30/10/2025
CASHARKA KOWAAD.
Dacwadaha Geedka waxa loo qaybin jiray :-
(Geedku waa Maxkamadii Dhaqanka)
Labo Qaybood ayaa u waa weynaa
DHUR Iyo DHAQAN
DHUR : Waa Dacwadaha Dhiiga ee hada loo yaqaano (Dacwadaha Ciqaabta).
DHIIGA waxa loo kala qaybiyaa labo QUDH Iyo QOON.
Qudh: Waa dilka qof uu dilo qof kale si badheedha ama si camdiya oo aan kas ahayn oo mid kasta si gaara loo galo dacwadiisa xukunadooduna kaladuwanaayeen.
Qoon: Waa waa dhaawacyada soo gaadha banii aadamka mid yar iyo mid weyn labada kay doontaba ha noqoto ee magdhaw ka dhalanayo iyo ciqaab xadhig ama ganaax ahi.
DHAQAN :
Casharka 2 labaad ayaynu ku qaadanaynaa, insha allaah.
14/07/2024
CIIDANKA DAB-DEMISKA IYO SAMATABIXINTU
Xiliyada ay hawlgalka shaqo ku jiraan.
1. Wadada gabi ahaanteedba ama qayb ka mida wey goyn karaan iyaga oo aan ciidanka kale ee nabadgalyada kaashan , waxay ku jari karaan calaamado ama gawaadhidooda waxa ay joojinayaan gaadiidka dad weynaha iyo kuwa dawladaba.
2. Waxa ay jari karaan xadhkaha laydhka iyaga oo aan wax ogolaansho ah ka helin mulkiilayaasha xadhkaha dabka leh.
3. Waxay gali karaan dhismayaasha iyaga oo aan amar ka helin cida leh si ay u samato bixiyaan wixii naf iyo maal ku dhex jira.
4 Waxa ay isticmaalayaa Booyadaha Biyaha ee Shacabka iyo kuwa Dawladaba iyaga oo aan wax magdhawa ka bixinayayn marka culayska hawshu ka lifto.
Qodobka 11 aad faqradihiisa 1, 2, 3, 4, 6 aad ee XEER LR.106/2023 .
11/07/2024
SCW SCW SCW SCW
Ku sali Nabi muxamed aad 10 darajo u hesho illaahayna magacaaga kor ugu qaado.
05/12/2023
KIISKAN SIDEED U XALIN LAHAYD ?
Maalin maalmaha ka mida waxa ii yimi afar dhalinyaro ah oo ka mida dhalin yarada ku kortay mid ka mida xeryaha agoomaha (Orphaned) oo labo ka mida wakhti h**e oo ay xidhnaayeen aan u qareemay oo aan soo daayay, waxa ay dhalin yaradii ii sheegeen in inan ka mida dhalinyaradii ay xeryahaa ku soo wada koreen ku xidhan tahay saldhig ka mida saldhigyada Hargaysa oo ay iga codsanayaan shabeel ahaan inaan ka caawiyo soo deynteeda , hada ogow oo dhalinyaradaa ku korta xeryaha agoomaha ee bilaa hooyada iyo bilaa aabaha ahi iyagaa isku ehel ah oo way isu xidhanyihiin oo waxa ay isu buuxiyaan kaalintii waalidka, walaalka, ehelka , qabiilka iyo dhan kasta oo nololeed way iska tiirsanyihiin iskagana war hayaan siday isugu xidhanyihiin isuna caawiyaan malayn maysid mucjisoojinka aan ku arkay halkan kuma soo koobi karo .
