مدرسة الهداية لتحفيظ القرآن الكريم وعلومه 1

مدرسة الهداية لتحفيظ القرآن الكريم وعلومه 1

Share

kubaro qur.aanka qaab online ah adiga oo jooga gurigaaga ama goobtaada ganacsi kala xidhiidh: Watsappka 0634232982

19/11/2023

Kubaro qur.aanka iyo xifdigiisa mudo kooban adigoo jooga gurigaaga qaab online ah
1:Kubaro qur.aanka
2:higaada carabiga
3: tafsiirka qur.aanka kariimka ah
4: xadiiska rasuulka wcs
5: luuqada carabiga
Kala xidhiidh : Watsappka: 0634232982 ama 0638144440

19/11/2023

Daaraha dadkii lahaa maye

19/11/2023
18/11/2023

ISLAAMKU WAA DIINTA CAQLIGA IYO FIDRADA TOOSAN.

Ilaahay sarreeye Insaanka wuxuu abuuray iyaga oo toosan oo Brogramka ku jirana uu yahay mid Dabiici ah oo Hanuunsan,inta badan waxaa Bani Aadamka lumiya oo Barada toosnaanta ka saara waa wax ku soo Dariyay oo uu Dunida kula kulmay Sheydaana ka daadajiyay.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

"، وروى مسلم بسنده عَنْ عِيَاضِ بْنِ حِمَارٍ الْمُجَاشِعِيِّ عن النَّبيِّ فيما يرويه عن الله ـ تبارك وتعالى ـ قال : ((إِنِّي خَلَقْتُ عِبَادِي حُنَفَاءَ كُلَّهُمْ ، وَإِنَّهُمْ أَتَتْهُمُ الشَّيَاطِينُ فَاجْتَالَتْهُمْ عَنْ دِينِهِمْ ، وَحَرَّمَتْ عَلَيْهِمْ مَا أَحْلَلْتُ لَهُمْ ، وَأَمَرَتْهُمْ أَنْ يُشْرِكُوا بِي مَا لَمْ أُنْزِلْ بِهِ سُلْطَانًا))"
“Rasuulka scw wuxuu Rabbi ka wariyay inuu yiri:-Aniga Adoomadayda waxaan abuuray iyaga oo ah kuwo hanuunsan oo Samaha iyo Xumaha kala yaqaan,Shayaadiin baa u timid oo diinkoodii toosnaa ka qafaalatay,markaasay ka xarimeen wixii aan u xalaaleeyay kadibna fareen inay ila wadaajiyaan wax aanan xujo u siinin.

Aadanuhu oo ay Ahmiyada iyo Masuuliyadda Dunida gaar ugu dhacayso waxaa la siiyay Fidro iyo Abuur wanaaga iyo Xaqa u janjeerta inta badan,oo Ilaahay waxa uu u sameeyay Fidro iyo Abuur inta badan sax ah haddii aysan luminin waxyaabo dibada kaga yimaada.

‎روى البخاري في صحيحه عن رسول الله صلى الله عليه وسلم أنه قال: (مَا مِنْ مَوْلُودٍ إِلاَّ يُولَدُ عَلَى الْفِطْرَةِ، فَأَبَوَاهُ يُهَوِّدَانِهِ أَوْ يُنَصِّرَانِهِ أَوْ يُمَجِّسَانِهِ).

"Qof kasta oo la dhalo waxaa lagu dhalaa toosnaan ee waalidkii uun baa ama Yahuud ka dhiga ama Nasaaro ka dhiga ama Majuusi ka dhiga".

Toosnaantaas waa midda loo irkado waqyiyada wax isku qasmaan ee uu Insaanku ku wareero afkaaraha iska soo horjeeda ee haddii la doono qaarkood la diimaynayo.

Waayo Rasuulka scw waxaa lagu yiri:-

‎"فَأَقِمْ وَجْهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفًا ۚ فِطْرَتَ اللَّهِ الَّتِي فَطَرَ النَّاسَ عَلَيْهَا ۚ لَا تَبْدِيلَ لِخَلْقِ اللَّهِ ۚ ذَٰلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ" .

"Ku toosi wajigaada diinta baraxa tiran,taasoo ah toosnaanta uu Alle dadka ku abuuray,kumana dhaco Alle abuurkiisa wax isbadal ah,waana midaas diinta toosan laakiin dadka badankood ma garanayaan".

Bani Aadamku haddii uu Caqliga iyo Fidrada Dabiiciga ah si toos ah u adeegsado inta badan ma lumo,waana waxa kaliya ee ay ku xambaareen Masuuliyadda culus oo uu ilaahayna ugu aaminay diimihiisa iyo fariimahiisa,

Nabi kasta oo Ilaahay soo diro wuxuu la hadli jiray dadka Caqligooda iyo fidradooda,wuxuuna soo gaarsiin jiray fariin wadata xujooyin Caqli gal ah iyo mucjisooyin lagu kabay.

