hase ahaatee, qolkeedii waxay si kedis ah isheedu ugu dhacday mid ka mid ah kabadhadii guriga yaallay oo ku jiro Kamanka muusiga lagu tumo, aad ayayna uga cadhootay arrinkaa, waxay se tidhi: Allow adiga ayay mahad kuu sugnaatay xaal kaste. Samirku wuxuu ahaa saaxiibkeed, xikmadduna waxay ahayd dariiqa ay u marto nolosheeda, daryeelka ninkeeduna wuxuu ahaa manhajkeeda.
Waqtigu wuxuu is guraba, habeenkii wuxuu ku dhowaaday dhammaad, waqtiga habeenimana gaagaabsi yahay, ninkeedii siduu dhabteeda u barkanaa ayuu lulooday waanu gamβay, gabadhii dhinac ayay iskaga qaadday madaxiisii waxaanay tagtay goobtii ay ku tukan lahayd. Ninkii ayaa soo baraarugay, gurigii ayaanu dhinac walba ka eegay isagoo xaaskiisii daydaya. Isagoo dhukusaya oo ka cabsanaya in uu toosiyo ayuu si kedis ah u arkay, mise waaba wejigeedii oo qol madaw ka dhex iftiimaya oo ku sugan qolkii salaadda loo talaggalay. Wuxuu aad ula yaabay qiyaamulaylka aanay ka tegay xitaa habeenkii aqal galkeeda. Wuu u soo dhowaaday iyadoo sujuudsan Rabbigeed hortiisa, waxaanu ahaa muuqaalkii ugu quruxda badnaa ee indhihiisu arkaan, waxaanu yidhi: in kasta oo aanu markaas uun aqal gallay haddana, wehelkeedu wuxuu ahaa qiyaamulaylka.
Wuxuu yidhi intii aannu is qabnay, waxaan ahaa mid Alle ka fog, habeenkiina waxaan noloshayda ku qaadan jiray dhafar iyo heeso. Hase ahaatee xaaskaygu waxay ahayd mid aad u wanaagsan dhoollacadayn iyo weji furan igu soo dhowaysa, waxaan aad ula yaabay hadalkeeda wanaagsan iyo akhlaaqdeeda wanaagsan. Waxaan jeclaaday, jacayl qalbigeedu qalbigayga hantiyay.
π΄ππ’ππ«π¨ waa buugg ay ku xusan yihiin qisooyin cibro qadasho mudanπ
-
Kaso Dalbo:-
π’ππ‘πππ¬ππ©π©: +252 63-8777303
π΅π
πππππ¨π¨π€ :
π΄ππ§π¬πππ π«ππ¦ :
β«οΈππ’π€ππ¨π€ :
-