Wada hadal iyo wada sheekaysi dheer oo maalintaa na dhex maray dhalinyaradaa kadib maadama oo maalintaa hawshu igu badnad oo jaaniskaygu cidhiidhi ahaa waxaanu balanay maalintii ku xigtay inay ii yimaadaan 8:00am subaxnimo si aanu isu raacno uguna tagno saldhiga ay ku xidhantahay inanta ay u socdaan, sidii balantayadu ahayd way ii yimaadeen subaxii xigay isala saacadii balantayadu ahayd deeto waanu is raacnay dhamaantayo waxaanu wada tagnay saldhigii ay inantu ku xidhnayd waxaan h**e ka galay shaqadaydii ay martida iiga ahaayeen ee aqoontayda ahayd waxaanan waraystay inantii xidhnayd oo magaceeda la yidhaa Nimco waxa ay iiga jawaabtay su’aalihii aan weydiiyay oo ay ka mid ahayd wixii lagu soo xidhay , waxa kale oo aan waraystay baadhihii saldhiga booliska oo isna si wanaagsan iigaga jawaabay wixii aan weydiiyay oo ay ka mid ahayd maxay Nimco samaysay ee lagu soo xidhay ?
Waxa kale oo aan u tagay garsoorihii maxkamada ee soo rumaan gareeyay (xadhigeeda soo xalaaleeyay) oo aan ka waraystay inantaa kiiskeeda iyo warbixintii laga siiyay markii la hor keenay oo isna si fiican iga xog siiyay.
Waxa kale oo aan waraystay intaan ku jiray baadhitaanka kiiskan dhalin yaradii ii timi maalintii kowaad iyo qaar ku soo kordhay oo isla kooxdan uun ah oo aanu kiiskan ka wada shaqaynaynay waxaan wax ka weydiiyay siday wax uga jiraan kiiskan la ii sheegay ee intaas oo masuul sida isku midkaa iigu sheegtay ? waxa ay iyaguna iigu warameen si la mida sidii h**e la iigu waramay oo waxa ay ii xaqiijiyeen jiritaanka warkan .
Waa kan hadaba sida ay wax u dhaceen :-
Inanta xidhan ee Nimco waxa ay iskuul ka mida iskuulada sare ee ku yaalada magaalada Hargaysa wada dhiganayeen inan la yidhaa Khadra oo ay saaxib ahaayeen oo ay had iyo jeer ay is raaci jireen xataa goobaha nusasaacaha.
Nimco waxa ay xidhiidh wada sheekaysi iyo jacayl qotadiisu aad u fogaatay dhex martay oo ay wada yeesheen inan la yidhaa Khaalid oo ka mida ardaydii iskuulka la dhiganaysay waxaanay wada socdeen mudo dheer waxaanay ku balameen in marka ay dhameeyaan iskuulkan ay is guursadaan inta ka horaysana ay jacaylkooda sidaa ku sii barbaariyaan.
Waxa dhacday maalin maalmaha ka mida waxa jaanis isu helay khaalid iyo inantii ay saaxibka ahaayeen Nimco ee Khadra, waxaana dhex martay sheekadan.
Khadra : waxa ay weydiisay khaalid miyaad garanaysaa cida ay tahay inantan Nimco ?
Khalid: ayaa ugu jawaabay ma qoladeeda ayaad u jeedaa ?
Khadra : Haa.
Khalid: Maya.
Khadra: ayaa ku tidhi waa ciyaal Odhfano (Orphaned) ciyaalka ku soo koray xerada agoomaha ee bilaa walidkaa ee aan hooyo iyo aabaha midna la ahayn.
