09/03/2022
Kawniin SAEED
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Kawniin SAEED, Education, Hargeisa.
(Education is my priority)
The principal goal of education in the schools should be creating men and women who are capable of doing new things, not simply repeating what other generations have done.”
—Jean Piaget
09/03/2022
Xogta tirada musharraxiinta Golayaasha Deegaanka ee la soo celiyay, tirada ansaxday iyo Xisbiga WADDANI oo hoggaaminaya Degmooyinka Darajada (A):
Jamhuuriyadda Somaliland waxa laga codaynayaa 20 Degmo doorasho dalka oo dhan, waxa ay ahayd in ay sharraxan xisbi kasta 220 Xildhibaan oo ka tartamayaa degmooyinka derajada A oo 95 kursi derajada B oo ah 55 kursi iyo derajada C oo ah 70 kursi.
Tirada saddexda Xisbi u sharraxan doorashada 31 May 2021 waxay kala yihiin:
UCID 147 oo u dhiganta 67%
KULMIYE 190 oo u dhiganta 86%
WADDANI 184 oo u dhignta 83%
Saddexda Xisbi qaran musharraxiinta ku baaqatay.
Guud ahaan saddexda Xisbi qaran waxa ku baaqday 139 musharrax oo ay bannaan tahay liiskooda musharraxnimo wadarta kuraasta bannaani waxay u dhigantaa 21% wadarta msushrraxiinta tartamayaa dalkuna waxay u dhigantaa 79%
UCID 73 Kursi
KULMIYE 30 Kursi
WADDNI 36 Kursi
Tirada guud ee Degmooyinka Derajada A
Guud ahaan Somaliland tirada guud ee degmooyinka darajada A waa 7 Degmo doorasho waxaana ka tartamaaya 95 musharrax xisbi kasta.
Tirada Xildhibaanada Degmooyinka Derjasa A waa 95 xildhibaan, Xisbiga keliya oo buuxiyey waa Xisbiga WADDANI.
Tirada musharraxinta laga diiday saddexda xisbi qaran wadar ahaan waa
UCID 6% Ceerigaabo 4 masharrax Boorama 2 musharrax
KULMIYE 4% waxa lagu soo celiyay Berbera 2 musharrax Ceerigaabo 1 musharrax Boorama 1 musharrax.
WADDANI 0% dhammaan waa la ansixiyay 95 musharrax.
Dhammaan kuraasta bannan lama soo buxinaayo waxaana lagu geleyaa doorashada tiradaa.
Xisbi ahaan waxa sharaf noo ah in aan nalaga diidin oo aan nalagu soo celin musharraxiintii Degmooyinka A-da ah oo tiradoodu dhantahay 95, waxaanan rajaynayaa in aanu hoggaamin doono wadarta guud ee musharraxiinta guulaysta, waxa mahadnaq mudan guud ahaan guddiyadii, maamulka iyo masuuliyiinta ka shaqeeyay suuragalnimada guushaa.
Waxaa qorey, Maxamed Siddiiq Dhamme.
Xog. Arr. Bulshada Xisbiga Waddani
《Quudiyaha Qarsoon ee قلبي اطمأن》
Barnaamjka 1-aad ee loogu xiisaha iyo xulashada badan yahay Aduunka oo dhan xaga daawashada ayaa noqday midka la yidhaahdo قلبي اطمأن oo uu soo-saare ka yahay Qof aan illaa hada la aqoonsan wajigiisa iyo magaciisa dhabta ah toona , barnaamijkan oo ah mid samafal , Isla markaana lagu caawiyo Dadka baahan ee ku nool dacallada dunida , gaar ahaana Carabaha iyo Afrika ayaa ka kooban sodon xal-qadood oo lagu sar-gooyay maalmaha bisha Ramadaan si loogu daawado maalin kasta qaab taxane ah oo lagu soo ban dhigo xaalad cusub oo Banii-aadam nimo oo Qof lagu caawinayo , iyadoo halkii xalqo ba ay socoto ugu badnaan 8 -15 daqiiqo ,
Barnaamijkan oo lagu qiyaaso Dadka ku taxan in ka badan hal milyan oo Qof Isla markaana laga tabiyo inta badan Tv-yada ugu caansan dhanka wadamada Carabta iyo barta YouTube ka uu ku leeyahay curiyaha barnaamijku ayaa lagu tilmaamaa wax yaabaha xiisaha gaarka ah uyeelay inay ka mid tahay hab gudashada xirfadeed ee barnaamijka oo aad utayo saraysa iyo shakhsiyada iska leh Hal-abuurka mashruucan oo ah nin Qarsoon laguna jaah-wareeray dhab ahaan Qofka uu yahay iyo xittaa magaciisa oo dhamys tiran , taasoo muran badan oo xiiso leh ka abuurtay Baraha Bulshadu kuwada xidhiidho ,
Barnaamijkan kasoo maaxday ninkan dhalin yarda ah ee Hii-rooga noqday oo la bilaabay markii ugu horaysay 13 May 2018-ka taasoo ka dhigaysa inuu hada sadex sano jirsaday ayaa lagu qiyaasaa lacagta la bixiyo xilliga uu socdo Toban milyan oo doolar , taasoo sida muuqata aan lagu raadinayn caan-nimo iyo igu sawir toona , laakiin mudnaanta la siiyo farxad-galinta Quluubta baahan ee bukta iyo agoomaha , Hal-doorkan khayrka jecel ee sida kutala gal ah isu qariya ayaa isugu yeedha magaca ah "غيث" oo ka turjumaya hawsha samafal ee uu hayo , isagoo taa badal keedana sheega Dalka uu udhalashay oo ah wadanka imaaraatka carabta , taas oo keentay in laysku ladho magaca uu sheegtay iyo jinsiyada dalkiisa kadib na loogu yeedho غيث الإماراتى ,
