Salaam Institute for Studies

Salaam Institute for Studies

Share

Waa xarun aad ka heleyso tobabaro caalami ah, soo saarista buugaag tayo leh,iyo cilmi baadhisyo

24/05/2026

📖 Gorfeynta Kitaabka:
“فلسفة التاريخ – الفكر الإستراتيجي في فهم التاريخ” – جاسم سلطان

Buuggan waxa uu iftiiminayaa sida taariikhda loogu fahmi karo aragti istiraatiiji ah, isagoo isku xidhaya dhacdooyinka, ilbaxnimooyinka, iyo isbeddellada bulshooyinka. Dr. Jaasim Suldaan waxa uu kaga hadlayaa qaabka ummaduhu u kacaan ama u dhacaan, doorka fikirka, hoggaanka, iyo wacyiga taariikheed ee dhismaha mustaqbalka.

🎙️ Gorfeeye:
Ustaad Cabdiraxmaan Axmed
゚viralシ

Falanqayn: Fikirka Xarakiga Ah & Doorka Fatxi Yakan iyo Saciid Xawa | Sh. Cabdiraxmaan Bashiir X9aad 23/05/2026

Falanqayn: Fikirka Xarakiga Ah & Doorka Fatxi Yakan iyo Saciid Xawa | Sh. Cabdiraxmaan Bashiir X9aad
https://youtu.be/JuQYy5YkEd8?si=tNAaSDNdV0HM51dg

Waxaa dib inoogu bilaabmatay Dawradii:
تطور الفكر الإسلامي
من التأسيس إلى التجديد والتأصيل والتفعيل
🎥 Intii ku dhaaftay ka daawo linkigan hoose:
https://youtube.com/playlist...
📩 للتفاصيل والتسجيل:
https://t.me/SalaamInstituteForStudies
📚👉 intiina aan Isdiiwaan-gelin si aad uga qayb gasho dawradan fikirka ah buuxi foomkan!
🔗 Foomka diiwaangelinta:
https://forms.gle/RPagEFU9x6p2X6Qa6
La soco, kana faa’iidayso duruusta qiimaha leh.

Falanqayn: Fikirka Xarakiga Ah & Doorka Fatxi Yakan iyo Saciid Xawa | Sh. Cabdiraxmaan Bashiir X9aad Fikirka xarakiga ah waa mid ka mid ah mowduucyada ugu muhiimsan ee lagu fahmo dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ee casriga ah. Darsigan, Sheekh Cabdiraxmaan Bashi...

17/05/2026

Fadliga 10ka Dil-Xija

Photos from ‎شبكة الروّاد الإلكترونية‎'s post 16/05/2026
16/05/2026

Mataano Aragtiyeed iyo Mabda': Sayid Qudbi iyo Aadan-Siiro

Sheekh Aadan-Siiro magaciisa kolkaan maqlo waxa aan ku lammaynayn jiray Sayd Qudbi laba siyaaloodba: marka kowaad qofkaan ku bartay Sayd Qudbi ayuu ahaa, marka labaadna siduu u saameeyey Saydku sheekha ayaa mucjiso ahayd.

Sheekh Aadan waxa ka go’nayd faafinta manhajka dhexdhexaadka ah ee Xasan Albanna, Sayd Qudbi iyo Qaradaawi udub-dhexaadka u ahayeen, kaas oo ahaa midda sheekh Aadan wadaaddada ka soocday ee dhiiranaanta iyo xaq ku addinka ka keentay ahayd. Ilaahay ii qabsan maayo haddaan idhaa faafinta manhajkaas iyo aaminaaddiisu sheekha mabda’ ayey ka ahayd.

Saydka iyo Aadan waxay ka sinnayeen in ay nolosha aragti ka lahayeen oo aanu danaysi xayndaab u ahayn, se nolosha mawaaqif waaweyn ka lahayeen.

Saydku wuxu dagaal ba’an ka galay samaysanka kala sarraynta bulsho, in badan ayuu ka dagaalamay in ummadda loo kala saaro dabaqado nololeed oo ay soo baxaan kudlad bulshada ku dul noolaata, isaga oo dooddiisu ahayd halagu dhaqmo diinta Islaamka iyadaa xaqsoor ah e’sida ku cad buuggiisa (Al-Caddaala Ijtimaaciya fil Islaam) - Caddaaladda Bulsheed ee Islaamka.

Sheekh Aadan, isna wuxu dagaal ka galay in la ilaawo bulshada qaybteeda hoosaysa iyo qof kasta oo aan codkiisa la maqlayn, isaga oo minbarkiisu noqday carrooga qofkaan codkiisa la maqlayn, marar badan oo dhibaato bulsho laga cawday halhaysyo caanbaxay ayuu ka lahaa.

