10/02/2022
2aad
ISKU-FILNAASHO
3
Hadaba markii aan usoo laabano mawduuca cutubkan oo ah badal hab
fikirkaaga, waxaa ugu h**eeya ee qof horumar gaaray oo ku dhaqaaqay
guushiisana qeyb libaaxle ka qaadatay waa badalidda hab fikirka.
Hadii ay maskaxdaadu ka dhaadhacsan tahay waxba ma qaban kartid,
waxaad tahay afrikaan waliba soomaali kasii ah, dunida wax badan ka
dambeeya, dhaqaale fiican haysanin, dadkiisu ay isdilayaan kuwana is
dhacayaan, waxaa hubaal ah in ay kuu rumoobeyso waxaas oo dhan
oo aad helaysid ama la kulmeysid waxa ay mar walbo maskaxdaada
isku sheegto ama ku fikirto.
Hadaba si uusan dib u dhaca hada na gaaray mid kale kuugu darsamin
waa in aad badashaa hab fikirkaaga, oo kaliya ay noqdaan waxa aad
ka fikiraysid ama aad rabigaaga ka rajaynaysid wax wanaagsan iyo
horumar, waxaa hubaal ah kaliya hab fikirkaaga oo aad saxdaa in ay
wax badan kuu saxmi doonaan, oo aad guulaha aad gaari doonto ay
midba mid kuusii dhiibto haddii uu rabbi idmo.
Dad badan oo h**ey guulo aad u waaweyn ka gaaray nolosha waxa ay
dhamaan isku raacsanaayeen in ay waxa ugu h**eeya oo ay guusha
ka bilaabato tahay fikirka iyo waxa aad awoodaahaga iyo nolosha kugu
hareereysan aad ka aaminsan tahay, waxayna sidoo kale xaqiijiyeen in
markii ugu h**eysay oo ay badaleen hab fikirkooda kaliya ay badalantay
4
qaabkii ay u arkayeen nolosha, iyo caqabadaha la socda oo ay maalin
walbo ku soo wajihi jirtay nolosha.
Waxay sidoo kale dhamaantood isku raaceen in ay markii ugu h**eysay
caqabadihii nolosha oo ay u arki jireen dhibaato weyn oo ku dhacday
iyo dib u dhac ka reebay jiilkoodii ay isku badashay fursado usii
dhaweynaya yoolkoodii nolosha ay ka lahaayeen oo ay khibrad iyo
waaya aragnimo ka helaan.
Hadaba aqriste noloshaada qiimeey caqabadaha nolosha ma waxaad
u aragtaa dib u dhac iyo dhibaata weyn oo ku soo wajahday, mise
waxaad u aragtaa fursad iyo waaya aragnimo kuu soo hormartay,
qiimeey naftaada oo badal hab fikirkaaga si aad ugu biirtid dadkii
guuleystay oo caqabadaha soo wajahay fursado u badalay.
Waxaan halkan kugula wadaagaa sheeko gaaban oo ku dhacday
haweeneey wax badan lasoo xigto marka laga hadlayo saameynta
fikirka qaldan oo aad naftaada iyo bulshada kugu hareereysan kaa
aaminto uu leeyahay.
Waxay ku bilaabanaysaa Sheekada sidan:
Waxaa jiri jirtay haweeneey haysatay laba caruur ah oo uu aabahood
furay, dhaqaala fiican oo ay ku noolaatana aanan haysanin, bulshadii
ay ku dhex nooleedna dhib iyo takoor iyo niyad jabin maahane wax kale
aysan ku haysan, caruurteediina ay u jeedaan nolosha adag oo ay ku
jiraan oo aysan haysan cid wax u qabanaysa.
Markii ay in muddo ah ku jireen noloshaa waxay maamadii iyo
caruurtiiba aamineen in ay tahay sidan nolosha ayaga u qorneed in ay
ku noolaadaan inta ay dunidan joogaan, oo aysan mudneen nolol ka
fiican isla markaana aysan la jaan qaadi Karin waxna la wadagi Karin
dadka kale ee noloshoodu dhaanto tooda.
