Hamse Mohumed Hersi

Hamse Mohumed Hersi �smile is my dream�

War Deg-deg ah:- Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa yidhi hada,"Taliyaha Booliska Somaliland ayaa Igu yidhi cadowga Somalilan...
16/04/2022

War Deg-deg ah:- Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa yidhi hada,

"Taliyaha Booliska Somaliland ayaa Igu yidhi cadowga Somaliland ayaad tahay wuxuu igu yidhi oo kale ma adaa Somaliland ah? , halkaan ku ahay cadaynteeda ayaa laga doonaya jananka?

Wuxuu igu yidhi iska tag anagaa shaadh ku le'eeg ku gelinayna oo naqaan halkan ku gaynayno?

Halkeed I gaynaysaa Taliye ma Moorganbad noqotay iyo kuwii dadka iska layn jiray ma filaayo inaad noqotay dal dumuqraadi ah ayaad ka shaqaysa, Shacabka aya kaala shaqeeya sugida amaanka.

Shacabka Somaliland iyo dadkii isoo doortay waxaan u sheegay hadii la I waayo waxa ka masuul ah Dabagale."

Booliska Somaliland ayaa Xidhay Wariyeyaal ku sugnaa  nawaaxiga jeelka dhexe ee Hargeisa kana soo waramayay  is Rasaasay...
13/04/2022

Booliska Somaliland ayaa Xidhay Wariyeyaal ku sugnaa nawaaxiga jeelka dhexe ee Hargeisa kana soo waramayay is Rasaasayn ka dhacday gudaha Xabsiga.
wariyeyaasha la xidhay ayaa kala ah :-

Maxamed Cabdi Sheekh (ILIG), MM-TV
Xasan Saleebaan Haaruun (Galaydh), BBC.
Axmed Maxamuud Yuusuf, SAAB TV

Madaxweynaha ayaa xiligan Jooga Suuqa waaheen ee gubanayaDabka ayaa weli socda Madaxweynaha oo umadiisa la dareena Ayaa ...
01/04/2022

Madaxweynaha ayaa xiligan Jooga Suuqa waaheen ee gubanaya
Dabka ayaa weli socda Madaxweynaha oo umadiisa la dareena Ayaa Xili saq hadha Suuqa ku sugan.

Alle ha u naxariistee waxaa goordhaweyd lagu dilay magaalada Hargeysa gaar ahaan Xaafadda Calaamadaha ee degmada Maxamuu...
01/04/2022

Alle ha u naxariistee waxaa goordhaweyd lagu dilay magaalada Hargeysa gaar ahaan Xaafadda Calaamadaha ee degmada Maxamuud Haybe haweenay lagu magacaabo Hodan Muxumed Cabdi.

Waxaana dilkeeda loo adeegsaday Toorrey, iyadoo dad Goobjoogayaal ahi ay sheegeen in ruuxa dilka gaystay uu ahaa ninkeedii.

Haweenaydan ayaa ahayd Hooyo haysata 5 carruur ah, iyadoo haatan lahayd Uur 7-bilood lagu sheegay.

Sources: Khaalid Foodhaadhi.

Waxaa lasii diyaariyay Kaamirooyinka waaweyn ee lagu raadiyo Dhalashada Bisha Ramadaan. Sawirkaan waa hadda iyo Sacuudi ...
01/04/2022

Waxaa lasii diyaariyay Kaamirooyinka waaweyn ee lagu raadiyo Dhalashada Bisha Ramadaan.

Sawirkaan waa hadda iyo Sacuudi Carabiya oo bilowday inay baadi goobto bisha Barakeysan ee Ramadaan

Lasoco wixii warar ah ee kasoo kordha.....

