21/02/2026
🕌🌙 TAARIIKHDA KHULAFADA RASHIDIINTA – QAYBTA 2AAD.🌙🕌
✨ Taariikhda Cumar binu Khaddaab (RC).
Cumar binu Khaddaab (RC) wuxuu ahaa Khaliifkii labaad ee Muslimiinta, kuna xigay Abuu Bakar As-Siddiiq (RC).
Magaciisa: Cumar ibnu Al-Khaddaab
Naanaystiisa: Al-Faaruuq (Kala saaraha xaqa iyo baadilka)
Xukunkiisii: sannadkii 634–644 Miilaadiga.
⸻
1- Islaamnimadiisii;
Cumar (RC) markii h**e wuxuu ka mid ahaa dadka si adag uga soo horjeeday Islaamka, balse markii uu maqlay Qur’aanka Kariimka ah qalbigiisa ayaa furmay, wuxuuna noqday mid ka mid ah tiirarkii ugu adkaa Islaamka. Islaamnimadiisu waxay muslimiinta siisay sharaf iyo awood.
2- Khilaafadiisii;
Keddib geeridii Abuu Bakar (RC), Muslimiinta ayaa u doortay Cumar (RC) inuu noqdo Khaliif.
Muddadii uu xukumayay wuxuu sameeyay;
1- Wuxuu dhisay nidaam dowladeed oo caddaalad ku dhisan.
2- Wuxuu sameeyay Baytul-Maal (khasnadda Muslimiinta).
3- Wuxuu dejiyay taariikhda Hijriga.
4- Wuxuu ballaadhiyey dhulka Islaamka (Ciraaq, Shaam, Masar iwm).
3- Caddaaladdiisa;
Cumar (RC) waxaa lagu xusuustaa caddaalad iyo Alle ka cabsi. Habeenkii ayuu u bixi jiray si uu u hubiyo xaaladda dadka tabaalaysan.
Wuxuu yidhi:
“Haddii xoolo ku halaagmaan webiga Furaat, waxaan ka baqayaa in Ilaahay iga waydiiyo sababta aanan uga war hayn.”
Tani waxay muujinaysaa masuuliyaddiisa iyo sida uu u jeclaa caddaaladda.
⸻
4- Geeridiisii;
Cumar (RC) wuxuu geeriyooday sannadkii 644 Miilaadiga, keddib markii lagu dhaawacay isagoo salaadda Subax tukinaya masaajidka dhexdiisa.
📌 Casharka Aan Ka Baranayno;
♤ Caddaalad dhab ah.
♤ Masuuliyad hoggaamineed.
♤Geesinnimo iyo go’aan adag.
♤ Daryeelka ummadda.
Ilaahay ha ka raalli noqdo Cumar binu Khaddaab (RC).
Dugsiyada Macalin Shukri – Barbaarinta Jiilka Qur’aanka.