09/07/2023
Silsiladda uurjiifka qaybta 1aad
Waxaynu ognay in islaamku si xeeldheer uga faalooday cilmiga uurjiifka si faahfaahsan oo sayniska casriga ah waafaqsanna uu u tilmaamay, hadaba markii ugu horraysay taariikhda sayniska ayuu islaamku si cad uga faalooday in uurjiifku ka samaysmo isku darka laba biyood oo midna aabaha ka yimaad midna hooyada iyadoo wakhtigaa h**e la aaminsanaa in aabaha biyihiisa oo kaliya ka samaysanyay uurjiifku.
Marka aynu ka fikirno sida ay biyahaas aabuhu u sameeyaan qofkan dhan ee aad arkaysid waxa laga yaaba inaad is tidhaa biyahaas aabuhu siday u socdaan ayay makaanka tagayaan dabadeed halkaas ayay ku ururayaan oo ay biyihii hooyadana isku darsamayaan dabadeed intaas yar ayuu ilmuhu ka samaysmayaa, waa sida uu u fikirayo qof kasta oo aan aqoon u lahayn sayniska casriga ah, bal hadaba kawaran qofka noolaa xiligii nabiga CSW ee aanay jirinba qalab iyo mishiino casri ah lagu sameeyo baadhitaano? Qofkaasina waa inuu ufikiraa sidaasuun ama si kasii yara hoosaysaba.
hadaba quraanka eeg siduu inoogu baraarujinayo inuu arinku sidaa ka duwanyay oo inoogu sheegayo xaqiiqo aanay suura gal ahayn in la ogaado illaa baadhitaan iyo mishiino casriya la isticmaalo mooyee taas oo ah: in ilmuhu ka samaysmo qayb yar yar oo ka mida biyahaa shahwada(manida) ee marka horaba yaraa ee aanu ka samaysmin dhamaan biyahaas.
Biyaha taranka(xawo) (مني) ee ka yimaada aabaha halkii mar waxa ay ka samaysanyiin dareerayaal isku jirjira kaliya 10% biyahaas ayaa ah unugyada nool (s***m) oo awood u leh inay bacrimiyaan ukunta hooyada, inta soo hadhay biyahaas oo ah inta ugu badan 90% waxay qabtaan shaqooyin ay ka mid yiin ilaalinta unugyadaas nool, inay ka saacidaan gaadhitaanka unugyadaasi ay u tagayaan ukunta iyo shaqooyin kale. Hadaba intaa yar ee aynu ku tilmaamnay unugyada nool (s***m), waxaa ku jira ku dhawaad 300 milyan oo unug halkii mar ee ay biyahaasi soo boodaanba. Hadaba 300 milyan ee unugna kaliya hal unug ayaa bacraminaya ukunta hooyada inta soo hadhayna way baabayaan. Halkaa waxa inooga muuqanaysa in wax yar yar oo aanay ishuba qaban karin oo kamida biyahaasi samaynayaan uurjiifka inta ugu badan biyahaas maniduna ay ku baabayaan marinkaa ilmo mareenka.
Hadaba 1400 sanadood ka hor, xilli aanay mishiino casriya iyo baadhitaanaba jirin ayuu quraankeenu inoo sheegay xaqiiqadan wuxuuna ilaahay yidhi
{ أَلَمْ يَكُ نُطْفَةً مِنْ مَنِيٍّ يُمْنَى}
Erayga من wuxuu ku tusinayaa badh micnaa biyihii wax ka mida ayaanu ka abuurnay uurjiifka. sidoo kale nabigu CSW wuxuu yidhi xadiiska muslim ku sugan:
ما من كل الماء يكون الولد
Ilmahu k**a abuurmo dhamaan biyahan manida oo isku dhan
Suaashu waxa weeye sideebuu nabi muxamed CSW ku ogaaday masaladan sayniskaa isagoon saynisyahan ahayn, xiligaasna ayna suuro gal ahayn in xattaa saynisku ogaado masaladan?
Jawaab: waayo nabi muxamed wuxuunbuu sheegi jiray waxyi kaga yimid xagga rabbigii,
(وَمَا يَنْطِقُ عَنِ الْهَوَى. إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْيٌ يُوحَى)
✍ Khadar mohamoud