26/01/2026
Safar kale ( London) iyo Fursadihii Ireland aan kusoo arkay!
🇮🇪 Ireland
Meel aan ku arkay wax aanan ku arag USA, Canada iyo dalal badan oo Yurub ah.
Markii aan imid Ireland, waxa igu dhacay dareen ka duwan kii aan h**e ugu soo arkay dunida kale. Waa dal si dhab ah u fahamsan qiimaha waxbarashada, una fududeeya qof kasta oo doonaya inuu mustaqbalkiisa aqoon ku dhisto.
Jaamacadaha Ireland si sahlan ayaa loo heli karaa, iyadoo ay jiraan laba waddo oo cad: Scholarship iyo Self-Sponsorship. Marka jaamacaddu ku aqbasho, fiisaha waxbarashaduna waa mid fudud.
Halkan waxaan kugula wadaagayaa jaamacado aad ka dalban karto Admission ka:
🎓 Haddii aad xiisaynayso Conflict, Peace, Security & Governance, eeg:
• Maynooth University
• Dublin City University (DCU)
• Trinity College Dublin
• University College Dublin (UCD)
🎓 Haddii aad doonayso Management & Business Administration, kuwan waa fursad:
• Griffith College
• Trinity College Dublin
• University College Dublin (UCD)
• Technological University Dublin
• Dublin Business School
👉 Luqadda Ingiriiska
Ireland waa dal English lagu hadlo, taas oo si weyn u fududeynaysa isfahamka, shaqo raadinta, iyo la qabsiga bulshada. Uma baahnid inaad waqti dheer ku bixiso barashada luqad cusub.
👉 Dad gob ah oo ixtiraam leh
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu yaabka badan ee aad halkan ka dareemayso waa edebta iyo ixtiraamka bulshada Irish-ka. Qof kasta waxa uu kuu soo dhaweynayaa si bani’aadannimo leh—ha noqdo qof madow, Muslim, ama qaxooti; kala sooc ma jiro, karaamadaadana waa la ilaalinayaa.
Gebogebadii, Ireland ma aha dal kaliya aad ku noolaato, balse waa dal aad mustaqbal ka dhisan karto. Waa meel ay ka buuxaan rajo, fursado iyo nabadba. Waxaan halkan kula kulmay dhalinyaro iyo aqoonyahanno badan oo si dhab ah uga faa’iidaystay fursadahaas. Si taxane ah, ayaan halkan usoo dhigi doonaa sheekooyinkii xiisaha lahaa ee na dhex maray.
🇮🇪❤️ Ka faa’iidayso xogtan, oo la wadaag asxaabtaada.