24/10/2025
Jimce wanaagsan.
ILAAHAY ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan.
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Jama Awil Nouh, Radio Hargeysa 105, Hargeisa.
24/10/2025
Jimce wanaagsan.
ILAAHAY ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan.
BARIGA DHEXE OO XAALKIISU ISU BEDDELAY BARIGA DHEXE
___________________________
Waxaa laga yaabaa in dadka badankoodu u arkayeen wax iska caadiya hanjabadaaha ka imanaya dhinacyada kala duwan, guur-guurka qalabka milatari, digniinaha dhanka safarka iyo wax kasta oo u eg dagaal ee sida maalinlaha ah u tebinayaan qaybaha kala duwan ee warbaahintu. LKN sidaa maaha, mana aha wax iska caadi ah. Dib u xasuuso hanjabaaddii ahayd 'Jimcaha waxaan ku tukan doonaa Addis Ababa ' ee ay h**e u jeediyeen Maxkamadihii Islaamiga ee Soomaaliya. Taasi oo markii danbe horseedday in Ciidankii Federaalka ee Milataarka IToobiya dagaal kaga jawaabaan hadalkaasi, ilaa ay ka adkaadeen!.
Sidaa darteed, weerarka dhanka cirka ah ee ay dawladda Israil ku qaadday dhulka Iiraan waxay ka lahaayeen 3 ujeeddo:
1. In ay ka jawaabto hanjabaadda dawladda kacaanka Iiraan si ay muwaadiinteedu u dareemaan xasillooni.
2. In ay meesha ka saaraan barnaamijka Nuclear-ka Iiraan oo ay u arkayeen inuu khatar ku yahay jiritaanka dawladda Israil.
3. In ay Israil oo keliya ka baarqabayso Bariga dhexe oo aanay jiri karin awood kale oo miiska la fadhiisan karta.
Waan ku dari karnaa qodob 4aad oo ah in Raysal Wasaaraha Israil oo xukunka ku dheeraysto si aan loogula xisaabtamin weerarkii 7da October.
Waxay ila tahay sida muuqata, dawladda Israil waxay xaqiijisay ujeeddooyinkii ay weerarka u qaadday, waa haddii aysan dib iska beddelin xaaladdu!. Sidoo kale, waxaa iska cad inaysan Iiraan samaysan xulufo la dagaal gala oo dhinaceeda istaaga marka ay xaaladuhu jeex-jeexaan. Ruushii iyo Shiinihii waa ay cambaareeyeen oo keliya, se ma aysan u muujin hiil iyo hoo toona. Iyagii baa xaalka dersaya oo cambaarayn oo keliya soo saaray.
Iiraan ilaa hadda ma ay bixin jawaab ku filan gardaraddii lagu sameeyey ee lagu naafeeyey wax-soo-saarkeedii dhanka barnaamijka Nuclear-ka, kaabayaashii dhaqaalaha, goobihii shidaal qodista, saynisyahannadii, taliyayaashii ciidanka oo la cunay ilaa ku-xigeennadii 2aad iyo 3aad. Hadda garo oo weli ma dhamaan weeraradii Israil. Waxayba sheegtay inay socon karaan isbuuc ilaa laba isbuuc.
Israil waxaa kale oo ay naafaysay ama ka hor-tagtay aagagii ay Iiraan kasoo gani lahayd gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay kaga jawaabayso duulaankii saaka waaberiga ilaa hadda socda.
Dawladda Israil ku waxay marwalba ka talo qaadataa quwadda wayn ee haatan dunida waa MARAYKANKA e, isaga oo siiyaa oggolonaashiyaha tallaabooyinka millatari ama 'nalka cagaaran'. Waana sababta uu Maraykanku u xoojiyay ciidankiisa daafaha dunida gaar ahaan Khaliijka, uguna digay muwaadiintiisa. Waxaa kale oo uu u diyaariyay gantaalohii difaaca ee THAD iyo ciidankiisa cirka si ay uga hortagaan jawaab-celinta Kacaanka Iiraan. Isla saakaba waxay gantaalaha ay Iiraan soo gantay kaga hortageen oo ku bur-buriyeen hawada dalalka Siiriya iyo Ciraaq!.
Isku soo wada duuboo, waxaa muuqata in Iiraan ay iska riyootay iyada oo aan seexanba. Ma sahlana in aad dawlad awood leh oo xulufo leh aad isaga hanjabto.
BAL WAAN EEGNAA HALKA UU KU DANBEEYO XAALKA BARIGA DHEXE!.
Waa aragtidayda xaaladda Bariga dhexe. Cidna kuma metelo faalladan kooban.