Quraanka Rasuulkeena Muxamad scw lala soo diray waxaa ka buuxa fariimo Caqliga baraarujinaya iyo xujooyin maan gal ah oo uu Ilaahay kula hadlayo Aadanaha Caqligiisa.

‎افلا تعقلون....افلا تتفكرون....لقوم يعقلون....لقوم يتفكرون.... لاولي الباب...لاولي النهي...لاولي ابصار....

Iyo kuwo kale oo badan.

Wuxuu kale oo Alle yiri isaga oo ku xujeynaya Aadanaha Caqligiisa.

﴿أَفَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَتَكُونَ لَهُمْ قُلُوبٌ يَعْقِلُونَ بِهَا أَوْ آذَانٌ يَسْمَعُونَ بِهَا فَإِنَّهَا لَا تَعْمَى الْأَبْصَارُ وَلَكِن تَعْمَى الْقُلُوبُ الَّتِي فِي الصُّدُورِ﴾

"Miyaysan Dhulka ku socon iyaga oo leh Qalbiyo ay wax ku gartaan ama Dhago ay wax ku maqlaan,duulku ma indho beelin ee waxay beeleen Qalbiyada garasho ee laabta ugu jira"

Inta badan Quraanka iyo Sunada waxay Caqliga hoy oga dhigaan Qalbiga,taasna k**a hor imanayso ogaanshaha la og yahay waqtigan in Maskaxdu tahay halka uu Caqliga saamaynta ugu culus ku leeyahay,taasna meelo kale ayay diintu ku tilmaantay,waxase dhowaan la ogaaday in unugyada ugu muhiimsan Maskaxda ay Qalbiga ka bilowdaan.

Rasuulku scw Nin u yimi oo doonaya inuu su'aalo samafalka ku saabsan waydiiyo ayuu ku yiri Nafsadaada waydii oo Samafalku waa dabeecada wanaagsan Dambiguna waa waxa aad ka labalabeyso ee aysan Naftaadu ku xasili karin,arinku waa saas haday doonaan dadka wax fadwooda waxay doonaan ha kuu fadwoodeene.

‎عن النواس بن سمعان الأنصاري قال : سألت رسول الله صلى الله عليه وسلم عن البر والإثم ، فقال : البر حسن الخلق ، والإثم ما حاك في صدرك وكرهت أن يطلع عليه الناس رواه مسلم .

Inta badan dadku waxaa Rusul loo soo diri jiray marka ay ka lumaan Fidrada iyo toosnaanta uu Rabbi h**e ugu borogram gareeyay,Rusushana waxa ugu badan oo ay qabato waxay ahayd u caqli celin ay dadka u caqli celiyaan iyo toosin ay fidradii lagu abuuray dib ugu toosiyaan dadka.

Rasuulka scw markay ka hor yimaadeen dadkii Nolosha ku dulloobay ee uu doonayay inuu toosiyo oo ay isaga waali ku sheegeen waxaa lagu yiri ku dheh:-

‎"قُلْ إِنَّمَا أَعِظُكُم بِوَاحِدَةٍ ۖ أَن تَقُومُوا لِلَّهِ مَثْنَىٰ وَفُرَادَىٰ ثُمَّ تَتَفَكَّرُوا ۚ مَا بِصَاحِبِكُم مِّن جِنَّةٍ"

"Waxaad ku tiraahdaa hal arin uun baan idinku waaninayaa oo ah inaad isu taagtaan dar Alle idinka oo ah laba laba iyo mid mid ka dibna aad fikirtaan waxaad ogaan doontaan inuusan saaxiibkiin waalneen".

Marar badan oo u Rasuulka scw kala hadlayay kuwii ku diidanaa waxdaaniyada Rabigood daliilada ugu waaweyn ee uu kula doodayay waxay ahaayeen kuwo Koonka iyo caqliga quseeya.

‎"قُلِ انظُرُوا مَاذَا فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ وَمَا تُغْنِي الْآيَاتُ وَالنُّذُرُ عَن قَوْمٍ لَّا يُؤْمِنُونَ (101)
"Waxaad ku tiraahdaa bal eega waxa Samaawaadka iyo Dhulka ku sugan,ee awoodda Alle iyo maamulkiisa ah,maxayse ka tari kartaa Aayadaha iyo digniinada qoom aan rumaysneyn".

Waxaa kale oo badan in qoom kasta oo ku dhowaada xaqiiqada Caqliga ay ku dhowaadaan yaqiinta ah jiritaanka Alle iyo awoodiisa midda kaliya ah.

Ugu dambayntii maaha mid qormo kooban looga bogan karo waxa ay Islaamku oga dhigan yahiin camiridda Caqliga iyo Fidrada Dabiiciga ah.
Waxaanse shaki ku jirin inuu yahay qasad uu Islaamku u taban taabiyay si laxaad leh,uguna xiray guusha iyo barwaaqada umadi gaarto marka ay foolkooda ku toosiyaan diinka toosan taasoo ka dhigan fidrada iyo caqliga.

18/11/2023

Badbaado maxay ku jirtaa?

18/11/2023

Saaxiibka xun

18/02/2023
Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Street 1
Hargeisa