18/03/2025
What is really interesting is how the western media get an excuses even if the cases are similar.
Poor Philippines far from God close to USA
Our aim is to help students who are struggling to submit assignment and projects of their university.
18/03/2025
What is really interesting is how the western media get an excuses even if the cases are similar.
Poor Philippines far from God close to USA
Wadanka china ayaa qiimaha dahabka uu ku yimid kor u kac kadib markii shacabku ay aamineen sida kaliya ee ay hantidooda ku ilaashan karaan ay tahay inay lacagtooda ku maal gashadaan dahabka.
Cashuurta uu Trump soo kordhiya isaga oo waliba beegsanaaya wadamo gaar ah ayaa la filayaa inay saamayso dhamaan ganacsigii adduunka oo dhan.
13/01/2025
🌍 Gaza: A Hundred Days of Crisis
Over the past hundred days, Gaza has faced a devastating humanitarian crisis marked by relentless conflict, widespread destruction, and a deepening famine. Here's an overview of the key events and challenges:
💥 Conflict and Military Actions
Gaza has seen extensive airstrikes and ground assaults, particularly in northern regions. Homes, schools, and hospitals have been destroyed, while civilians face attacks even during evacuation attempts.
🍞 Humanitarian Crisis
A strict blockade has pushed Gaza’s population towards famine. Food, water, and medical supplies are critically scarce, and aid distribution has been under fire. NGOs and the UN are calling for urgent assistance.
🌐 International Response
Amnesty International has labeled the situation as acts amounting to genocide. Ceasefire talks continue, but global efforts are divided between immediate aid and long-term solutions.
📢 Current Status
Despite negotiations, the crisis persists. Civilians endure limited access to essentials, making peace and sustainable solutions more critical than ever.
👉 It’s time for us all to pay attention. Share this post to raise awareness and support humanitarian efforts for Gaza.
We, the people of hawd and reserve area pleading the federal government of Ethiopia to send us a federal military delegation to assess the situation before the one tribe based liyuu police commit a genocide against the isaaq clan by labelling them invader/terrorist.
Abiy Ahmed Ali
Nabigu SCW waxa uu yidhi: qofka waxa uusan haysan isku qurxiyaa waa sidii qof dhar been ah xidhan. Toobalcaaro ayuu ku xarragoonayaa.
حلاصلما بلج لع مدقم دسافلما ءرد
Dhibaatooyinka oo la iska mooso ayaa ka horraysa soo
dhoweysiga wanaagga iyo dheefta.
cilmigu waa sidii ugaadh baxsad badan e, qalinka ha lagu dabro.
Qoraagu waa kii galal iyo faylal badan leh ee mashaariic
badan ay qabyo u yihiin. Hal mar baan wax qoray qoraa
laguma noqdo. Qoraa—waa magac ka tarjumaya joogtaynta
qoraalka. Waa xirfad. Xirfadduna hal mar kuma koobnaato.
buugga NUUN
If you were to make a table of countries in proportion to the natural resources they have, the top one would almost certainly be Russia but countries are not rich in proportion to their natural resources. Countries are rich whose governments have policies which encourage the essential creativity, initiative and enterprise of man and recognize his desire to do better for his family.
Dalka nooga saara
Sanadkii 2017 qoomiyadda Rohinga waxaa ku bilaabatay xasuuq ku salaysan isir nacayb iyo waliba xagjirnimo ka dhan ah diinta ay haystaan, waxa dhiigooda iska banaystay ciidamadda military-ga wadanka Myanmar, waxa ay bilaabeen inay shacabkii layaan guryahooddiina ay gubaan taas oo sababtay inay qoomiyaddii rohinguhu ay u haajirto dhankaas iyo wadanka Bangladesh oo markaa UN ay uga samaysay xerooyin ay ku qaabilaan qaxootigaa.
Nolol dhaanti tii magaalooyinkii ay kasoo qaxeen ayay ka heleen balse dawladda iyo shacabka Bangladesh waxa ay ku noqdeen culays, sidoo kale xerooyinkiina waa ay buux dhafeen oo waxa dhib noqotay sidii loo maarayn lahaa, tani waxa ay sabab u noqotay inay dad badan oo qoomiyaddan ahi ay mar labaad baadi-goob u galaan inay raadiyaan nolol ka fiican nolosha xerooyinka Bangladesh, waxa ayna u baqooleen dhankaa iyo Indonesia.
Wali qaxootiga Rohinga ee tagay Indonesia ma ay helin noloshii ay raacdaynayeen balse waxaad modaa inay dhaanto Bangladesh, muwaadiniintii Indonesian-ka ahaa ee ay daganaayeen tuulooyinkooda ayaa ka xumaaday nolosha yar ee ay heleen qoomiyadda muslimka ah ee dhulkeedii looga soo baacsaday kaliya islamnimadooda.