Khalid : !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Khaalid markii uu xogtaa helay aad ayuu u naxay mudo kabacdi waxa uu isku dayay inuu soo gaabiyo xidhiidhkii uu la lahaa Nimco dibna uu uga gurto , su’aalo badan oo ay weydiisay Nimco waxa ku dhacay Khaalid iyo waxa sababay isbedelkan ku soo kordhay iyo baadhitaan badan oo ay samaysay Nimco waxa ay soo ogaatay in ay isku dirtay saaxibadeed oo ay xogaheedaasna bixisay, waxay Nimco qaadatay go’aan degdega waxa ay iskaga baxday iskuulkii waxaanay go’aansatay inay weerar ku qaado saaxibadeed Khadra oo ay gacanteeda ku aar goosato sidaas waxa ku dhex maray dagaal ay nabaro fudud ugu gaysatay saaxibadeed Khadra sidaana lagu xidhay mar h**e kiiskaa isaga waa la xaliyay waana la dhameeyay waana la heshiisiiyay waana la sii daayay , ha yeeshee Nimco qalbigii jabay wali wuu gubanayaa heshiiskaas h**e iyo nabadaa h**e ee la xidhay uma cuntamin, iyada oo go’aankeedii h**e wali ku taagan waxay maalmo badan isku dayday inay dhexda u gasho oo ay nafta weysiiso khadra iyadana ha loo dilo oo sidaa ha isku raacan oo warwerkaniba sidaa ha kaga hadhee ayay Nimco go’aan adag ku gaadhay.
Arintii oo cid kastaa ogatay waxa saldhiga u soo ashkato tagay waalidkii dhalay khadra oo saldhiga u sheegay in inantoodii amaan ahaan u tagi kari weyday iskuulkii oo inantaas looga tag la yahay oo xaalkoodu gaadhsiisanyahay inay nafta iska gooyaan .
Sidaas ayaanu ku soo xidhay Nimco ciidanka amaanku oo ay ugu xidhantahay saldhiga.
Waxa aynu ku jirnay sii dayntii iyo furdaamintii Nimco e dhamaan bahdii amniga iyo sharciga ee aan la kulmay waxa ay ii sheegeen in ay u xidhantahay arintaas amni oo ay iyadana u sheegeen inay keensato ama ay la hadasho waalidkeed si uu u damaanad qaado inay amaan bixinayso iyadana ay sii daynayaan ee garyaqaan shabeelaw waanu sii daynaynaaye hadaad af garanayso waalid keed ha keento anaga way na diiday waanay noo sheegi weyday nambaradii waalidkeede .
Waxaan u sheegay madaxdii amniga iyo garsoorkaba oo aan la wadaagay in aanay inantani Nimco lahayn wax waalid ah iyo ehel toona ee qaranku u yahay aabo iyo hooyaba iyo ehelba oo ay ka mid tahay dhalinyarada ku kortay xeryaha agoomaha !!!!!!!!!!!!!!!!
1. Qaranku ma laha haayad iyo xafiis dadkaa ka masuula oo damaanad qaadaya bixinta wixii ay gaystaan sidoo kalana u raadinaya wixii loo gaysto .
2. Nimco ma laha waalid hooyo iyo aabo damaanadaa qaadaya oo aanu ugu qorno ama ugu yeedhno si loo sii daayo ?
3. Nimco ma laha caaqil iyo suldaan arintaa damaanad qaadaya ?
4. Nimco waxa ay kugula nooshahay magaaladaada waxaanay ka tirsantahay bulshadaada oo u qaabaysan qaab qabiil oo aanay cid ku lahayn ee yaa damaanadaa ka dhigaya ?
Sideed u xalin lahayd kiiskaas si ay Nimco xoriyadeeda u hesho ? Khadrina amni u hesho ?
02/02/2023
QAYBTII LABAAD ( 2aad).
ISBADELKA KU DHACAY XEERARKA SOMAALILAND 1991 - 2022.
5. Xeerka ka hortagaa Xaalufka iyo Nabaadguurka
Xeer Lr.04/1998.
> Wax-kabedelkii kowaad waxa lagu sameeyay 2003 dii.
Fg: Magaca xeerka , Nambarkiisa iyo Sanadku toona isma bedelin.
6. Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Qaranka,
Xeer Lr. 14/2000.
> Waxa wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyay sanadkii 2011.
Xeer Lr.14/2011.
7. Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka ,
Xeer Lr.17/2001
> Waxa wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyay qodobo kooban sanadkii 2008 dii.
8. Xeerka Gudida Mihnad layaasha Caafimaadka
Xeer Lr.19/2001
> Waxa wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyay sanadkii 2012 kii .
