Abdifatah Mire
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abdifatah Mire, College & University, Hargeisa.
Maxay ku kala Duwan yihiin Xishood iyo Khajilaad?
Xishoodka iyo Khajilku waa labo eray oo ay dadku marar badan isku si u adeegsadaan, se macne ahaan iyo muunad ahaanba kala duwan.
Khajilaaddu waxay tilmaantaa baqdin iyo kalsoonidarro, qofka isku kalsoonina ma qajilee, wuu xishoodaa.
Xishoodku wuxu keenaa in qofku ka xishoodo waxa xaqa loogu leeyahay, khajilaaddu se waxay keentaa in uu ka khajilo wixii uu isagu xaqa u lahaa.
Xishoodku, wuxu qofka ka reebaa in uu xumaha sameeyo, khajilaadduna waxay qofka ka reebtaa in uu samaha sameeyo.
Xishoodku waa fal ammaanan, qofka falana wuu sharfan yahay, khajilaaddu se, waa fal ceebaysan, qofka falana wuu cambaaraysan yahay. Waayo, khajilaaddu, samo uu qofku fali lahaa bay ka reebtaa ama xaq uu lahaa bay ka dayacdaa.
— Mubarak Hadi
Maxaa u Dhexeeya Doonis (الإرادة) iyo Awood (القدرة)?
Doonista iyo awooddu, waa labo tiir oo aanay la’aantood waxqabadka iyo horumarka aadanuhu taabba-gelin. Hase ahaatee, farqi wayn baa u dhexeeya macno ahaan iyo ahmiyad ahaanba.
Doonistu ama iraadadu, waa go’aan iyo ka go’naansho. Waa hal-adayg iyo dhabar-adayg. Waa awood ruuxeed oo gudaha iyo gunta qofka kasoo go’oda oo ku kallifta in uu dhaqaaqo oo wax qabto.
Awooddu se, waa karti iyo karaan. Waa aqoon iyo ogaal. Waa xirfado, tabo, habab iyo hanaan uu qofku wax ku qaban karo.
Iyamaa sii muhiimsan?
Walow labaduba ay yihiin bu’da iyo dhuuxa waxqabadka iyo horumarka - sidaan kor ku soo tibaaxay, haddana waxaa sii muhiimsan doonista iyo iraadada. Waxa qofka isbaddelka iyo horumarka ka hor istaaga, maaha awood iyo karaan yari, ee waa doonis yari. Qofku haddaanu doonis iyo iraado lahayd, karti iyo karaan kasta oo uu leeyahay waa barkumataal.
Sidoo kale qofka awooddiisa kartiyeed, tiisa aqoomeed iyo tiisa xirfadeedba waa la lasiin karaa oo la bari karaa, laakiin cidna cid kale ma siin karto doonis. Walaa iskuul iyo macallin baan qofka bari karin doonis, walaa aabe iyo hooyaan qofka siin karin, waa wax qofka guntiisa iyo gudihiisa ka yimaadda, hadhowna ku kallifa in uu badaha jeexo, bariga jibaaxo ama buuraha fanto.
— Mubarak Hadi
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Hargeisa