Sayd Qudbi waxyaallaha lagu majeerto waxa ugu mudan ee wadaaddadii xilligiisa noolaa ka soocay in aragtidiisu caddayd, oo aanu mawaaqifta marna dhexdhexaad ka noqon jirin. Maalintii la daldalayey walaashi Xamiida Qudub, ayaa lagu yidhi: walaalkaa cafis ha soo dalbado iyo in uu mawqifkiisii ka noqday si aanu daldalaadda uga joojinno. Saydku arrinkaas aad ayuu uga hor yimid isaga oo darajo iyo dheeraad ku tilmaamay in loo dilo Alle dartii.

Sidaa si la mid ah ayaa sheekh Aadan aanu noloshiisa mawaaqifta marna dhexdhexaad uga noqon, waa midda isna wadaaddadii wakhtigiisa ka soocday. Asxaab badan oo u wadaaddada dhexdooda ku lahaa waxay ku kala tageen mawaaqiftiisa caddayd sida aragtidiisa goni isu taagga Somaliland.

Dhabbada wanaajineed ee Saydku uu u arkayey in nolol ka hirgeli karto wuxu ka dhaqaajiyey in ummaddani wanaaggooda adduun iyo aakhiro uu ku jiro u noqoshada Alle SWT, sidoo kale noqoto bulsho isku xukunta oo ku kala baxda kitaabka Ilahaay iyo sunnaha nebi Maxamed NNKH. Waxa kale oo uu xoogga saaray helidda bulsho caddaaladeed oo siman, waana midda uu ula baxay xaqsoornimada bulsho.

Aadan-Siiro midda aan isleeyahay wadaad iyo waranle waa lagu tebi doonaa waxay ahayd is-xilqaankiisi nafhurka lahaa. Hadduu arko qof la dulmayo sheekhu isagaa u istaagi jiray oo mar kasta agtaagnaan jiray ilaa hawshaa uu ka dhammaynayo. Xafiiskiisa kolkaad booqato tobanka qof ee la jooga kolka laga yimaaddo inta lacag ka doonaysa waxa badnayd inta in uu hawl la fududeeyo ugu timid ama isagu uu maqlay hawl ku taagan oo uu u yeedhay si uu ula fududeeyo.

Sayd Qudbi dagaalo siyaasadeed oo waaweyn ayuu galay kaas oo ka dhashay baaqiisii caddaalad doonnimo, kitaabkiisa macaalim fi-dariiq oo sababay in la daldalo wuxu ku baadi goobayey isku xukunka diinta iyo in bulshadu noqoto bulsho caddaaladeed.

Aadan-Siiro Dhowr jeer ayey dawladdii hantiwadaagga aragtideedu ahayd isku qabteen isku xukunka shareecada, taas oo sababtay in la xidho, sidaas si la mid ah wanaajinta dawladnimada Somalilad in badan ayey sheekha isku seegeen dadkii xilliyada xukunka hayey.

Sheekh Aadan waxa laga guntay ereyo badan oo sidooda haddii loo fasiro macnayaal waaweyn oo falsafi ah yeelanaya, kuwaas oo dhammaantood ka turjumaya dulmiga sida sheekhu u diiddanaa.

Waar ka daayaa ayaanu leennahay
Ummaddii way soo oodantay
Waxa aanu nahay ummad hadaf leh
Lan naqbaluh-Aqbali mayno
Caqlan wa-sharcan

Sheekh Aadan iyo Saydka labadoodaba Ilaahay jannooyinkiisa haku casuumo oo safkii rasuulka haka yeelo.

Cabdirisaaq Rakuub

Gorfeyn Kitaabka الفلسفة السياسية Political Philosophy ee Ahmet Davutoğlu Sh. Cabdirisaaq Rakuub 15/05/2026

Gorfeyn Kitaabka الفلسفة السياسية Political Philosophy ee Ahmet Davutoğlu Sh. Cabdirisaaq Rakuub
https://youtu.be/_6dwpnDdiO0

📚 Gorfeyn Kitaabka: Falsafada Siyaasada. الفلسفة السياسية (Political Philosophy)
✍️ Qoraaga: Ahmet Davutoğlu
🎙️ Falanqeyn: Sh. Cabdirisaaq Rakuub

Barnaamijkan waxa uu ku saabsan yahay falanqeyn qoto dheer oo lagu sameynayo fikradaha falsafadda siyaasadda ee kitaabka Political Philosophy, iyo sida uu u arko xiriirka u dhexeeya dawladnimada, awoodda, qiyamka, iyo isbeddelka bulshada.