Maxaa yeelay waxa caado u noqotay in la takooro oo la yiraahdo waxba
ma tihiin, mana qabsan kartaan waxa ficiin qabsaday iyo xaq uma lihidin
nolol raaxa leh in aad ku noolaataan.
Korimadii ilmaha iyo hab fikirkii hooyada intaba waxaa badalay
dabeecadii iyo dhaqankii ay kala kulmeen dadkii deegaankooda
waxayna aamineen in ay tahay wax sax ah inta ay bulshadu ka
aaminsan tahay maxaa yeelay haddii aysan xaqiiqo ahayn wax baa is
badali lahaa oo nolol tan dhaanta ayaan ku noolaan lahayn ayay
maskaxdoodii ku fikirtay aamintayna.
Muddo kadib maalin maalmaha ka mid ah maamadii oo gaari saran oo
u socota magaalada si ay ugasoo adeegato ayaa waxa ay gashay shil
gaarsiiyay dhibaato aad u balaaran, isla markiiba waxaa loola cararay
isbitaalka oo lagula tacaalay, caruurteedii iyo ehelkii kalana isbitaalka
ayay ugu yimaadeen.
Maalmo ayay koomo ku jirtay oo ay ogaal lahayn maxaa yeelay jugta
ugu culus waxay kaga dhacday madaxa oo waxaa gaaray dhibaato
dhanka maskaxda ah.
Maalin maalmaha kamid ah ayay soo naaxday dhaqtarkii iyo caruurtii
iyo dhamaan ehelkii wixii meesha joogay waalagu wada farxay laakiin
maamadii dadkan faraxsan ee u marxabeeynaya kuwana ay ku dul
oynayaan hal qofna k**a garan wayna la yaaban tahay dadkan dul
dhooban iyo waxa ay yihiin.
Dhaqtarkii ayaa dareemay xaalkeeda oo su’aala badan waydiiyay
kadibna waxa uu u sheegay in ay dadkan caruurteedii iyo waalidiinteed
ay yihiin ayaduna ay shil gaari gashay oo ay muddo ogaal la’aan ahayd
jugta madaxa ka gaartay darteedna ay dhumisay xasuusteedii.
Farxadii waxay isku badashay murugo kale maxaa yeelay hooyadaa oo
aan ogayn qofka aad tahay waa wax laga murugoodo, waxaasa nafta
lagu sasabay in ay ka sii darnaan lahayd in ay geeriyooto ama ay kasoo
laaban weyso ogaal la’aanta, muddo kadibna waxaa la geeyayxaafadeedii oo muddo lagu daweeynayay kadibna way ka kacday oo
ay cafimaaday.
Si ay wax badan uga ogaato dhibka gaaray ayay waxay bilowday in ay
waxbadan oo ku saabsan cudurada maskaxda iyo dhimirka ku dhaca in
ay akhriso, baaritaan dheerna ku samayso cudurka ayada ku dhacay
iyo daawadiisa, kadibna waxay ka qortay maqaal aad u dheer aadna u
faahfahiyay cudurkaas iyo dhibkiisa iyo waliba sida loo daweyn karo.
Dhaqaatiirtii iyo dadkii baranayay cilmiga caafimaadka gaar ahaan
cudurada ku dhaca maskaxda ayaa waxay aad uga heleen
maqaalkeedii waxayna ku casuumeen in ay kala soo qeyb gasho
shirarka iyo doodaha cilmi baaris ee cudurada maskaxda quseeya.
Muddo kooban ayay waxay ku noqotay qof caan ah oo dadku ay wada
jecel yihiin loogana yimaado meela fogfog la kulankeeda iyo wax ka
faa’iideysigeeda.
Waxay u noqotay dhiiri gelin iyo in ay fikirka ay nafsadeeda ka
aaminsan tahay uu noqday mid meel sare geeynaya oo sii dhiiri
gelinaya dhibkii ku dhacayna dartiis uu maskaxdeeda ka tirtirmay fikirkii
liidnaanta iyo qalbi jabka ku dhisnaa oo ay nafteeda iyo dadkeeduba ka
aaminsanaayeen.