19/03/2026
Ciid Mubaarak
Waxaan hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Fidriga u dirayaa dhammaan ummadda Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.
Munaasabaddan qiimaha badan ee Ciidda waxaan idiin rajaynayaa farxad, nabad, barwaaqo iyo midnimo waarta. Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii, sakadii iyo dhammaan camalkii suubanaa ee aynu soo gudannay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, hana inagu gaadhsiiyo kuwo kale oo badan oo khayr, caafimaad iyo barako leh.
Ciiddu waa maalin farxad, is cafis is xasuusin iyo isu naxariis, waana fursad aynu ku xoojino walaalnimada, midnimada iyo isku duubnida bulshada.
Alla haynaga aqbalo, hana inagu soo celiyo Ciidda kale innagoo nabad, caafimaad iyo barwaaqo ku jirna.