20/12/2023
Dhammaan macalimiinta iyo ardayda dugsiga umul khayr online
ku hadlaaya afka maamulka dugsiga umul khayr online waxaan halkan hampalyo uga dirayaa dhammaan macalimiinta iyo ardayda dugsiga kuwii dhameeyey iyo kuwa hada dhigtaba
waxaanan ugu hampalyeynayaa sanad guuradii 4raad ee kasoo wareegtay asaaska dugsiga umul khayr online kuna beegnayd sanadkii _20/12/2019taas oo uu maanta oo ay bishu tahay 20/12/2023_
4taa sanadood Waxaa noo hirgalay hami iyo hiigsi dheer oo aanu lahayn waxaanuna gaadhnay guulo waa wayn oon aanu ku hormarinayno wax qabadka dugsiga iyo waxyaabaha uu dugsigu bulshadeena uqabto sida:
1: waxaanu aad u hormarinay nidaamka uu dugsigu ku shaqeeyo sida shuruucda ardayda, shuruucda macalimiinta iyo wakhtiyada wax la dhigaayaba oo markii h**e groupyo wax lagu dhigayey hadana qofkastaaleba waxaanu usamaynay wakhti gaaraa.
2: waxaanu kor uqaadnay aqoonta macalimiinta casharada bixiya oo aanu siinay tababaro ku saabsan habka ugu fudud ee ay ardayda casharada ugu gudbinkaraan.
3: waxaanu kor uqaadnay ama aanu wax badan ka badalnay manhajka dugsiga oo markii h**e la mid ahaa manaahijta dugsiyada onlineka ahi ku shaqeeyaan sida xifdiga qur,aanka, carabiga iyo higaada oo aanu aad usoo koobnay mudada ay soconayaan.
4: waxaanu horumarinay qaabka imtixaanaadka loo qaadayo iyo qaabka shahaadooyinka loobixinaayo.
5: waxaanu mudadaa soosaarnay ama ka qalin jabiyey dugsiga arday aad ubadan oo daafaha dunida jooga kuwaasoo aqoon ahaan aad udhisan.
qodobadaa aan sheegay iyo kuwo kale oo badanba waxay ka mid yihiin waxyaabihii noo hirgalay 4taa sano
sanadkan iyo sanadada soosocdana waxaanu ku rajawaynahay anagoo maanka ku hayna baahida bulshadeenu u qabto habkan casriga ah ee tiknoolajiyada inaanu sii hormarino wax qabadka dugsiga.
Waxaanan leeyahay mar labaad iyo marsadexaadba hampalyo hampalyo sanadkan sanadkiisa alleh ha gaadhsiiyo
Bilahi tawfiiq.