06/05/2026
DUGSIGA AL-RAYAAN: HARMUUDKA DUGSIYADA IYO
HOYGA ARDAYDA HIBADA LEH! 🏆⭐
Asc Wa-raxmatullaahi Wa-barakaatuhu,
Waxaan halkan farxadda iyo guusha kula wadaagayaa dhammaan maamulka,
macallimiinta, waalidiinta, iyo ardayda Dugsiga H/Dhexe ee Al-Rayaan. Waxaan
guul weyn ka soo hooynay imtixaankii baaxadda lahaa ee uu qaaday Xafiiska
Imtixaanadka ee Al-Huda.
Dugsiga Al-Rayaan waxa uu mar kale xaqiijiyay inuu yahay gadh-wadeenka aqoonta,
isagoo muujiyay natiijooyin ka dhex muuqda dhammaan dugsiyada kale:
🥇 Guusha Ardayda (Top 10): Waxaa sharaf weyn noo ah in 10-ka arday ee ugu
dhibcaha sarreeyey guud ahaan imtixaankii ay soo saareen xafiiska Al-Huda, ay 6
arday ka mid ahi yihiin ardayda Dugsiga Al-Rayaan. Waxaana xusid mudan inaan
hantinnay Kaalinta 1-aad iyo Kaalinta 2-aad ee dhibcaha ugu sarreeya.
📊 Tartanka Dugsiyada (Grade A Categories): Xafiiska imtixaanadka Al-Huda waxa uu
dugsiyada u qaybiyay saddex heer (Grade A, B, iyo C). Dugsiga Al-Rayaan isaga oo
ku jira heerka ugu sarreeya ee Grade A, waxa uu noqday dugsiga ugu celceliska
sarreeya (Best Average), isaga oo kaalinta koowaad ka galay celceliska dhibcaha
ee 7 maaddo oo ka mid ah maaddooyinkii lagu tartamayay.
Guushani waxay marag u tahay tayada waxbarasho, dadaalka macallimiintayada
aqoonta u saaxiibka ah, iyo dhabar-adayga ardaydayada qaaliga ah. Waxaan sidoo
kale u mahad-celinayaa waalidiinta markasta nagu garab taagan inaan ubadka u
diyaarinno mustaqbal ifaya.
Dugsiga Al-Rayaan waa hoyga lagu taro guusha, waxaana naga go’an inaan mar walba
halkaas ka sii wadno.
Hambalyo Ardayda, Macallimiinta iyo Waalidiinta Al-Rayaan! 🎊📖🥇
Maamulaha Dugsiga H/Dhexe ee Al-Rayaan