La soco qaybta Sadexaad.
16/01/2023
QAYBTII KOWAAD.
ISBEDELKA KU DHACAY XEERARKA SOMALILAND 1991 - 2022.
Ujeedada aan xogtan iyo daraasadan idiinla wadaagaya waa :-
1. In bulshadu guud ahaan gaar ahaan sharciyaqaanada kala duwan ee ka soo baxaya jaamacadaha sharciga ee kala duwani inay ku baraarugsanaadan isbedelada ku dhacay xeerarka dalka mudadaa 32 sano ah 1991-2023 maadama aanay jirin meel kale oo lagu uruuriyay xogtan oo ay u gu hagaagan.
2. Maadama dhalin yaro badan loo qaatay laamaha kala duwan ee qaranka SL, ee sida joogtada ah ama maalinlaha ah ugu shaqeeya sharciga iyo xeerarka dalka sida garsoorka, xeerilaalinta iyo baadhayaasha Booliska (Police) i.w.m, si ay uga tigtoonadaan in aan qofna loogu xukumin oo aan loogu ciqaabin ama aan lagu soo eedayn ama aan culays maaliyadeed oo aan dhaqangal ahayn loo saarin oo ay sheegayeen qodobo sharci oo la badelay ama laga guuray/tirtiray/nasakhay.
3. In uu qof kastaa raadsado xeerka cusub ama wax-ka-bedelka cusub.
XEERARKA:-
1.Xeerka Kaluumaysiga
Xeer Lr.24/1995
> Waxa wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyay sanadkii 2018 kii
Xeerka Kaluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 .
Fg: Sumad nambarkiisa iyo sanadkuba way isbedeleen.
2.Xeerka Xakamaynta Hubka iyo Rasaasta Dalka ,
Xeer Lr. 70/1995.
> Waxa wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyay sanadkii 2010.
Xeerka Xakamaynta Hubka Fudud , Xeer Lr. 32/2010.
Fg: Magac iyo Nambarkiisuba way is bedaleen.
3.Xeerka Shaqaalah Dawlada ,
Xeer Lr.7/1996
> Waxa wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyay sanadkii 2022. Xeerka Shaqaalaha Dawlada Xeer Lr.97/2022.
Fg:Nambarka(Sumadiisa) iyo sanadkuba way isbedelay.
4.Xeerka Haayada Hanti dhawrka Guud ee Qaranka,
Xeer Lr. 05/98.
> Waxa wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyay sanadkii 2016 kii,
Xeer Lr. O5/98.
Fg: Magaca, Nambarka iyo sanadku toona isma bedelin.
La soco qaybta labaad.
28/12/2022
Somaaliland waxay baahi weyn u qabtaa inay yeelato xeerkii tilmaamayay ee jaangoynayay hanaanka loo qorayo Qabyo qoraalka xeerarka (procedure of drafting law) iyo wax-kabedelka xeerarka (Amendment Laws) ee golayaasha sharci dajinta loo soo gudbinayo sida loo qorayo iyo shuruudaha laga rabo.
Xeerkan oo ka jawaabilahaa su’aalahan?
1. Waa maxay shuruudaha waajibkaa ee ay tahay in laga helo ama uu u qornaado Qoraalka Xeerarka Qabyo-qoraalka ah ee golayaasha sharci dajinta loo soo gudbinayaa ee cusub/ la curiyay ?
sida in uu lahaado oo ay ku cadyihiin.
a) Jaantuska xeerka oo leh cutubyada, qaybaha iyo qodobada uu xeerku ka koobanyahay.
b) Eray bixinta xeerka
c) Magaca xeerka oo ku xusan qodobka kowaad ee xeerka.
d) Ujeedada Xeerka oo ku xusan Qodobka labaad ee xeerka.
e) I.W.M.
