18/07/2026
The President of ADAL Medical University, Hargeisa branch, Dr. Abdirahman Ali Mohamed, today received a high-level delegation from Jimma University in Ethiopia.
The delegation was led by the President of Jimma University, Dr. Jemal Abafita, and also included Dr. Tadese Habtamu, Vice President for Academic Affairs, and Dr. Yemanebirhan Kelemework, Director of the Distance Education Department.
The delegation also paid an official visit to Gargaar 1 Multispecialty & Teaching Hospital, where they toured various departments of the hospital.
During the visit, a re-newed memorandum of understanding was signed between Gargaar 1 hospital and Jimma University. This renewed agreement further strengthens the Obstetrics/Gynecology specialty (residency) program currently being jointly run by Gargaar 1 Hospital and Jimma University.
We also discussed with the delegation ways to strengthen the academic and research ties between Jimma University, ADAL University, and Gargaar 1 Hospital.
Guddoomiyaha Jaamacadda Caafimaadka ee ADAL faraceeda Hargaysa - Dr. ABDIRAHMAN ALI MOHAMED - ayaa maanta qaabilay wafti heer sare ah oo ka socday Jaamacadda Jimma ee dalka Ethiopia.
Waftiga ayaa waxa hogaaminayay Guddoomiyaha Jamaacadda Jimma Dr. Jemal Abafita; waxaana ka mid ahaa Dr. Tadese Habtamu oo ah Guddoomiye ku xigeenka Waxbarashada, iyo Dr. Yemanebirhan Kelemework oo ah madaxa qaybta distance education-ka.
Waftiga ayaa sidoo kale booqasho rasmi ah ku maray Cisbitaalka Gargaar 1 Multispeciality & teaching Hospital halkaasi oo ay booqdeen qaybaha kala duwan ee cusbitaalka.
Intii lagu gudo jiray booqashada ayaa heshiis is-af-garad ah kala sexeexdeen labada guddoomiye ee Cusbitaalka Gargaar 1 iyo Jaamacadda Jimma.
Heshiiskan oo sii xoojinaya barnaamijka Takhasuska ee Gyne/Obs-ka ee hadda ay si wadajir ah u wadaan cusbitaalka Gargaar 1 iyo Jaamacadda Jimma.
Waftiga ayaa sidoo kale ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka aqooneed iyo cilmi-baadhiseed ee ka dhaxeeya Jaamacadda Jimma, Jaamacadda Adal iyo Cusbitaalka Gargaar 1.