QARO MEDIA

QARO MEDIA

Share

poeter

12/01/2026

ABWAAN MAXAMED SHAFEEC QASIIDO ALLE BARI IYO NABBI AMAAN AH ALIF ILAA YA AF-SOOMAALI AH NA RAACI RABBOOW RASUULKII WANAAGA BADNAA SWC 2026.

26/11/2025

HILOOW IYO CAASHAQ WAA HALISOO ..2015

✅ Erayadana heestani waxa curiyey Hal-abuurka Hawraarta Cudoon ee Abwaan Baashe Sac maal.
✅ Waxan naaxiyada ama laxankani daneen taabadka ah u sameeyey Fannaanka fankiisu jiilal kale dambeeyey u riyaaqeen Maxamed Xasan Xuseen (Lafoole).
✅ Musigan 🎶 🎻 aan dhagaha waxaba yeelayn ee dagan waxa u tumay Al Ustaad Bashiir Hannuuniye .

✅ Meerisyada heesta ee sida farshaxanka ah tidcan ee Abwaan Baashe Sac-maal ku muujiyey Awoodiisa curineed hadda bal eeg ✍️

Hiloow iyo caashaq waa halisoo
Qofbaa qof u lada hadana ka haroo
Midkale ku halmaama hawshii horee

Sidaan uga helay hanaan quruxeey
Hubqaadkiyo haybadeedunaa
Had iyo jeerba may horjoogtaa

Hurdana wakhti ay haboontahay
Iyohabeenba miyaan haleelaa !

Hurdana wakhti ay Haboontahay
Iyo habeenba miyuu haleelaa !

Hurdana wakhti ay haboontahay
Iyo habeenba miyaan haleelaa !

Adaa hirka sare hawada u kacoo
Inaad i halmaanto kaa hirgashee
Anigu hadalkaaga k**a hadho'ee

Hilaaca baxaaya ee halacliyoo
Daruur hoortayoon haraad u qabaan
Ku soo higsadaa halkeediyee

Hurdana wakhti ay haboontahay
Iyo habeenba miyaan haleelaa !

Hurdana wakhti ay Haboontahay
Iyo habeenba miyuu haleelaa !

Hurdana wakhti ay haboontahay
Iyo habeenba miyaan haleelaa

Goorma ayey ahayd markii ugu horaysay ee heestani dhagaysato?

Wixii faalo ah comment noogu dhaaf fallow,share & like ha hilmaamin QARO MEDIAMahadsanid

21/09/2025

Takoor Caashaq AbwaanCaydaruus Moor & Mustafe excellent

16/09/2025

Wareysi xiiso badan Oo Axmed Karaam la yeeshay Abwaanka dhabka Hadalka ah ee Siddiiq Burmad

30/08/2025

Barnaamijka falanqaynta Fanka (BFF) P1BFF….

Waa barnaamij taxane todobaad le ah oo aad kala socon doonto degalkeenna face book ee QARO MEDIA.Kalkani koowaad ee sanadka 2025 dhammaadka bisha Sideed waxa aynu fankiisa tooska ku qaban doonaa oo aynu dhinacyo badan ka dul istaagi doonaa Heesaaga codka halaasiga ah ee Fu’aad Cumar Yare.

Sooyaolka Hobolka:

1.Fu’aad Cumar Cabdilaahi (Fu’ aad Cumar-yare)waxa uu ku dhaahay magaalada Hargeysa oo uu he erarkii waxbarasho dugsi hoose iyo dhex ku qaatay.

2.Waxa dalka dibadiisa u baxay ka hor bur-burkii dalka Jamuuriyadii Soomaaliya,waxa uu markaasi cago dhigtay Qadar oo ay hibadiisa faneed ku dhalatay waxaanu uu uuga sii gudbay Suuriya,Raashiya,Jarmalka ilaa markii dambe uu lug ku galay Denmark🇩🇰 sida uu ku sheegay waraysi uu siiyey Wariye Axmed Xasan Xasan Cawke AHN.

3.Waxa uu fankooda jecelaa fannaaniinta kale ee ah : Maxamed Saleebaan Tubeec,Cumar Dhuule,Magool iyo Saynab Cige Alle ha u naxariiisto dhamaantoode.
4.Dhanka sports ⚽️ waxa uu taagere weyn u yahay kooxda Samirka iyo dedaalka badan een waqtigu saacidin waa Arsenal.

Barnaamijkani Falanqaynta fanka (BFF) waxa aynu ku bilaabi doonaa heesaha fu’aad qaaday oo aynu faaqidaynaa heesta garnaqsi ee ay tacabkeeda ka qayb qaateen Hibooleyaashani faneed ee kala ah: Erayada:Siciid Madoobe Laxanka:Mustafe Kiko Music 🎼 Cabdirashiid Cali Xamari Codka: Fu’aad Cumar Yare Heestani jacaylka ahi ujeedadeedu waa garnaqsi,sideeba jacayl si ku mid ah ama isku heer ah kuma bilaabmo oo labada qof mid uun buu ku weyn yahay.Taasi haddii aan tusaale u soo qaadano waxa inoogu filan meerisyada ku jira heeatii Abwaan Xasan Guuto ee ay Ubax daahir qaadi jirtay

“ Laba wacad dhexyaalana
Mid uun buu ku weyn yahay
Annuun baa war-warayee
Ma aad war iga hela
I weydiiya ruux kale”.