2. Xilimaa sumada/nambarka xeerka la siinayaa ?
a) Ma marka u horaysa ee golaweynaha wakiilada loo soo gudbinayo ?
b) Mise marka labada goleba ansixiyaan ee Madaxweynaha loo gudbinayo ?
c) Xafiiskee u xilsaaran sumad siinta xeerarka ?
3. Xilimaa u horaysa ee xeer la ansixiyay oo dhaqan-gal noqday wax-ka-bedelkiisa la soo jeedinkaraa ee golayaasha sharci dejinta dib loogu soo celin karaa? ma marka uu sanad ka soo wareego xiligii dhaqangalkiisa mise marka labo sano ama kabadan ka soo wareegaan ?
4. Wax-ka-bedelka lagu sameeyo qodob ama qodobo xeer dhaqan gal ah, wax –ka-bedelkaa cusub ma lifaaq ayaa looga dhigayaa xeerkaa h**e si loo arko siday u qornaayeen qodobadii h**e iyo sida ay u qoranyihiin qodobada cusub ee lagubedelay loo dhigayba ?
b) Mise qodobadaa h**e ayaa laga saarayaa oo kuwa cusub ayaa lagu dhex gurayaa xeerka oo lagu bedelayaa halkii qodobadii h**e kaga qornaayeen xeerka oo xeerka dhexdiisa ayaa lagu dhex qorayaa oo sida mika qaar dhacda xeerkaba wax-ka-bedel ayaa lagu sheegayaa ?
5. Xilimaa xeer h**e oo jiray gabi ahaantiiba meesha laga saari karaa oo xeer kale lagu nasakhi karaa ?
a) Ma marka sadex meeloodow meel qodobadii uu ka koobnaa asalkiisu wax-ka-bedel iyo kaabisi ku dhaceen ?
b) mise meeshaba lagama saari karo ee xeer mar la curiyay oo sumad iyo nabar yeeshay oo dhaqangal noqday kaliya waxa furan uun in wax-ka-bedel iyo kaabis uun lagu samayn karo kolba wixii horumarin iyo sixid u baahda xeerkaasi oo sumadiisaa iyo nabarkiisaasi wuu jirayaan waligii si aanay meesha uga bixin taariikhda xeerkaasi xeerkalana laguma baabiin karo?
6. Hadii khilaaf sharci oo ku saabsan labo qodob oo ku kala jira laba xeer oo dhaqangal ah oo labadaba sharci dajintu soo wada saartay yimaado keebaa asala oo la qaadanayaa ma labada xeer ka danbeeyay mise ka h**eeyay ?
7. Xiliyada kala guurkaa ee doorashada laba gole xeerarka ku jira jidkii ansixinta muxuu awood ku leeyahay golaha cusubi hadii uu xeerku kaga soo noqdo :-
a) Golaha Guurtida ?
b) Haduu kaga soo noqdo fulinta Madaxweynaha ?
8. Xiliga kala guurka ee u dhaxaysa laba gole kii h**e iyo ka cusub ee la doortay inta uu shaqadiisa si buuxda ula wareegayo xeerarka ka soo noqonaya golayaasha kale maadama wakhti ku xidhanyahay celinta xeerarka ku jira jidkii ansixinta xafiiskee lagu soo hagaajinayaa ee sii qabanaya inta golaha cusubi imanayo si uu shaqadiisa dastuurigaa uga guto ?
a) Ma Xafiiska Xog-hayaha Guud ee Golaha ?
b) Mise Xafiiska Shirgudoonkii h**e Gudoomiyaha ?
Kuwan iyo qaar kale oo ka badanba wuu ka jawaabi lahaa laguna xalin lahaa hadiil la sameeyo xeerkan si looga badbaado murano soo socda sidoo kalana aanay inoogu soo noqon qaar ina soo marayna.
