Daami primary And Kg School

Daami primary And Kg School Daamiprimaryschool

Waxa maalintii labaad si habsami ah u socda imtaxaankii kalka kowaad Ee dugsiga hoose dhexe Ee cali  Akhawaan (Daami)
08/12/2024

Waxa maalintii labaad si habsami ah u socda imtaxaankii kalka kowaad Ee dugsiga hoose dhexe Ee cali Akhawaan (Daami)

Qalin Jabinta Dufcadii saddexaad ee Qaybta Kg Dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Ali ikhwaan daami
26/05/2024

Qalin Jabinta Dufcadii saddexaad ee Qaybta Kg Dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Ali ikhwaan daami

Sawiro Qaybta KG Barbaarinta Dugsiga Hoose Dhexe Sheekh Ali Ikhwaan Daami Hargaysa JSLMarka laga hadlayo in la hagaajiyo...
15/05/2024

Sawiro Qaybta KG Barbaarinta Dugsiga Hoose Dhexe Sheekh Ali Ikhwaan Daami Hargaysa JSL

Marka laga hadlayo in la hagaajiyo ama la toosiyo hab dhaqanka caruurta waxa lagama maarmaan ah in la maro habab ama dariiqooyinka lagu gaadhi karo sidii caruurtu u noqon lahayd qaar akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba u dhisan. Hadaba si aad u gaadho guulo kamid ah tarbiyaynta caruurta waxa aad fulisaa qodobadan hoos ku qoran.

1. ilaa uu ilmahaagu 10-jirsanayo haku halayn in uu kaligii cadaydo, markuu cadaydona ka jeegaree oo ka eeg sida uu u cadayday.

2. markasta oo musqusha galo xasuusi in uu faraha si fiican usoo maydho

3. bar qaabka wax loogu cuno malgacada, farageeto iyo mindida sabata oo ah marka uu raaco iskuukla ee ay meelaha kale kasoo qadaynayaan yuuna u eekaan mid waalidkii gabay oo aan aqoon waxa ay qayrkii yaqaanaan, taasina waxay ku ridaa kalsooni daro iyo in hoos loo eego ilmaha.

4. bar ilmahaaga in uu noqdo mid doodi kara oo wixii xaqiisa ah sheegan kara marka uu joogo iskuulka.

5. ilmahaagu marka uu gaadho 10 jir ama uu dhaafo ka jooji maydhista ama aduu ha u maydhin , hase iloobin in aad ka warhayso nadaafada jidhkiisa.

6. bar ilmahaagu in aanu noqon ilmo bilaa xuduuda oo wax kasta oo uu dalbado aan helin. Ilamahaaga oo aad ku rabayso in aanu wax kasta nolosha helini waxay ka badbaadisaa mustaqbalka markuu waynaado mushkilado badan oo soo waajahi lahaa.

7. bar ilmahaaga sida wax loo kaydsado oo usamee meel uu ku urursado lacagta soo gasha bishii qaar kamida. Tusaale: u iibi khasnad yar oo uu ku uruursado lacagta kadibna bar sidii uu u kala kaydsan lahaa lacagta soo gasha, kadibna uu ugu iibsan lahaa waxa uu xiiseeyo.

8. bar ilmahaagu in uu ka fikiro dadka baahan muslimiin iyo guud ahaanba. Suuqa markaad tagtaan u dhiib lacagyar oo uu siiyo dadka baahan si ay dabeecad ugu noqoto mustaqbalka.

9. ka ilaali oo aad uga fogee ilmahaagu in aanu noqon mid naftiisa oo kaliya ku fikira kana ilaali in uu ku sifoobo calooshii u shaqayste.