Waxa ay ku doodayaan annagii dhulka u dhalanay maalin walba inta aanu badda galno ayaan kusoo rafaadaynaa, dadkan qaxootiga ahina dhulkayagii ayay ku raaxaysanayaan oo ay waxii daruuriyaad ah ee ay u baahnaayeen ku helayaan, dhulka annaga ayaa leh inaan ku raaxaysano oo aanu ku samaano ayaanan doonaynaa ee cid kale inay ka macaashto dooni mayno oo raaxo ugu noolaato e, nooga saara oo dib u celiya qaxootigan.
“waddanka aad u dhalay inaad ku faanto marka lasoo weerarana u dhimato kaliya maaha waddaninimadu ee waa inaad si Sharaf leh ugu noolaato cid kusoo wareegtayna aanay nolol qurux badan inta ay ka samaysato adigu aanad u noqon shaqaale waddankiisii lagu dulaysto”
Ethiopia wadan ahaan ma hayso dhaqaale ay ku maarayso xal u helida dabka dhaxdeeda ka alloosan, marka ay noqoto in ay weerar qaado ka baxsan dalkeeda ahna wayba kasii adkaanaysaa hawshu, dhabtu se waxa ay tahay in ay leedahay han sare oo ah inay dhulkaa somalida ee iska dayacan badd ka hesho, siyaasad Ahaana ay iyaddu gacanta ku hayso iyadda oo qabiiladda somalida isku khuukhinaysa.
Hankaa saree ay leedahay waxa ay ka iibisay France oo 2019 ay la saxeexatay heshiis uu ugu soo tababarayo ciiddamo baddeed kana caawiyo qalabka ay u baahan tahay, France waa xoog raba inuu geeskan Africa ku yeesho saamayn gaar ahaan badda cas madaama ayna hadda sidaa iskugu fiicnayn jabouti, France isaga ayaa diyaar u ah inuu ka difaaco majlisyadda caalamiga ah ethiopia siiyana wixii kharash iyo qalab ay u baahataba.
Dhanka kale UAE iyo UK iyaggu dan kale ayay wataan oo ah sidii dekedda Berbera ay dhaqaalaheedda kor ugu kicin lahaayen, UAE Berbera way maal gashatay wakhti baana ku socda oo affartanka sano marka uu u dhamaado waa inay ka xamaan urursato, UK maalgalinta ayay wax ku darsatay oo inta la ogyahay waddada Hargeisa korka ka marta iyadda lacagteeda bixisay, labaddan wadanba waxa ay rabaan Ethiopia inay Berbera ka adeegato si ay uga faa’iidaan.
Ethiopia xoog marka ay wax ku rabto waxa ka danbeeya France oo wax walba ula diyaara iyo China oo isna fulinta mashruuca lahaan doona kolay iyo UAE , UK oo iyagna dantoodu tahay inay qasbaan Somaliland si ay usoo jiidato ethiopia.
Arrintu sidaas ayay iskugu xidhan tahay in laga fiirsado lana abaaro halka culaysku ka imanaayona waa muhiim, haddii se lagu wareero Ethiopia iyo Somaliland oo labadaba dabada laga riixayo waa uun “jug jug meeshadda joog”
24/12/2023
Dagaalka ka socda Gaza intii uu bilaabmay waxa jirta laba aragtiyood oo garabka israel ay doodda mar walba bud-dhig uga dhigaan.
1. Dadka aanu la dagaalamaynaa waa carab, waadna ogtihiin gobolka waxa ka jira intaas oo dawladdood oo carab ah, maxay u qaadan wayeen oo ayna rabin inay dhalasho siiyan? sobobtu sow maaha uun hadii ay dadkan qaatan sida ay hadda dhibta ugu hayaan yuhuuda ayay iyagana dhib ugu noqon doonaan?
2. muslim-ka meel kasta oo uu joogo waa lagu dilaa cidna waxba iskama waydiiso, waxaad marag ka tihiin China, India, iyo meelo kale oo badan, maxay tahay damiirkan kaliya damqanaya marka ay yuhuudu disho dadka muslimiinta ah, sow uun maaha inay nacayb yuhuudinimo oo qofka muslim-ka ah iskaga sii jirtay uun markaas kuma soo maaxayso?
marka eegto waxa ay iskugu biyo-shubanaysaa uun kolay naga celin maysaan e, qaata oo dhulkiina ha idinla dagaan oo halkaa ha ku noolaadeen si sharaf leh, noqon wayday iska aamusa oo sidaa muslim-ka kale marka loo gummaadayo hawlihiina caadiga ah iskaga wadataan oo kale iskaga wata.
dhagayso minute 13aad
"You're A MONSTER!" Cenk Uygur vs Douglas Murray On Israel-Palestine War With Piers Morgan Piers Morgan Uncensored is joined by host of the Young Turks and pro-Palestinian supporter Cenk Uygur as well as columnist and pro-Israeli supporter Douglas ...