09/09/2022
Qoraal muhiim ah!
Waxa la odhan jiray barigii h**e " dadku waxay ubaanyihiin badeecado (products) si ay u noolaadaan, arintaasi way is baddashay oo waxay isku baddashay sidan " badeecadu waxay ubaahanyiin dad si ay unoolaadaan" suuqa xorta ah ee ay ku hirdamayaan shirkadaha ku tartamayaya macaamiishu wuxu suuragaliyay in macmiilku noqdo sida jab yaroo ah macdanta dheemanta maadaama uu hayo wixii ay u jireen shirkaduhu oo ah lacag isla markaana uu xor u yahay inuu xorriyadiisa wax ku iibsado isagoo marka iyo meesha uu doono wax kaga iibsanaya lacagtiisa, si ay ukala jiitaan shikaduhu macmiilka waxay adeegsadaan tab iyo xeelad kasta oo ay ku soo Xero galinayaan iibsadaha. Mid kamida hababka ay adeegsadaan iibayayaashu (sellers) waa xayaysiiska (advertising) iyagoo faafinaya xog kusaabsan waxyaabaha ay iibinayaan iyadoo macaamiishuna xayaysiiska soo jiita dareenkooda ay ku go'aan qaataan inay wax ka iibsadaan, xayaysiiska koowaad waxa uu maskaxda qofka iibdoonka (prospect buyer) ku abuuraa filasho (expectation) kadibna waxa uu ku dhaqaaqaa talaabadii wax iibsiga taasoo ay ka dhalato saddex natiijo midkood
1.in wixii aad filaysay aad sidii aad filaysay udhacdo xaaladaa waxa la dhahaa (satisfactory level)
2. Wixii aad filaysay wax ka sarreeya oo la yidhaahdo (exceeding customer expectation)
3. Natiijo ka hoosaysa tii aad filaysay (below customer expectation)
Qodobka sare macmiilka la kulmaa wax badan k**a baddasho oo jacayl iyo nacayb midna uma qaado shirkadda.
Qodobka labaad wuxu keenaa in macmiilku shirkadaa jacayl uqaado kuna xidhnaado mutaqbalka isla markaana aamino waxa la yidhaahdaa afka qalaad (loyalty zone)
Tan udambaysa waxa ka dhasha wax loo Cognative dissonance afka carbeedna waxa lagu yidhaahdaa التنافر المعرفي waa kala tagsanaanta wixii aad moodaysay iyo siday wax noqdeen xaaladani waa khatar qofka ay ku dhacdaa kaliya isagu kaa tagi maayo ee waxa uu dadka kale ee waxkaa iibsanlahaa usheegaa inaanay waxba ka iibsan shirkadaada isagoo usheegaya wixii lala kulmay, wakhtigayadan dambana waxaabu warkaaga dhigayaa baraha bulshada oo daqiiqado dacaayadaadu ku gaadhi karto dad badan
La soco qaybaha dambe