10. ku dadaal oo aad u

15/05/2024

:Taariikhdu waa shay dunida laga tixraacaaye
:tagto iyo middii taagan iyo tan nagu so foo leh
:sedexdaba dadbaa tabiya oo laga tibaax daaye
:aqoon yahanku waa tiirka aan tahan ku gaarnaaaye
:tacliin hadii aanay jirin tacadi sow mahan
:tegnaaloojiyaadka aragtay oo lagu taxaa shaayo
:telefoodnka iyo tararkiyo waliba tifiiga
: waxa aalad lagu taba bartoo nolasha taabaya
:aqoonyahan tijaabiyey ayaa tiigsadoo helaye
:tacliin hadii aanay jirin tacadi sow mahan
:tafsiirka iyo qur.aan iyo axaadiista toobad lagu raadsho
:taajkiyo riyaadkiyo kitaabka diinta. Nagu toosin
:tiirkii islaamkiyo sharciga nalaku tageeray
:aqoonyahan soo tijaabiyaybaa taabay oo wadaye
:tacliin hadii aanay jirin tacadi sow mahan

Happy Independence Day 18May 2024 Sanadka Sandkiisa Bash-bash iyo barwaaqo Eebe Haynagu gaadhsiiyo Dugsiga Hoose Dhexe S...
15/05/2024

Happy Independence Day 18May 2024 Sanadka Sandkiisa Bash-bash iyo barwaaqo Eebe Haynagu gaadhsiiyo

Dugsiga Hoose Dhexe Sheekh Cali Ikhwaan Daami Waxaa Uu hambalyo bogaadin udirayaa dhamaan shacab waynaha Somaliland Maalinta qaran awgeed Hambalyo Hambalyo

Aqoon la,aan waa iftiin la,aan
11/05/2024

Aqoon la,aan waa iftiin la,aan

18/02/2024

Qaliinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto ,
Saaxiib kal furan weeye
Suntan fara ku hayntiisa
Waligaa ha sii dayn

Dugsiga hoose dhexe iyo barbaarinta  ee cali Akhawaan (Daami) waxa maalmahanba ka socday tartan dugsiga dhexediisa tarta...
20/12/2023

Dugsiga hoose dhexe iyo barbaarinta ee cali Akhawaan (Daami) waxa maalmahanba ka socday tartan dugsiga dhexediisa tartankan oo ujeedkiisu yahay sidi ardayda kar loogu qaadi lahaa heerkooda aqooneed ayaa waxa ka soo qaybgalay qaar kamid ah culumada iyo aqoonyahanka dalka isagoo ku soo dhammada jawi xasiloon oo farxadeed

Hambalyo  hambalyo waxa aan u hambayaynayaa dhammaan ardayda somaliland  oo maanta  oo ay taariikhdu tahay 14/09/2023 lo...
14/09/2023

Hambalyo hambalyo waxa aan u hambayaynayaa dhammaan ardayda somaliland oo maanta oo ay taariikhdu tahay 14/09/2023 loo soo dhajiyay imtaxaankii shahaadiga ahaa
Sidoo kale waxa aan hambalyo khaasa u dirayaa ardayda dugsiga hoose dhexe Ee Cali Akhawaan ( ex Daami) oo natiijo ficaan ka soo hooyay imtaxaan
Waxa aan idin leeyahay guulaysta abidin abidkiin guul iyo gobanimo

Maamule saxardiid cumar Allah ha barakeeye waa maamule ku suntan wax qabad iyo horumar Saxardiid waa maamule ku sifaysan...
08/06/2023

Maamule saxardiid cumar Allah ha barakeeye waa maamule ku suntan wax qabad iyo horumar
Saxardiid waa maamule ku sifaysan alle ka cabsi, daacad, dulqaad iyo Deganaan
Saxardiid waa maamule xaruur ah oo qalbi wanaagsan oo la Dareen ah danyarta Allah ha ilaaliyo oo ha xafido

Fasalka kowaad dugsiga hoose dhexe daami
16/03/2023

Fasalka kowaad dugsiga hoose dhexe daami

Address

Hargeisa
DAAMI

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daami primary And Kg School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share