09/04/2022
Maayir Mooge waa gawracan yahay ismana oga.
Maayir Mooge markii uu kacaanka ka dheereeyey ee uu lix bilood ku qabtay wixii lagu qaban jiray 20 sanadood, isaga oo aan deyn iyo deeq mid na wax ku qabaynin. Taasi keentay in ay bulshada baraarujiso oo waxay fashilisay diiratada dalka sodonkaa sano hiigaysay ee aan waxba qabanin. Kuwaas oo ku maaweelin jiray laynama citiraafin oo waxba ma qabsan karno. Waxay yidhaahdeen ninkani marka kabkii dawlada dhexe na u soo dhacdo wuxuu qabanayaa waa wax lala amakaagee inta ay goori goor tahay aynu iska qabano. 1 horta dhanka dhaqaalaha aan ka weeraro oo suuqa waaheen ee uu lacagta ka helo horta aynu baabiino. 2 dadka aynu iska horkeeno. Kadib mooshin aaan kaga tuuro kursiga.
Maayir Mooge buur ahow ama buur ku tiirsanow. Cidlo ayaad taagan tahaye waataase wax hakuu qabtaan reer hargaysa. Adiga oo dantaada wata oo nin qaran ah ayaa hata na hoosta laga noqdaa qabiilkaaga. Nin aan tolkii garab taagnayn tacabkiisu ma taabo galee waxay ahayd in aad 10 ka xildhibaan ee garxajis in aad qaar afkaaga ku hadla oo ummadda u sheega caqabada qabyaaladaysan ee heego iyo calancastu kugu waddo.