18/02/2025
Boqortooyada Sucuudi Careebiya waxa ay marti-gelinaysaa kulan ay isku arki doonaan madaxwaynayaasha Maraykanka iyo Ruushka (Donald J. Trump iyo Putin), kulankaasi oo ujeedkiisu yahay in lagu joojiyo dagaalka Ukrain iyo Ruushka u dhexeeya. Boqortooyadan hodanka ahi waxa ay wakhti iyo dedaalba ku bixisay sidii labadaas hoggaamiye isugu arki lahaayeen dalkeeda isla markaana lagu soo afjari lahaa dagaalkaasi.
Waxa aan iswaydiiyay, dalka weyn ee Muslinka ah ee weliba muqaddasaadkii Islaamku ku yaalliin, xaggee buu ku ilaaway walaalaha reer QASA ee sannad iyo badhka lagu gummaadayay magaalada QASA??!!
Waxa aan markaa soo xasuustay xadiiskii:
مثل المؤمنين في توادهم وتراحمهم وتعاطفهم مثل الجسد إذا اشتكى منه عضو تداعى له سائر الجسد بالسهر والحمى[1].
ILAAHAY ha u gargaaro walaalahayo reer QASA, cadawgooda ha jabiyo, guushana ha siiyo.
Aamiin.
12 maalmood ayaa ka hadhay Bishii Ramadaan. ILAAHAY nabad iyo caafimaad ha inagu gaadhsiiyo. Aamiin.
07/12/2024
Subax wanaagsan 🙌
24/06/2024
Waa aniga oo la sawiran Caydiid oo idin leh Subax Wanaagsan. ILAAHAY maalintan khayrkeeda ha ina waafajiyo, sharkeedana ha inaga duwo. Aamiin.
#1445/2024
10/05/2024
Wixii aad awooddo ugu dir Masaajidka Al-xamiid ee laga dhisayo xaafadda 19-aad ee magaalada Jigjiga.
08/05/2024
Hambalyo iyo duco ayaan kuu soo dirayaa walaal Mawliid Mustafe Axmed - Mawliid Ifiye , cilmigaa aad baratay naftaada, dalka iyo dadkaba Alle ha ku anfaco. Amiin.
Subax wanaagsan. Nabad iyo caafimaad baan idiin rajaynayaa dhammaan asxaabta ku xidhan boggan.
01/05/2024
''HAMBALYO - Maalinta Shaqaale-waynaha Dunida''.
Sannad walba maanta oo kale (1-da May) waxa ay dunida oo dhan uga dhigan tahay 'Maalinta Shaqaalaha Dunida/World Labour Day'. Waa maalin nasasho, iyada oo fasax laga yahay shaqooyinka. Waxaa intaa dheer oo la qabtaa kulamo iyo shirar lagu xusayo maalintan, waxaana wax la isla waydiiyaa caqabadaha ku xeeran shaqaalaha, dhaqan-gelinta xeerarka shaqeeyaha iyo loo-shaqeeyaha.
Waxa aan hambalyaynayaa guud ahaan shaqaalaha Dawladda Somaliland oo runtii ku shaqeeya duruufo kala duwan, xuquuqda ay qaataanna ay hoosayso isla markaana aysan wax ku filan uga goyn karin suuqyada. Waxaa aan hambalyo gaara u dirayaa shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta JSL qaybeheeda kala duwan oo aan iyagu maanta ka nasanayn shaqada balse sidii caadiga ahayd iyo wakhtigii caadiga ahaaba shaqada soo gala gelin h**e, dhexe iyo gelin dambaba. Waxa aan leeyahay waa la idin ogyahaye halkaa kasii wada hawsha qaran.
Sidoo kale waxay aan maalintan Shaqaale-waynaha Dunida hambalyaynayaa shaqaalaha ka hawl-gala ganacsiyada kala duwan ee gaarka ah.
Waxa aan soo jeedinayaa in dawlad iyo ganacsataba la isku kaashado sidii loo dhaqan-gelin lahaa xeerarka wanaagsan ee aan u degsanay in lagu dhaqo Shaqaalaha iyo loo-shaqeeyahaba.
#2024/1445
18/04/2024
Alxamdulilaah raxmaadkii gu'gu waa inoo hooray. Allah ha inoo siyaadiyo hana inaga yeelo kuwii ku mahad-naqa ee ka faa'iidaysta. Amiin.
Jimce wanaagsan
1445/2024
👀 Caawa waa soo jeed. Bariga dhexe ama Yuhuud baa sii haysan ama Shiicada Iiraan ayaa yara cidhiidhsan. Ugu yaraan Qaza ayaa nefis qaadanaysa inta labada quwadood isku jeedaan.