10/11/2019
WAA MAXAY ISO?
ISO wuxu maamulaa dareenka (sensitivity) kamaradda ee iftiinka.
Markasta oo aad libinlaabto ISO (adigoo ka keenaya 100 kana dhigaya 200) waxaad kordhaya dareenka kamaraddu ka qabto iftiinka.
Hadaba kamaraddu waxay soo gudbinaysaa kala badh iftiinkii marka ISO 200 kuu dooran tahay adigoo sawirka h**e ku qaaday ISO 100.
ISO hooseeya sida ISO 100 ama ISO 200 wuxu hoos u dhigaa shutter Speed-ka wuxu se kordhiyaa tayada sawirka.
ISO sarreeya sida ISO 1600 ama ISO 3200 wuxu kor u qaadaa Shutter speed-ka, wuxu se hoos u dhigaa tayada sawirka.
Markasta ku dadaal in aad isticmaasho ISO hooseeya sida 100, 200 taas oo kuu suurtogelinaysa in aad hesho Shutter speed-ka aad u baahantahay si aad uga hor tagto dhaqdhaqaaqa caadka sameeya iyo dhaqaaq kamaradda ku yimaadda.
"Haddii sawir aad qaaday dhaqaaq kaa galo, waxaad libinlaabtaa ISO-ga mar labaadna isku day".
Haddii ay kuu dooran tahay Aperture Priority Mode [P] markasta oo aad libinlaabto ISO Kamaraddu waxay libinlaabaysaa Shutter Speed-ka, sababtu waxay tahay ISO oo la kordhiyo waxa loo baahanayaa iftiin markasta intii h**e ka yar.
Ka soo qaad in Aperture-ka aad ka dooratay tiro joogto ah, haddii aad isticmaalaysid 100mm lens waxaad u baahanaysaa Shutter speed ah 1/125th, si aad gacanta ugu haysid kamaradda waa in aad ka dhigataa ISO 800 ama mid ka dheeraynaya.
Kamarad kastaa waxay leedahay xaddi ay tayada ku lumiso“Noise” waa in aad ogaato nooca kamaraddaada adigoo ku tijaabinaya ISO kala duwan.
Sawir ka qaad hal shay adigoo ka dhigaya ISO 100, 200, 400, 800, 1600, 3200 iyo ISO kasta oo intaa ka sarreeya haddii kamaraddu kuu saamaxayso.
Sawiraddaas u wareeji Kombiyuutar soona dhawee waxaad arki doontaa mid walba Pixels-kiisa, sawirada aad ku qaaday ISO-ga badan noise-ku wuxu ku badan yahay xaga hadhka sawirka laftiisuna wuxu u muuqanayaa mid tayo fiican.
ISO waxa loogu dhawaaqaa “eye-so” ama“EEE-so”mana aha sax in loogu dhawaaqo “I-S-O”
ISO waa naanaysta ururka sameeyaya Film sensitivity standards: The International Organization for Standardization.
Magaca ISO wuxu ka yimid erey Giriig ah “Isos” micneheeduna yahay Siman, magacana inta badan waxa lagu qoraa xarfo waweyn.
Illaa inta aad ka fahmayso ISO kamaraddaadu ha kuu ahaato mid si iskeeda ISO u doorata (Automatic).