Waxa si gaar ah diiradda loo saaray:
• Fahamka falsafadda siyaasadda
• Xiriirka diinta, akhlaaqda iyo maamulka
• Awoodda iyo nidaamka dawladnimo
• Saamaynta fikirka siyaasadeed ee casriga ah
• Caqabadaha dunida Muslimka iyo mustaqbalka siyaasadda

🎯 Barnaamijku wuxuu muhiim u yahay ardayda, aqoonyahannada, iyo qof kasta oo danaynaya fikirka siyaasadda iyo fahamka qoto dheer ee dawladnimada.












Gorfeyn Kitaabka الفلسفة السياسية Political Philosophy ee Ahmet Davutoğlu Sh. Cabdirisaaq Rakuub 📚 Gorfeyn Kitaabka: الفلسفة السياسية (Political Philosophy)✍️ Qoraaga: Ahmet Davutoğlu🎙️ Falanqeyn: Sh. Cabdirisaaq RakuubBarnaamijkan waxa uu ku saabsan y...

Mashruuca Feker ee Sayyid Qutb iyo Aragtida Maxamed Qutb | Gorfayn Sh.Cabdiraxmaan Bashiir 14/05/2026

Mashruuca Feker ee Sayyid Qutb iyo Aragtida Maxamed Qutb | Gorfayn Sh.Cabdiraxmaan Bashiir

Fikirkii Xarakiga ahaa ee Sayid Qudub iyo Maxamed Qudub
Aasaasayaashii Fikirka Islaamiga ah ee Cusub ee Xarakiga ah.
Xalqadii 8aad Sh.Cabdiraxmaan Bashiir

Waxaa dib inoogu bilaabmatay Dawradii:
تطور الفكر الإسلامي
من التأسيس إلى التجديد والتأصيل والتفعيل
🎥 Intii ku dhaaftay ka daawo linkigan hoose:
https://youtube.com/playlist...
📩 للتفاصيل والتسجيل:
https://t.me/SalaamInstituteForStudies
📚👉 intiina aan Isdiiwaan-gelin si aad uga qayb gasho dawradan fikirka ah buuxi foomkan!
🔗 Foomka diiwaangelinta:
https://forms.gle/RPagEFU9x6p2X6Qa6
La soco, kana faa’iidayso duruusta qiimaha leh.

Mashruuca Feker ee Sayyid Qutb iyo Aragtida Maxamed Qutb | Gorfayn Sh.Cabdiraxmaan Bashiir Mashruuca Feker ee Sayyid Qutb iyo Aragtida Maxamed Qutb | Gorfayn Sh.Cabdiraxmaan Bashiir

14/05/2026

Fikirkii Xarakiga ahaa ee Sayid Qudub iyo maxamed Qudub Xalqadii 8aad
Sh.Cabdiraxmaan Bashiir
Aasaasayaashii Fikirka Islaamiga ah ee Cusub ee Xarakiga ah.
Waxaa dib inoogu bilaabmatay Dawradii:
تطور الفكر الإسلامي
من التأسيس إلى التجديد والتأصيل والتفعيل
🎥 Intii ku dhaaftay ka daawo linkigan hoose:
https://youtube.com/playlist...
📩 للتفاصيل والتسجيل:
https://t.me/SalaamInstituteForStudies
📚👉 intiina aan Isdiiwaan-gelin si aad uga qayb gasho dawradan fikirka ah buuxi foomkan!
🔗 Foomka diiwaangelinta:
https://forms.gle/RPagEFU9x6p2X6Qa6
La soco, kana faa’iidayso duruusta qiimaha leh.

13/05/2026

📢 Salaam Institute for Studies
(معهد سلام للدراسات)

Waxa uu machadka Salaam Institute for Studies kugu martiqaadayaa kulankan muhiimka ah:

📌 Horta ma Fekernaa?

🎙️ Soo jeediye: Cabdinaasir Sahal

📅 Taariikh: 14 May 2026
🕢 Waqtiga: 8:00 PM (Habeenka Jimce soo gelayo)

📍 Goobta: Xarunta Salaam – Fooqa Barsame, dabaqa 4aad

✨ Fekerku waa furaha isbeddelka nolosha iyo horumarka bulshada.
Kaalay oo ka qaybgal cashar muhiim ah oo ku saabsan wacyiga, fikirka, iyo fahamka casriga ah.

08/05/2026

Xuduudaha Waddaniyaddeenna.

‎Farqiga inoo dhexeeya annaga iyo iyagu waxa uu yahay in annagu aan u aragno waddaniyadda inay ku salaysan tahay caqiidada Islaamka, halka iyaguna ay u arkaan inay ku salaysan tahay xuduudaha dhulka iyo juqraafi ahaan waddan gaar ah. Sidaas darteed, meel kasta oo uu joogo Muslim yidhaahda: "Laa ilaaha illalaah, Muxammedu rasuululaah,” annaga waxay noo tahay dal iyo dhul mudan xurmo, qadarin, jacayl iyo daacadnimo. Waxa kale oo aan u aragnaa inay waajib tahay in loo dadaalo wanaaggiisa iyo difaaciisa. Dhamaan Muslimiinta ku nool dalalka kala duwanna waxaan u aragnaa inay yihiin walaalaheen iyo ehelkeen. Waan ka damqannaa dhibtooda, waan la dareen noqonnaa xaaladdooda, waxaanan la qaybsannaa farxaddooda iyo murugadooda.