24/12/2022
Hargeysa SL-P Sabti 24 December 2022 Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha Wakiilladda JSL ahna kusimaha Gudoomiyaha Md Siciid Mire Faarax (Giire) ayaa guddi gaar ah u magacaabay Wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo Xeerarka kala ah
1) Xeerka ciqaabta guud
2) Xeerka habka ciqaabta
Xeerarkan oo muddo dheer Dalka jSL lagaga dhaqmayay ahaana xeerarkii 1960kii la abuuray markii labada dawladood ee Somaliland iyo Somalia isku biireen
Qoraalka gudiddan gaarka ah lagu magacaabayna waa kan ku lifaaqan
Xigasho page ka Golaha Wakiilada Somaaliland.
04/12/2022
Qaybtii 2aad :-
Ee Islamic Bank.
WAA MAXAY RIBO/INTEREST ?
Ereygan INTEREST waxa taariikhiyan dib loo soo nooleeyay oo uu soo shaac baxay qarnigii todoba iyo tobanaad (17 century) ee taariikhda miilaadiga oo nidaamkan Baananku ( Banking System) ku uu hana qaaday oo uu noqday heer caalami ah oo dhaqaalihii dunida ee maaliyadeed ee shacab iyo dawladuba uu u baahday cid qabata adeega lacagaha isaga gudbaya xuduudaha iyo wadamada iyo qaaradaha ee ay keeneen baahiyaha ka dhex-dhashay umadaha dunida ee ku kala duwan dhaqan ahaan dal ahaan iyo Af-ahaan iyo diin ahaanba ee hadana baahiyuhu iskaga xidhan yihiin si ay u kala fushadaan baahiyahoodaa dhan kasta ah una kala helaan qiimihii maaliyadeed ee ay wax ku kala iibsadeen kuna heshiiyeen.
Nidaamkaa baananka ee xiligaa hana qaaday oo aan ku dhisnayn nidaamka shareecada islaamka oo dadkii hogaaminaayay abuuristooda ay ahaayeen dad aaminsan diimo kale waxa ay soo rogeen adeeg kasta oo ay baanankaasi kuu qabanayaan in uu ahaado mid ku dhisan faa’iido doon (interes) oo lacag dulsaar ah/faa’iido ah lagaa qaadayo .
Hadaba adeeg kasta oo leh dulsaar/faa’iido oo markaad soo celinayso aad soo celinayso ama keenayso iyada oo xadi faa’iido ahi dul saaranyahay magacii la doono ha loo bixiyee oo ay qabtaan baananku ama haayad kale ama cid kale shareecada islaamka waa ribo, illaahayna waa xaarantimeeyay.
Waxaana daliil u ah Aayadaha QURAANKA ee 278,279 ee suuratul Baqara.
NOOCYADA RIBADA .
Noocyada ribadu waa :-
1. Ribo Nasii ah.
Waa ribada Quraanka lagu mabnuucay laguna xaaraantinimeeyay oo ah dulsaar faa’iido lagu helayo.
Tusaale iayada oo lagu amaahiyay 100 doolar oo aad mudo dabadeed soo celinayso 110 doolar , 10 doolar ee dulsaarkii waa ribo .
2. Ribo Al-faadi.
Waa ribada nusuusta iyo axaadiista rasuulka Scw lagu xaaraantinimeeyay .
Tusaale: waa ribo mana banana in la isku bedelo laba shay oo isku mida sida ku cad xadiiska nabiga scw ee uu wariyay abuu saciid al-khudari , la iskuma bedeli karo dahab to dahab, silver to silver, qamandi to qamandi,milix to milix , laba shay oo isu dhigma ama isku mid ah waxa kale oo uun abigu xaaraantimeeyay heshiis kasta oo laba dhinac galaan oo dulsaar lihi waa ribo.
DALIILADUNA WAA KUWAN :-
QURAANKA: ilaahay ku xaarantinimeeyay RIBADA.
1. Suuratu An-Nisa ( Aayada 161 aad ).
2. Suuratu Ar-Rum ( Aayada 39 aad )
3. Suuratu Al-e-mran ( Aayada 130 aad )
4. Suuratu Al-Baqarah ( Aayadaha 275 – 281 aad ).
AXAADIISTA : Axaadiista laga soo wariyay Nabiyulaahi muxamed NNKH ee RIBADA iyo noocyadeeda kala duwanba uu ku xaaraantinimeeyay.
