Gudoomiyaha Xarunta Alool Educational Consultancy ๐จ๐๐๐๐ ๐ด๐๐๐ ๐ด๐๐๐๐๐๐ iyo xafladdii xil-wareejinta ururka dhismaha ee Tawakal
Alool Educational Consultancy
Centre providing global training in business,Educational, personal development and family training
17/02/2026
Xarunta Alool Educational Consultancy waxay dhambaal hambalyo ah u diraysaa guud ahaan ummadda Islaamka ah, gaar ahaan shacabka Somaliland, munaasibadda barakaysan ee curashada bisha Ramadan awgeed.
Waxaan Alle ka baryaynaa inuu sannadkan sannadkiisa inagu gaadhsiiyo caafimaad, nabad, horumar iyo barwaaqo.
Allaha inaga dhigo kuwii ka faaโiidaysta fadliga bisha Ramadan, kana mid noqda kuwa dambigooda la dhaafo, ducadoodana la aqbalo.
๐๐๐ข๐๐๐๐ฃ ๐๐๐ง๐๐๐ข.
17/02/2026
Guddoomiyaha Xarunta Alool Educational Consultancy ๐ผ๐๐ข๐๐ ๐๐ช๐จ๐ ๐๐ค๐๐๐ข๐๐ ayaa xalay ka qayb galay xafladdii xil-wareejinta ururka dhismaha ee ๐๐๐ฐ๐๐ค๐๐ฅ.
Munaasabadda xil-wareejintu waxay ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka soo qayb galay marti sharaf kala duwan, masuuliyiin, iyo bahda ururka. Ujeeddada xafladdu waxay ahayd in si rasmi ah xilka loogu kala wareejiyo hoggaankii h**e iyo kan cusub, iyadoo la muujinayo wada shaqayn, is-ixtiraam, iyo horumar joogto ah.
Guddoomiyuhu wuxuu hambalyo u diray hoggaanka cusub, isagoo ku bogaadiyay dadaalka iyo masโuuliyadda ay qaadeen, sidoo kalena uga mahadceliyay hoggaankii h**e kaalintii ay ku lahaayeen horumarinta ururka. Wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga hayโadaha waxbarashada iyo shirkadaha dhismaha si loo helo bulsho horumar leh oo leh xirfado tayo leh.
Ugu dambayn,gudoomiyah Xarunta Alool Educational Consultancy wuxuu markale u rajaynaysaa Ururka Dhismaha Tawakal guul iyo horumar waara.
Madashii tababarkii Effective teaching and learning 12/2/2026
12/02/2026
Waxa maanta oo taariikhdu tahay 12/1/2026 si guul leh ku soo dhammaaday tababarkii ๐ฌ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ป๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐ณ๐๐๐๐๐๐๐ (ุงูุชุฏุฑูุณ ูุงูุชุนููู
ุงููุนูุงู) kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta xirfadaha macallimiinta, adeegsiga xeelado waxbarid oo casri ah, iyo kor u qaadidda ka-qaybgalka iyo fahamka ardayda.
Tababarkani wuxuu ahaa mid aqoon kororsi iyo is-weydaarsi waayo-aragnimo leh.
Tababarkaas oo ka qabsoomay ๐ฏ๐๐๐-๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐
๐ ๐ฉ๐๐
๐๐ ๐ผ๐๐๐๐๐๐๐๐๐
Xarunta Alool Educational Consultancy waxay mahadcelin iyo bogaadin u diraysaa Komishaneer/๐ฒ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐/๐ผ๐๐๐๐๐
๐ฑ๐๐๐๐๐ ๐ช๐๐๐
๐ ๐ญ๐๐๐๐๐๐ oo ahaa daadihiyaha barnaamijka.
10/02/2026
๐ข ๐๐๐๐๐๐๐๐:
Xarunta ๐จ๐๐๐๐ ๐ฌ๐
๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ช๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ waxay idiin soo agaasintay tababar ku saabsan Effective Teaching and Learning (ุงูุชุฏุฑูุณ ูุงูุชุนููู
ุงููุนูุงู), kaas oo ujeedkiisu yahay xoojinta xirfadaha macallimiinta iyo kor u qaadista tayada waxbaridda.
๐๏ธ ๐๐๐๐ก๐๐ฃ๐ฉ๐ khamiista 12/2/2026.
๐ ๐พ๐๐๐๐๐๐๐: 4:00๐๐.
๐ฐ ๐๐ง๐๐ ๐ป๐๐๐๐๐๐๐.
๐๐๐๐ก๐ข๐๐๐ฃ: Hall-ka jaamacada Beder.