‎Laakiin dadka ku kooban waddaniyadda qaydan keliya, dan k**a laha wax ka baxsan dhulkooda yar ee xaddidan. Waxay daneeyaan oo keliya waddanka ay ku nool yihiin, iyaga oo aan wax dareen ah u hayn Muslimiinta kale. Farqigaasi ficil ahaan waxa uu u muuqdaa marka qaran doonayo inuu xoog iyo horumar ku gaadho isagoo waxyeello u geysanaya qaran kale. Annagu ma aqbalayno in dal Islaami ahi ku xoogaysto dhibaatada dal kale oo Muslim ah dushooda, balse waxaan rabnaa awood iyo horumar ay wada yeeshaan dhammaan ummadda Muslimiintu. Halka dadka waddaniyadda keliya aaminsani aanay dhib u aragayn arrintaas. Sidaas darteed ayay xidhiidhadaasi u kala go’aan, awooddiina u daciiftay, cadowguna uu isu adeegsadaa Muslimiinta dhexdooda.

‎Himilada Waddaniyaddeenna.

‎Dadka waddaniyadda keliya aaminsan himiladoodu waxay ku koobantahay xoraynta iyo horumarinta dalkooda oo keliya. Marka ay dalkooda dhisaan kadibna, waxay xoogga saaraan oo keliya dhinacyada maadiga ah iyo horumarka adduunyo, sida ay maanta sameeyaan waddamada Yurub. Laakiin annagu waxaan aaminsanahay in Muslim kasta uu leeyahay masuuliyad iyo amaano weyn oo saaran. Waxa laga rabaa inuu naftiisa, dhiiggiisa iyo maalkiisaba u huro gudashada waajibkaas, kaas oo ah in dadka lagu hanuuniyo nuurka Islaamka, calanka Islaamkana laga taago dunida dacalladeeda oo dhan.

‎Ujeeddada arrintaasi ma aha maal, mansab, awood ama in dad la addoonsado. Balse waxa laga leeyahay oo keliya raalli ahaanshaha Alle, farxadda iyo wanaagga bani’aadamka, iyo kor u qaadista ereyga Islaamka. Taas ayaana ku kalliftay asxaabtii iyo salafkii suubanaa — Alle haka raalli noqdee — furashooyinkii iyo guulihii waaweynaa ee Islaamka, kuwaas oo dunida ka yaabiyey xagga xawaaraha, caddaaladda, akhlaaqda wanaagsan iyo fadliga ay lahaayeen.

‎مجموع الرسائل الإمام حسن النبا

‎Wq Abdalla A.Yamani

Fikirkii Xarakiga ahaa ee Imaam Xassan Al Banna iyo Imaam Abu Acla Al Mawduudi Xalqadii 7aad 07/05/2026

Fikirkii Xarakiga ahaa ee Imaam Xassan Al Banna iyo Imaam Abu Acla Al Mawduudi Xalqadii 7aad
Sh.Cabdiraxmaan Bashiir

Aasaasayaashii Fikirka Islaamiga ah ee Cusub ee Xarakiga ah.

Waxaa dib inoogu bilaabmatay Dawradii:
تطور الفكر الإسلامي
من التأسيس إلى التجديد والتأصيل والتفعيل

🎥 Intii ku dhaaftay ka daawo linkigan hoose:
https://youtube.com/playlist?list=PLKk9VrdmoZR0xGoB1eIt5s4VAfE2IGBa4&si=5qPrxmGNNXuvvW1m

📩 للتفاصيل والتسجيل:
https://t.me/SalaamInstituteForStudies

📚👉 intiina aan Isdiiwaan-gelin si aad uga qayb gasho dawradan fikirka ah buuxi foomkan!
🔗 Foomka diiwaangelinta:
https://forms.gle/RPagEFU9x6p2X6Qa6

La soco, kana faa’iidayso duruusta qiimaha leh.

Fikirkii Xarakiga ahaa ee Imaam Xassan Al Banna iyo Imaam Abu Acla Al Mawduudi Xalqadii 7aad Wax ka Baro Taariikh Nololeedka Caalimkii Weynaa ee Hassan al-BannaXalqadii 7aadWaxaa Soo Jeedinaya: Cabdiraxmaan BashiirQayb ka mid ah Dawradii:“Fikirka Isl...

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Hargeisa