31/05/2025
🦠 Jadeeco (Measles)
Cudur aad u faafa oo khatar ku ah carruurta!
📌 Maxaa Keena?
Waxaa keena fayraska jadeecada
Wuxuu ku faafaa hawada – qufac & hindhiso
---
⚠️ Calaamadaha Jadeecada:
Qandho kulul
Qufac & sanka oo dareera
Indho casaada/dareeraya
Baro cadcad oo afka gudihiisa ah
Finan casaana oo ka bilowda wajiga kuna fida jirka
---
❗ Dhibaatooyinka Ay Keeni Karto:
Shuban
Dhego xanuun
Sambab barar
Caabuq maskaxda
Indho la'aan
Dhimasho (gaar ahaan carruurta aan tallaalnayn)
---
✅ Kahortagga Ugu Fiican: Tallaalka MMR
Laba tallaal = ilaa 97% difaac
Waa bilaash & badbaado leh
Tallaalka lagu bilaabo 9–12 bilood & mar labaad 15–18 bilood
24/09/2022
05/09/2022
04/09/2022
23/08/2022