18/09/2022
Gabadh lagu magcaabi jiray Tasliim una dhalatay waddanka Indunuusiya ayaa geeriyootay xilli ay ka qayb galaysay madal Quraan oo ka qabsoontay magaalada caasimadda ah ee Jakaarta.
Gabadhan oo akhrirayday Ayaaddaha ugu horreeye ee Suurtul Baqra ayaa mar keliya istaagga ka dhacday xilli ay akhriyaysay aayadda Quraanka ah ee ah (أولئك على هدًى من ربهم وأولئك هم المفلحون)
Taas oo noqotay hadalkii ugu dambeeyey ee afkeeda ka soo baxa.
Muuqaalka madasha oo toos looga baahinayey dhanka warbaahinta ayaa noqday mid hadal hayn weyn ka dhaliyey baraha bulshada iyada oo dadkii ka fal celiyey ay Eebbe ugu baryeen in uu ku sugo wanaagii ay ifka ku sagootiday.
~ Foodhaadhi
13/09/2022
أعمالْ صالِحة لراحَة النفسْ والقَلب 🧡🦋
08/09/2022
اللهم صل على محمد، وعلى آل محمد، كما صليت على آل إبراهيم، وبارك على محمد، وعلى آل محمد، كما باركت على آل إبراهيم في العالمين إنك حميد مجيد
31/08/2022
Wakhtiyada abaaraha ee biyo dhaaminta la samaynayo waxa muhiim ah in markasta qiimaha biyuhu noqdaan mid xaqiiqo ah oo ugu yaraan lagaa rumeysan karo, gaar ahaan marka cidda warka tebinaysaa ay tahay cid aqoon isu tuhmaysa.
Warbixin cusub oo ka soo baxday xafiiska UN-ta ee OCHA ayaa sheegaysa in qiimaha biyaha ee magaalooyinka barigu ay gaadhay heer aan caqli gal ahayn. Sida shaxankan hoose ka muuqata, waxa lagu sheegay in Burco foostadu mareyso 75,000 oo shilinka Soomaaliya ah ($3), Ceerigaabo 110,000 Sh So ($4.40), Laascaanoodna 630,000 Sh So ($25.20).
Laascaanood waxay ka dhigeen meesha ugu biyaha qaalisan magaalooyinka Soomaalida, taasi oo la macno ah in biyaha mooyasaxada ihi ka jaban yihiin kuwa booyadaha! Xaqiiqadu se waxay tahay in Laascaanood, Burco iyo Ceerigaabo yihiin magaalooyinka ugu biyo jaban ee foostada biyuhu tahay $1 ilaa $1.20. Waxay u egtahay in lacag la musuqay lagu daray qiimihii saxda ahaa ee biyuhu ku joogeen.
Xilliyada abaaraha waxa gacanta ugu weyn ee biyadhaaminta geysta bulshada qaybeheeda kala duwan. Ilaa bishii April ee sannadkan wax ka yar 5% ayey hay’aduhu ku lahaayeen biyo dhaamintii laga sameeyey Somaliland. Intaana waxay ka qorteen qoraallo qarafaysi ah oo niyad-wanaagga iyo bini-aadantinimadu ka arradantahay, heer ay gaadhsiiyeen in hableheenna aynu biyo ku beddelenno!
Waxa intaa u dheer duudsiga iyo sida ay iskaga indho-tirayaan xaqiiqada lacagta deegaannadaa laga isticmaalo. Lacagta shilinka ah ee xataa aan laga adeegsan Soomaaliya ayey ka dhigayaan in magaalooyinka bariga wax lagu kala iibsado. Waxa suuragal ah in ay u doorteen halbeeggaa lacageed in ay ku hadoodilaan buunbuuninta kharashaadka biyaha.
https://reliefweb.int/report/somalia/somalia-drought-response-and-famine-prevention-plan-may-december-2022-june-2022
30/08/2022
Waxay Weydiisay Aabaheed 𝗔𝗮𝗯𝗼 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗲 𝗔𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗝𝗶𝗱𝗵𝗸𝗮𝘆𝗴𝗮 𝗞𝗮 𝗤𝗮𝗮𝘄𝗶𝘆𝗮𝗮?!
Wuxu Ugu Jawabay 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗱 𝗤𝗮𝗮𝘄𝗶𝘀𝗮𝗮 𝗜𝗻𝘁𝗮𝗮𝗱 𝗨 𝗔𝗮𝗱𝗸𝗮𝘆𝘀𝗮𝗻 𝗞𝗮𝗿𝘁𝗼 𝗜𝗻𝗮𝘆 𝗝𝗮𝗵𝗮𝗻𝗻𝗮𝗺𝗶 𝗖𝘂𝗻𝗧𝗼.
" Walaal Asturo Xubnahaaga Qaawan "
28/08/2022
(Madiina ayaa u khayr badan haddey ogyihiin) (والمدينة خير لهم لو كانوا يعلمون ) waa xadiis saxiix ah. Waa magaaladii Nebiga Calayhi salaatu wasalaam, waa hoygii saxaabada, waa xeradii iimaanka, waa xaruntii cilmiga, waa goobta qalbiga mu’miniintu u hilowdo, bidhaanta guryaha dhexdooda ka muuqata waa “buurta uxud” (buur na jecel oon jecelnahay) xadiis, dhulka ciidda ahna waa qubuuraha (baqiic) ee saxaabo iyo culimo badan ku aasantahay. Qorshahan waa xaafadaha cusub ee masjidka hareerihiisa laga dhisayo dhawrka sano ee soo socda inshallah, loogu tala galay iney soo maraan 30 milyan oo muslimiin ah 7da sano ee soo socota ilaahay idankiis.
24/08/2022
Magaalada Hargeysa waxa lagu qaban doonaa Tartanka Qiraa'aadka Qur'aanka oo Sanadkii 7aad lagu qabanayo.
Waxa kasoo qayb gali doona culimo ka mid ah culimada ugu caansan caalamka xaga Quraanka, waxaana la socota dawro ay bixinayaan culimadaasi oo culuumta Quraanka ah.
24/08/2022
Wasaaradda Diinta Iyo Awaafta, ayaa waxa ay soo qaban qaabisay shirweyne qaran oo lagaga hadlayo midaynta eedaanka salaadaha iyo xal u helidda mushkiladaha codbaahiyaha (microphone)
Shirkan waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah culimada waaweyn ee dalka iyo 200 boqol oo imaan kuwaasi oo ka kala yimid gobollada.