๐ ๐พ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐
๐๐๐๐
๐:
๐ฒ 063-4078081 ๐ฒ 065-4078081
https://chat.whatsapp.com/DyYZwxE4Mn9J4TTowdpwnv?mode=gi_t
02/02/2026
Xarunta Alool Educational Consultancy waxay si diirran u soo dhawaynaysaa Barnaamijka Waddaniyadda ee ay soo agaasiintay ๐พ๐๐๐๐๐๐๐
๐
๐ ๐ฟ๐๐
๐๐๐๐
๐๐๐ ๐ฎ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐จ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ซ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ฑ๐บ๐ณ.
Barnaamijkan ayaa ujeeddadiisu tahay in ardayda jaamacadaha lagu baro waddaniyadda, aqoonta dastuurka iyo ka-qaybgalka horumarinta dalka, iyadoo la dhiirrigelinayo aqoonta iyo wacyiga waddaniyadeed ee dhalinyarada.
29/01/2026
Xarunta Alool Educational Consultancy waxa ay hambalyo u diraysaa ๐๐จ๐ฉ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ง ๐ผ๐๐๐ ๐๐๐ง๐๐๐๐ข (Khadar Sos), oo loo magacaabay ๐ฎ๐๐
๐
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐พ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐ ๐๐ ๐ฎ๐๐๐๐๐๐ ๐ฑ๐๐๐.
Runtii ustaadku waa macallin ku suntan karti, aqoon iyo tacab badan oo uu soo geliyey barbaarinta iyo kobcinta jiilal fara badan.
Magacaabistan waa mid timid waqti ku habboon, waxayna markhaati u tahay kalsoonida lagu qabo aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa iyo hoggaamintiisa waxbarasho.
Waxaanu u rajaynaynaa guul, horumar iyo hufnaan, annagoo Alle uga baryayna inuu xilka loo igmaday si hufan ugu asturo, una fududeeyo masuuliyadda culus ee saaran, kana dhigo mid midho-dhal ah oo wax weyn ku soo kordhiya waxbarashada Gobolka Jeex.
โ Alool Educational Consultancy
29/01/2026
Waxa maanta si guul ah kusoo dhammaaday tababarkii Qaab-Qoraalka (๐จ๐๐๐
๐๐๐๐ ๐พ๐๐๐๐๐๐) ee Xarunta Alool Educational Consultancy u qabatay qaar ka mid ah ๐ช๐๐๐
๐๐๐๐
๐ ๐จ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ฑ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐
๐ ๐บ๐๐๐๐๐๐๐๐๐
, tababarkaas oo socday muddo saddex maalmood ah.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray xirfadaha aasaasiga ah ee qaab-qoraalka, habka diyaarinta iyo qorista qoraallada rasmiga ah, iyo kobcinta awoodda qoraal-ka-tolmoon.
Ka-qaybgalayaashu waxay muujiyeen feejignaan iyo ka-faaโiidaysi , iyagoo helay aqoon iyo waayo-aragnimo wax ku ool ah oo kor u qaadaysa kartidooda shaqo iyo mid waxbarasho labadaba.
Xarunta Alool Educational Consultancy waxay mahadcelin u udiraysaa Ciidamada Asluubta Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Taliye-ku-xigeenka 1aad, Sarreeye Guuto ๐ฟ๐๐๐๐ ๐ช๐๐๐ ๐ช๐๐๐๐
kagonaashiyaha horumarinta ciidanka.
Xaruntu waxay ballan-qaadaysaa inay sii wadi doonto bixinta tababarro tayo leh oo lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha Ciidamada kala duwan.
Ustaad Khadar Hassan - Dhoolayare ayaa isaguna si diirran u soo dhaweeyey tababarkii ku saabsanaa Qaab-Qoraalka (๐๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฒ๐บ๐ถ๐ฐ ๐ช๐ฟ๐ถ๐๐ถ๐ป๐ด) ee ay Xarunta Alool Educational Consultancy u qabatay ๐๐ข๐ข๐๐๐ฆ๐๐๐ ๐๐ฌ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐๐ญ๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐, isagoo ku ammaanay muhiimadda uu tababarkani u leeyahay horumarinta aqoonta iyo xirfadaha qoraal.
Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka Asluubta Jsl Sarreeyo guuto : Xasan Cali Cawad ayaa daah-furay tababar la xidhiidha Qaab-Qoraalka (๐ผ๐๐๐๐๐ข๐๐ ๐๐ง๐๐ฉ๐๐ฃ๐)) oo ay Xarunta Alool Educational Consultancy ay soo agaasimtay kaas oo lagu qabtay Taliska guud ee Ciidanka Asluubta Jsl.
Tababarkan ayaa ujeedkiisa ugu weyni uu daarnaa kobcinta aqoonta iyo xirfadaha qoraalka tolmoon ee Ciidanka , Tababarkan oo socon doona muddo Saddex maalmood ah.
Xarunta Alool Educational Consultancy waa Xarun u heellan horumarinta waxbarashada iyo kobcinta xirfadaha aasaasiga.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Hargeisa
1212@