Akademiga Qalin

Akademiga Qalin Akademiga Qalin waa gabbood aan dawli iyo macaash-doon ahayn, oo kulminaya qoreyaal iyo hal-abuur.

Waxa aannu "Hambalyo" leeynnahay Qoraa Cabdisamad Sumcadda oo ka tirsan bahda Akademiga Qalin sannadkana ka qayb geli do...
13/10/2023

Waxa aannu "Hambalyo" leeynnahay Qoraa Cabdisamad Sumcadda oo ka tirsan bahda Akademiga Qalin sannadkana ka qayb geli doona Toddobaadka Dhaqanka ee Ingiriiska. Waa qalinmaalka qoray buugaagta kala ah Hadyad Jacayl iyo Wehel Jacayl. Waxa ay reer Ingiriis sannadkan ka cabbi doonaan haraha caashaqa.

Wanaag iyo badhaadhe ayaa aannu u filaynnaa Cabdisamed Awdaahir Sumcada. Reer Ingiriisna waxa ay ku soo dhaweyn doonaan meeqaamka u sarreeya insha Allah.

Bahweynta Akademiga Qalin waxa ay hambalyo u dirayaan Qoraa, Suxufi Mohamed Haldoor oo shalay shahaadada 1aad ka qaatay ...
02/10/2023

Bahweynta Akademiga Qalin waxa ay hambalyo u dirayaan Qoraa, Suxufi Mohamed Haldoor oo shalay shahaadada 1aad ka qaatay Machadka Shaqaalaha Dawladda Soomaalilaan. Waxa ay u rejeynayaan, uguna ducaynayaan horusocod iyo horumar weyn oo nololeed idanka Alle.

Buugga Mayal: Tartankii loo qabtay iyo guuleystayaasha!Tartan uu darraad Akademiga Qalin u qabtay akhristeyaasha iyo dha...
18/09/2023

Buugga Mayal: Tartankii loo qabtay iyo guuleystayaasha!

Tartan uu darraad Akademiga Qalin u qabtay akhristeyaasha iyo dhallinyarada waxa kaalmaha 1aad, 2aad iyo 3aad galay:
1. Mustafe Maxamed
2. Dahabo Xaaji Cawil iyo
3. Hazzan Mazlax

Waxa aannu leennahay hambalyo, waxaana ay heli doonaan buugga Mayal iyo abaalmarinno kale haddii Alle idmo.

Buugga Mayal: Tartankii loo qabtay iyo guuleystayaasha!Tartan uu darraad Akademiga Qalin u qabtay akhristeyaasha iyo dha...
18/09/2023

Buugga Mayal: Tartankii loo qabtay iyo guuleystayaasha!

Tartan uu darraad Akademiga Qalin u qabtay akhristeyaasha iyo dhallinyarada waxa kaalmaha 1aad, 2aad iyo 3aad galay:
1. Mustafe Maxamed
2. Dahabo Xaaji Cawil iyo
3. Hazzan Mazlax

Waxa aan leeyahay hambalyo, waxaana ay heli doonaan buugga Mayal iyo abaalmarinno kale haddii Alle idmo.

Ku tartan buugga Mayal: Hel falcelinta ugu badan muddo 24 saacadood ah!Walaw uu buugga Mayal loo xidhay si xeerka baalma...
16/09/2023

Ku tartan buugga Mayal: Hel falcelinta ugu badan muddo 24 saacadood ah!

Walaw uu buugga Mayal loo xidhay si xeerka baalmarsan, haddana sii-deyntiisa awgeed waxa uu Akademiga Qalin qabanayaa tartan ay akhristeyaashu ku helaan nuqul ah buuggaas uu qoray Cabdiraxmaan Abees. Haddii la keeno cod isku mid ahna waxa ay labada qof ama saddex qof ee isku codka noqda, waxa uu mid kastaaba heli doonaa buug gaar ah.

Si aad ugu tartanto buugga Mayal, fadlan raac tallaabooyinkan:
1. Xiise (like) saar bogga Akademiga Qalin
2. Faafi dhigaalka (post) si ay u arkaan jaalka/saaxiibbada Facebook
3. Ka bixi faallo (comment)
4. Waxa heli doona qofka ay faalladiisu hesho falcelinta (reaction) ugu badan 24 saacadood
5. Markaas kaddib ayaa la shaacin doonaa natiijada tartanka

Kani waxa uu barbilaw u yahay tartanno kala duwan oo lagu heli doono buugaag oo uu Akademiga Qalin qaban doono haddii Alle idmo.

Xasuusta Abwaan Xasan Sheekh Muumin iyo buugga Gaaraabidhaan oo dhawaan soo bixi doona!Gaaraabidhaan oo ah dhigane xamba...
31/08/2023

Xasuusta Abwaan Xasan Sheekh Muumin iyo buugga Gaaraabidhaan oo dhawaan soo bixi doona!

Gaaraabidhaan oo ah dhigane xambaarsan suugaantii iyo sooyaalkii Abwaankii weynaa ee Xasan Sheekh Muumin Gorod IHUN, isla markaasna uu qoray Muhammad Suleiman Cumar; waa diiwaan mug iyo miisaan leh oo dhawaan innagu soo fool leh haddii Alle oggolaado.

Waxa uu noqon doonaa buugga ugu weyn ee ifka yimaadda xilliyada aan fogayn haddii Eebbe idmo.

Duco iyo Xasuus: Sannad-guurada 1aad ee geeridii Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)          "1943-2022"Taariikh...
16/08/2023

Duco iyo Xasuus: Sannad-guurada 1aad ee geeridii Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)
"1943-2022"
Taariikhda: 18ka Ogos 2023
Maalinta Jimcaha, habeenka ay Sabtidu soo gelayso

Saacadda: 08:00 cawaysnimo
Goobta: Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa
"Ninka ii duceeyow
Ilaahay ku derejee" Hadraawi

Alle ha u naxariisto Qoraa iyo Halgamaa Ibraahin Xaaji Muuse Wacays oo caawa ku geeriyooday Hargeysa. Waxa uu ahaa raggi...
23/07/2023

Alle ha u naxariisto Qoraa iyo Halgamaa Ibraahin Xaaji Muuse Wacays oo caawa ku geeriyooday Hargeysa. Waxa uu ahaa raggii doorka ka weyn ka qaatay qoraalka buugga Halkaraan ee Suugaanta Abwaan Hadraawi IHUN. Waxa uu si weyn ugu xusay mahadnaqa maansayahanka weyn ee Maxamed Ibraahin Warsame.

Dhanka kale waxa uu ahaa qoraagii 2aad ee Buugga Mullaax Maansadii iyo Maalmihii Ibraahin Sheekh Saleebaan (Gadhle) IHUN la qoray Boobe Yuusuf Ducaale. Eebbe samir iyo iimaan ha ka siiyo qoyskiisa, saaxiibbada, bahda qalinka iyo ummadda guud ahaaan.

Bahda Akademiga Qalin waxa ay tacsi u dirayaan ummadda uu ka baxay guud ahaan. Innaa lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Address

Hargeisa

Telephone

+252634428604

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Akademiga Qalin posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Akademiga Qalin:

Shortcuts

Share