Marka aynu eegno tirada axaadiista nabiga NNKH uu ku xaaraantinimeeyay Ribadu waa ilaa 40 xadiis oo kuwan hoose ka mid yihiin .
1. Xadiiska uu wariyay saxaabigii Jabir ee ku qoran Kidaabka al-musqat ee muslim, sidoo kale Tarmidi iyo musand Axmed.
2. Xadiiska uu wariyay saxaabigii Jaabir ibnu C/laahi ee ku qoran Kitaabu Al-Haaji ee Muslim, baabka haajati al-nabi.
3. Xadiiska uu wariyay saxaabigii Abuu-hurayra ee Ibnu Maajah.
4. Xadiiska kale ee uu wariyay saxaabiga Abuu-hurayra ee kitaabu al-buyuuc ee Abu daa’uud .
5. Xadiiska uu wariyay saxaabiga Abu-hurayra ee kitaabu bayc/iibka ee ibnu maajah iyo Axmed.
6. I.WM, halkaas uun ka sii wad maadama aan halkan lagu wada qori Karin.
La soco Qaybta 3 aad:
Waxa aynu kaga hadlaynaa INSURANCE iyo shareecda islaamku waxa ay ka tidhi ama ay ka qabto.
03/12/2022
WAA MAXAY ISLAAMIK BANK ?
What is Islamic Banking ?
Islaamik Bank : waa nidaam dhaqaale oo ku dhisan shareecada islaamka oo dawliya(dawlad islaama), dhamaan nidaamkiisa uu wax ku qiimeeyo ama uu ku miisaamaa ama uu ku shaqeeyaa waa shareecada islaamka.
Hababka uu wax u bixiyo waxa u waaweyn labo hab oo kala ah DEEQ iyo DAYN oo uu siiyo dadka oo bilaa dulsaara(zero interest), ujeedada guud iyo mabaa’diida uu u aasasanyahay waa kobcinta dhaqaalaha guud ee umadaas, guulaha uu gaadho iyo hiigsiyadiisuna waa ka saarida xaduuda fakhriga, baahida iyo hoosu dhaca dhaqaalaha ee umadaas.
Waxa jira habab kale oo Banka islaamiga ahi uu wax u bixiyo oo uu faa’iidona ku helo oo shareecada islaamka waafaqsan, waxaana ka mida maalgalin shuraako.
Tusaale: Banku waxa uu sameeyaa maalgalin ku dhisan shuraako (shares) ee shaygaa ay cid wada maal gashadeen wixii faa’iido ka soo baxa ay qaybsanyaan si u dhiganta saamiyada sheerka dhinacyadu kala leeyihiin.
WAA MAXAY FALSAFADA / ARAGTIDA UU KU SHAQEEYO BAANKA ISLAAMKU ?
What is the philosophy of Islamic Banking ?
Falsafada iyo aragtida hagta ee uu ku shaqeeyo Baanka Islaamigii waa falsafada shareecada islaamka, ma dhex maro mana qabtaan hal dhaqdhaqaaq (transaction) oo dulsaar leh ( interest).
Madaxda heer maamul ee baanka islaamigii ma galaan heshiisyo aan cadayn oo aan sugnayn dhan kasta oo laga eego oo ay ku jiraan humaag waxa la qabanayo iyo waxa laga faa’iidayoba.
Ma galaan mana maal galiyo heshiisyo khamaara oo shul bi bush ah, oo khatar loo badheedhayo oo aad arkayso in lagu khasaarayo oo jaaniska lagu faa’iidi karaa aanu cadayn.
Mana galo mana maal galiyo heshiis kasta oo marka lagu eego indhaha iyo fiqiga islaamka ay xaaraani soo galayso sinaba ha yaraato ama ha badnaatee.
La soco Qaybta 2aad.