Tusaale labadaa waxa aynu ka soo qaadanaynaa heestani garnaqsi ee fu’aad qaado,Abwaan Siciid Madoobe waxa uun ina yidhi

“ Anna qaba gal-galashada
Adna waad ka ga’madaa”.
Mar kale isla heestani meerisyo ka mid ah waxa uu leeyahay sidan

“ Caashaqu garbaha iyo
Guudka kaama raranoo
Galiilyada habeenkii
Waagu kuuma galac odhan”.

Hadaba heesti sida asluubta iyo xeerbeegtinimada leh uu ugu garnaqsasay Abwaan Siciid madoobe,waxa aynu ka dhan-dhansan karnaa tuducyadani heesta oo uu midiba midka kale fure u yahay.

Caashaqani i gubayaa
Kugumuu gab odhanoo
Galiilyadani i haysaa
Kumabay gaadhi adigee

Anna qaba gal-galashada
Adna waad ka ga’madaa
Kol hadaan goornaba
Godob anigu kaa galin

Dhextaal……..1aad

Gacal tooyadaan qabo
Keenayni gocashoo
Gartaba kaaga helayaa
Talo waa mar garan waa
Iyo mar aanad gaadhay
Waanay kula gudboon tahee

Caashaqu garbaha iyo
Guudka kaama raranoo
Galiilyada habeenkii
Waagu kuuma galac odhan

Annaa guuray toban jeer
Adna geedi maad arag
Haddaad gurato hoobaan
Gacalkaa ka madhan yahay

Dhextaal……..2aad

Wax inaad u goysana
Kuu diiday garashadu
Aanad gudin abaal qudha
Ku guhaadin maayee
Waxa guuleheen qoray
Gedaydaan ku sugayaa .

Inaan barnaamijka ku ibo furno heestani Garnaqsi annaa inoo dooray heesta labaad heesaha fu’aad cumar yare heestani taan ku xigsiin doono waa dhabkiina heesta loo bato ayaan soo qaadan doonaa insha Alle .
Soomalidu horay ugu maah-maahday hadal haan lagama buusho e inta kale faalada akhiristayaal idinka ayaan idiin dhaafayaa.
Wixii talo,tusaalayn iyo toosinba ah hoosta ayaad iigu dhaafi doontaa coment Alle raali ha idinka ahaadee 🤲.
Waxa qormadani qoray: soo saaraha Barnaamijka Falanqaynta Fanka (BFF) Cabdiraxmaan Maxamed Gaax-nuug ( Hal-abuur Cabdiraxmaan Qaroyare)

28/08/2025

AXMED AARSHE TILMAANTII JACAYLKAAY ERAYADII: Abwaan Shugri Yuusuf Cabdilaahi Laxanka & Codka:Axmed Arshe Music 🎼 Axmed Wali Furinle Xuquuqda muuqaalka: Astaan TvSoo saaristii Nimco Samriye Hoyga murtida iyo madadaaladda Qaro media

09/08/2025

Musharax xilibaan Guuleed Axmed Xaashi waan kugu bogaadinayaa tar-tanka kubadda cagta ee aad abid laga qabto Dagmada fara-weyne inaad musharax Guuleeda ahaa qabtay,taariikhduna way ku xusi doontaa.
Marka labaada waxaan hambalyeynayaa guuleystayaasha Guuleed Cup Lafta-weyne.
Guud ahaan dhalinyarta dagmada Fara-weyne waxaan leeyahay in badan ayey inagu guureen masuuliyiin badan oo aan dagmada haba yaraatee aan waxaba ku celin ee yaan doorkan marka kale la ina dagin waa inaan waxa ka barna wixii H**e .

Guuleed iyo inta la mid ah ee matali kara dagmadeena baahiya aas-saaga ah waxa ka qaban kara waa inaan dooranaa.

08/08/2025

Dag-dag: Codka shacabka Waar naga so gaadhaay wayna kala goosteeneeey …………😂😂 waxa codeeyey Abwaan Xirsi Abdi Gidhi
Telesom Company iyo Somtel waxaan leeyahay shacabkiina u tudha xili adag baa lagu jiraaye .

01/08/2025

Suldan Elmi Suldan Qof qofkiisu dhaawacay dhakhtar yaa u noqon kara
Heestani waxa qaada fannaanka Reer Djuubti ee Xamdi Rooble

27/07/2025

Abwaan Siddiiq Burmad Qisada heesta Been go’lagu deday

17/07/2025

Takoor caashaq Coming 🔜 Erayada:Caydaruus Moor Codka :Mustafe excellent Laxanka :Akram Shiva: Music :Cabdiraxiin carab

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Xero Awr
Hargeisa
JIGJIGAYAR