27/02/2026
𝗧𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮𝗿 𝗸𝘂 𝗦𝗮𝗮𝗯𝘀𝗮𝗻: 𝗠𝗮𝗮𝗿𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗖𝘂𝗱𝘂𝗿𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗿𝗿𝘂𝘂𝗿𝘁𝗮 (𝗜𝗻𝘁𝗲𝗴𝗿𝗮𝘁𝗲𝗱 𝗠𝗮𝗻𝗮𝗴𝗲𝗺𝗲𝗻𝘁 𝗼𝗳 𝗖𝗵𝗶𝗹𝗱𝗵𝗼𝗼𝗱 𝗜𝗹𝗹𝗻𝗲𝘀𝘀 -𝗜𝗠𝗖𝗜)
Xarunta 𝗦𝗥𝗖 𝗕𝘂𝗿𝗰𝗼 waxay si sharaf iyo farxad leh ugu wargelinaysaa dhammaan ardayda iyo xirfadlayaasha caafimaadka in ay qaban-qaabinayso tababar aad u muhiim ah oo ku saabsan Maareynta Cudurrada Carruurta (Integrated Management of Childhood Illness - IMCI)
Tababarkan waxa uu si gaar ah diiradda u saaraya 𝘅𝗮𝗻𝘂𝘂𝗻𝗻𝗮𝗱𝗮 𝗸𝘂 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗰𝗮𝗿𝗿𝘂𝘂𝗿𝘁𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗲𝗲𝗻𝗻𝗮, sida shubanka, oof-wareenka, nafaqo-darada, qandhada, jadeecada iyo cudurrada kale ee saameeya badbaadada carruurta. Ujeeddadu waa in ka-qaybgalayaashu helaan faham qoto dheer iyo aqoon xirfadeed oo ku saabsan sida loo qiimeeyo, loo ogaado, loona maareeyo cudurradan iyadoo la raacayo habraacyada saxda ah ee caafimaadka.
𝗧𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮𝗿𝗸𝗮𝗻𝗶 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝘂𝘂 𝗸𝗮𝗮 𝗰𝗮𝗮𝘄𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮:
🔹Inaad hesho fahan cad iyo aqoon dhammaystiran oo ku saabsan daryeelka carruurta.
🔹Inaad si kalsooni leh ugu shaqayn karto marka aad practical (tababar-gacneed) ku qaadanayso xarumaha (MCH ).
🔹Inaad si kalsooni iyo karti aad ugu shaqayn karto xarumaha (MCH) ama goob kasta oo aad ka hawl-galayso.
Tababarku waxa uu bilaabmayaa 𝟯-𝗱𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗿𝘀𝗼 𝟮𝟬𝟮𝟲, wuxuuna socon doonaa muddo hal isbuuc ah.
𝗪𝗮𝗸𝗵𝘁𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗧𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮𝗿𝗸𝗮:
🔹 Subax: 9:00 AM
🔹Habeen: 7:00 PM
Hadaba si kor loogu qaado dhiirrigelinta iyo tartanka aqooneed, ardayga ugu sarreeya tababarka waxaa la guddoonsiin doonaa:
🔹 Deeq waxbarasho oo bilaash ah (Free Scholarship)
🔹 Iyo Abaal-marin lacageed (Cash Prize)
Ha seegin fursaddan qiimaha leh ee kor loogu qaadayo aqoontaada iyo xirfaddaada caafimaad. Ku soo biir Xarunta SRC Burco si aad u noqoto xirfadle kaalin muuqata ka qaata badbaadinta iyo daryeelka carruurta dalkeenna.
SRC Burco waa Hoyga Aqoonta iyo Horumarka Caafimaadka.
📌 Isdiiwaangelinta waxa lagu samaynayaa WhatsApp Group-ka ku lifaaqan link-ga hoose.👇https://chat.whatsapp.com/JIyYSy9RCsx120P9lo86w1?mode=gi_t