17/02/2026
Hambalyo Fasallka 1F๐๐๐
Al-Huda Secondary School waxa ku yaala degmada Axmed dhagax, gaar ahaan xaafada warshada caanaha ama isha-boorama.
17/02/2026
Hambalyo Fasallka 1F๐๐๐
17/02/2026
Fasalka 2A ayaa abaal-marin guddoonsiiyey laba arday oo uga qayb galay tartan u dhexeeyey fasallada labaad, kuwaas oo guul weyn ka soo hooyey tartankaasi.
Waxaan u rajaynaynaa guulo kale oo badan mustaqbalka ๐๐
17/02/2026
Maanta oo taariikhdu tahay ___ waxaa si rasmi ah u furmay tartan weyn oo u dhexeeya 10 fasal oo ka tirsan dugsiga, Furitaanka tartanka oo ay nasiib u yeesheen labada Fasal ee 1F iyo 1G ayaa halkaasi waxay guushu ku raacday Fasalka 1F oo dhigooda 1G kaga badiyey gool kulaad.
17/02/2026
โฝ๏ธ Maanta! Garoonka Salaan Jirde waxa ka furmaya tartanka kubadda cagta ee dugsiga, Iyadoo lagu furayo Fasallada 1F vs 1G ๐๏ธ
16/11/2025
๐ Al-Huda Secondary School โ dhiirrigelinta kartida iyo hal-abuurka ardayda!!
Maanta waxaa abaalmarino fasallka dhexdiisa lagu gudoonsiiyey ardaydii ka qayb gashay tartankii ku saabsanaa sameynta khariidado isku dhafan oo ka tarjumaya qaybaha kala duwan ee dugsiga.
04/11/2025
Dhamaan maamulka dugsiga iyo macalimiintuba waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Macalin Cabdifataax Ismaaciil Maxamed (Arbaca), oo walaashii Nimco Ismaaciil Maxamed xalay lagu aasay magaalada Hargeysa.
Waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, ehelka, qaraabada iyo ubadkii ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Abdirahman Heersare
๐ Imtixaankii Bilaha Ahaa oo Maraya Gabagabadiisii!
#
15/10/2025
Sawiro:- Sixo Higher Clinic ayaa Adeeg Caafimaad oo bilaash ah ka fulisay Dugsiga Sare ee Al-Huda.
12/10/2025
๐ Al-Huda Secondary School โ dhiirrigelinta kartida iyo hal-abuurka ardayda!!
Maanta waxaa dugsiga ka qabsoomay tartan u dhexeeyay fasallada labaad ee hablaha, kaas oo ku saabsanaa sameynta khariidado isku dhafan oo ka tarjumaya qaybaha kala duwan ee dugsiga.
Hawshan oo uu soo agaasimay Macallin Abdirahman Heersare ayaa ku soo dhammaatay si qiimo iyo qaayo leh. Tartankan ayaa noqday mid aad u xiiso badan, maadaama ay adkayd kala saarista ardayda kadib markii ay macallimiinta maadada Juqraafiga (Geography) sameeyeen qiimayn dhamaystiran oo caddaalad ku dhisan.
Ardayduna dhinacooda waxay si geesinimo leh u difaaceen hawlahoodii iyo naqshadahoodii, taasoo muujisay kartidooda, hal-abuurnimadooda, iyo fahamkooda juqraafiyeed ee deegaanka dugsiga.
Insha Allaah, halkan ayaanu idinla wadaagi doonnaa magacyada guulaystayaasha mashruucan xiisaha badan marka natiijooyinka si rasmi ah loo shaaciyo.
11/10/2025
TACSI TIIRAANYO LEH
ุฅููููุง ูููููู ููุฅููููุง ุฅููููููู ุฑูุงุฌูุนูููู
Dhamaan maamulka iyo macalimiinta Dugsigu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Macallin Saleebaan Cali Muxumed , oo galabta hooyadii ku geeriyootay magaalada Hargeysa.
Waxaan Ilaahay uga baryeynaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo,Samir iyo iimaanna ka siiyo dhamaan qoyskii ay ka baxday.
08/10/2025
Warbixin ku saabsan Tartankii Luuqadaha iyo Xisaabta ee Dugsiga Sare Al-Huda
Taariikh: 08/10/2025
Maanta oo ay taariikhdu ahayd 08 Oktoobar 2025, waxaa si rasmi ah barxadda Dugsiga Sare ee Al-Huda Secondary School ku soo gaba-gaboobay tartan muddooyinkii u dambeeyay ka socday dugsiga, kaas oo lagu tartamayey luuqadaha iyo xisaabta (Mathematics).
Tartankan oo dhexmaray fasallada koowaad (Form One) iyo fasallada labaad (Form Two) ayaa ujeeddadiisu ahayd in kor loo qaado tayada waxbarashada dugsiga, isla markaana ardayda lagu dhiirrigeliyo xiisaha akhriska iyo barashada sayniska iyo luuqadaha.
Natiijada Tartanka
๐ Fasallada Koowaad (Form One):
Tartanku wuxuu dhexmaray 9 fasal, waxaana guusha iyo horyaalnimadaba hantay fasalka 1B, kuwaas oo muujiyey dadaal, isku xidhnaan, iyo karti sare.
๐ Fasallada Labaad (Form Two):
Dhanka kale, fasalka 2G ayaa ka guulaystay 8 fasal oo kale, waxaana ay noqdeen horyaalka fasallada labaad, iyagoo dhibcaha ugu badan helay tartanka.
Mahadnaq iyo Hambalyo
Waxaan hambalyo u dirayaa fasallada guuleystay, waxaana sidoo kale mahadsan dhammaan 17-ka fasal ee tartanka ka qayb-qaatay, kuwaas oo muujiyey dadaal, dulqaad, iyo anshax wanaagsan muddadii uu tartanku socday oo ahayd saddex usbuuc.
Ugu dambeyntii, waxaan Mahad gaar ah u celinayaa Eebbe weyn (Subxaanahu watacaalaa) oo noo suurtageliyey in tartanku si nabad iyo guul ah ku soo dhammaado.
Sidoo kale, lama illaawi karo macallimiintii iyo maamulka dugsiga ee si hagar laโaan ah uga shaqeeyay daadejinta iyo hannaanka tartanka, kuwaas oo laโaantood aanay waxba suuragal noqon lahayn.
Wabilaahi Towfiiq.