Arinta sida gaarka ah aan uga helay ee iisoo jiidatay ayaa ah in sanadkan 2020-ka غيث الإماراتى uu joogay Magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland , taasoo uu ka duubay Xalqadii 4-aad ee barnaamijka Haweenay Qaxoonti ah oo u dhalatay Dalka Yaman oo guriga ay dagan tahay hortiisa caruurta kaga iibiysa nusa-saacaha si ay uga samayso nolol ,Gabadhan iyo غيث الإماراتى oo ay dhex martay sheeko cajiib ahi ayuu isugu sheegay markii h**e inuu yahay nin tabarucaad uguraya dad baahan sidaa darteed hadii ay wuxuun awoodo inay kusoo darsato kaalada , gabadha oo hayd Qof qalbi wacan ayaa kiish yar gacanta galisay kana soo saartay toban kun oo Sh.SL ah oo udhiganta $1.5 doolar , taasoo ah kala badh wixii maalintaas ay soo shaqaysay , laakiinse nasiib wanaag waxaa ka danbeeyay badhaadhe iyo bah-jad uu kadis uga dhigay oo ay la ilmaysay sidii barnaamijka caada u ahayd iyo boqol kun oo doolar oo uu kumaal galiyay , eeg link gan https://www.facebook.com/105283687783112/posts/136418238002990/
Daadihiyaha barnaamijkan قلبي اطمأن ee غيث الإماراتى oo utafaxaytay sidii uu Farxad ugu abuuri lahaa nolosha Dad badan oo baahiyi hayso Isla markaana uu daba socday sheekadooda ayaa caan ku ah Shandad yaroo uu dhabarka ku qaato loona yaqaano حقيبة السعادة iyo sidoo kale adeegsiga erayo Naxariis iyo Naruuro ay ku jirto oo ay ka mid tahay "الناس للناس والدنيا ما زالت بخير" iyo waliba inuu yidhaahdo markastoo uu barnaamijka bilaabayo بسم الله ، نبدأ سعادة جديدة taasoo keentay markstoo barnaamijku uu dhamaado fal-celinta ah illin iyo oohin ay ku ladhan tahay farxad iyo naxdin wada socoda oo ka dhaxaysa daawadaha iyo Deeq qaataha labadaba , taasoo keentay codsiga iyo fariimaha ugu badan ee Bulshadu inay noqdaan barnaamijku hasii ahaado mid Qarsoon oo yaanu marnaba isu muujin غيث الإماراتى Bulshada .
W/Q Sharmaarke Wacays
23/01/2020
Importance of Curriculum development.
Curriculum development plays a vital role in improving the economy of a country. It also provides answers or solutions to the world’s pressing conditions and problems, such as environment, politics, socio-economics, and other issues of poverty, climate change, and sustainable development.
Types of Curriculum Design
There are three basic types of curriculum design:
• Subject-centered design
• Learner-centered design
• Problem-centered design
Pagekani waa page cusub oo aan u sameeyay inaan kula wadaago asaxaabta iyo cid kasta oo jecel horumarka waxbarashada dalka jamhuuriyada soomaaliland si aan ugu falanqeyno waxbarashada dalka iyo sidii loo hurumarin lahaa, si ubadkeenu ay u helaan mustaqbalka waxbarasho oo tayo leh.
Ee sharegareeya pageka asaxaabay.
Sida aynu lawadda socono dhammaan ardaydda ka baxda duggsiyada sare, ee soomaaliland waxa ay gallaan (isdiwaanggaliyaan) jaammacadaha kalla duwan ee dallka ka jirra oo ay kalla- doortaan kulliyaddaha kalladuwan ee ay jaamacadduhu bixiyaan. Waxa arrin cajiiba ah in ay tiro yar ay isdiwaanggaliso/isdiwaanggaliyaan, ama aannay ciddiba isdiwaanggalin kuulliyadda laggu barrto xirrfaddaha macallinimada ama waxbarrashada( Education).
Marka loo eeggo kuulliyaddaha kale ee dhigoodda ah.
Dhanka kale, marka lasoo dhameeyo ama lagga soo qallin-qorto jaamacaddaha ee qofwaliba soo dhameeyo haddafkii uu lahaa, waxa uu bilaabbaa shaqo raaddis, si uu ugga midho dhalliyo cillmigii uu barrtay. Sidaa darrteed shaqadda uggu horraysa ee ardaydda baddankoodu ka shaqeeyaan ama qabtaan, waa innay macallimiin ka noqddaan duggsiyada gaarka loo leeyaahay iyo kuwa dawladdu maamusho labaddaba inkasta oo ay koobbantahay dhallinyaradda ka shaqo billowda duggsiyada dawladdu maamusho.
Si kastabba ha ahaatee, waa maxay sabbabta marka horrana loo barran-laayahay xirrfaddaha macallinimada ama waxbarrashada( Education). Marka danbbana u noqonnayso isha qudha ee lagga shaqeeyo ama loo shaqo taggo.
Fikirkaaggu waa muhiim.
Kawniin saeed
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Hargeisa