29/03/2022

Al Shabaab Maxaa keenay? Sh Abdirahman Bashir ayaa arintaasi ka hadlay

29/03/2022

Samaynta 'roob macmal' oo laga bilaabay deegaanka Soomaalida

Sucuudiga qof ayaa neef geel ah ku iibsaday 7 milyan oo riyaal ka sucuudiga ah, una dhigan ta $1.5 million. Neef kaan ge...
28/03/2022

Sucuudiga qof ayaa neef geel ah ku iibsaday 7 milyan oo riyaal ka sucuudiga ah, una dhigan ta $1.5 million. Neef kaan geela ah oo lagu magacaabo 'Saddaam' ayaa aad looga hadal hayaa baraha bulshada iyo dawladaha Khaliij ka.

Marar badan ayay ka dhacdaa dawladaha Khaliij ka in geela lagu kala gato lacag faro badan. Geelo dhan maaha laakiin waa kuwo sifoon gaar ah leh.

| Yamyam Plus+ |

Gud. Faysal Ali Waraabe oo markale u hanjabay Madaxweyne Biixi ayaa yidhi;- "Haddii aad sharci ku socon weydid wax ina k...
28/03/2022

Gud. Faysal Ali Waraabe oo markale u hanjabay Madaxweyne Biixi ayaa yidhi;- "Haddii aad sharci ku socon weydid wax ina kala qabanayaa ma jiraan ee dalka doorasho ka qabo.."

Naimo Bulhan oo ah gabadh Soomaaliyeed ayaa ku guulaysatay horyaalka Feedhka ee Dalka Finland & Horyaalka Feedhka haween...
28/03/2022

Naimo Bulhan oo ah gabadh Soomaaliyeed ayaa ku guulaysatay horyaalka Feedhka ee Dalka Finland & Horyaalka Feedhka haweenka kooxaha Yurub ee ka yar 22-sanno jirka oo ay ka gashay kaalinta saddexaad ee tartanka (European Boxing Champions Bronze Medalist.)

Naima oo 21 sanno jir ahi tartanka Caalamiga ah waxay metelaysay Finland asal ahaanse waxay kasoo jeeda Soomaaliya.

Waa qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee kaalinta ka gala tartamadan.

Hambalyo Nyrkkeilijä Naiimo Bulhan.

Dharbaaxada Will Smith ee dunida qabsatay.Will ayaa xalay masrax ku dharbaaxay majaajilaystaha  caanka ah ee Chris Rock ...
28/03/2022

Dharbaaxada Will Smith ee dunida qabsatay.

Will ayaa xalay masrax ku dharbaaxay majaajilaystaha caanka ah ee Chris Rock oo isagoo xiriirinaya xafladdii biladda Oscar ku maadaystay tinta gaaban ee xaaska ninkan Jada Pinkett Smith.

Ha yeeshe Will Smith ayaa inta soo kacay wajiga dharbaaxo xooggan uga dhiftay, dabeedna yiri "Ka saar magaca xaaskayga afkaaga xun."

Wararku waxay sheegayaan inuusan Rock ninkan ku dacwayn Police-ka, taas oo iyana hadal hayn kale dhalisay!

Maxaad ku samayn lahayd adigu ninkii xaaskaaga waxka sheega?

Dr. Adna Adan ayaa loo doortay madaxweynaha ururka UNPO oo ah hay'ad ay ku midaysan yihiin wadamada aan ka midka ahayn Q...
28/03/2022

Dr. Adna Adan ayaa loo doortay madaxweynaha ururka UNPO oo ah hay'ad ay ku midaysan yihiin wadamada aan ka midka ahayn Qaramada midoobay ee aan la aqoonsan .

Waxaa la aas aasay 1991 waxaanay ka shaqeeyaan xuquuqada wadamada aan la Ictiraafin ee dunida .

Waana haweenaydii ugu horeysay ee ururkan ka noqota madaxweyne tan iyo markii la aas aasay oo wadamo badan ka baxeen markii la aqoon saday ee ay ku biireen qaramada midoobay.

Address

Hargeisa
252

Telephone

+252634665164

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hamse Mohumed Hersi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Hamse Mohumed Hersi:

Shortcuts

Share

Category