Salwa Network Association

Salwa Network Association

Partager

Salwa Network Association is a youth-driven, non-profit organization aimed with youth empowerment to address the pressing issue of youth in our community.

Photos from Salwa Network Association's post 08/04/2026

WAR-SAXAAFADEED
Maanta oo ay taariikhdu tahay 8-da Abriil 2026, saacadduna ku beegnayd 10:30 subaxnimo, waxaa kulan muhiim ah dhex maray ururka Salwa Network Association iyo hay’adda NRC - Norwegian Refugee Council.
Kulankan oo ka dhacay hab online ah, ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray isbarasho iyo xoojinta wada shaqeynta mustaqbalka. Labada dhinac waxay si gaar ah uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay iskaashi rasmi ah oo u dhexeeya hay’adda iyo ururka, si loo horumariyo adeegyada bulshada loona abuuro fursado wax ku ool ah oo dhalinyarada lagu taageero.
Xubnaha ka socday Salwa Network Association
Farxaan Muuse Axmed
Muxyadiin Ibraahim Axmed
C/samed Faarax Cali
Kulanka waxaa lagu soo gabagabeeyay isfaham guud oo ku saabsan in la xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac, iyadoo la rajeynayo in mustaqbalka dhow la hirgeliyo mashaariic wadajir ah oo wax tar u leh bulshada.
Ururka Salwa Network Association wuxuu markasta u taagan yahay horumarinta dhalinyarada iyo kobcinta bulshada, isagoo diyaar u ah inuu la shaqeeyo hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah.
— Dhamaad —

Photos from Salwa Network Association's post 01/04/2026

Guddomiyaha ururka Salwa Network Association Cabdisamed Faarax Cali ayaa xalay magaaladda Berbera kaga qayb galay, munaasibad ay soo agaasimeen Xarunta tababarada iyo cilmi-baadhista ee Ileys iyo Xarunta dhalinyaradda ee Berbera Youth Centre.
Guddomiyaha ayaa door muhiim ah kulahaa qaban-qaabadii iyo agaasinkii munaasibaddan. Geesta kale Maxamuud Cumar X.Cismaan oo barnaamijkan bixinyay kana tirsan Waaxda Waxbarashadda ururka ayaa si wayn ugu mahadnaqay guddomiye Cabdisamed Faarax Cali isagoo ku amaanay kaalinta u ka qaatay qaban-qaabadii iyo isku dubaridkii munaasibadda. Ugu danbayn guddomiye Cabdisamad ayaa si gaar ah ula kulmay ardaydii wax-ku baratay dugsiga Salwa Sabah Secondary Boarding.

Allaa Mahadleh.

24/02/2026

----------Magaacaabid-------
Godoomiyaha Salwo Network Association ayaa xubnaha cusub u magaacabay waaxaha kala duwan ee dallada.
marku arkay xeerka dallada qodobada kala ah 20aad iyo 17aad farqadooda A.
Marku arkay baahida loo qabo iyo dardargalin hawlaha shaqo ee dallada. Waxa uu goaamiyey in u magacaabo xubnaha hoose ku qoran.

Alle mahad leh

13/01/2026

Tacsi tiiraanyo leh

Gudoomiyaha ururka Salwa Network Association isaga oo ku hadalaya dhammaan afafka dufcadiihii kala danbeeyey ee ka baxay Salwa Sabah Secondary Boarding wuxu dhambaal tacsi la wadaagayaa Ehelkii, qaraabadii, awlaadii iyo qoyskii uu ka baxay alle ha unaxariistee marxuun muuse cali oo ku geeriyooday magaalada burco. Gudoomiyuhu waxa sigaar ugu tacsiyadaynaa xuseen muuse cali oo ka mid ahaa dufcadii 1aad ahna xoogahaya guud ee dallada oo uu marxuunku aabihii ahaa.

"Alle naxariis iyo janno ha ka waraabiyo"

23/12/2025

Tacsi tiiraanyo leh

Gudoomiyaha ururka Salwa Network Association isaga oo ku hadalaya afka dhammaan dufcadiihii kala danbeeyey ee ka baxay Salwa Sabah Secondary Boarding wuxu dhambaal tacsi la wadaagayaa Ehelkii, qaraabadii, awlaadii iyo qoyskii uu ka baxay alle ha unaxariistee marxuun cumar Xaji Cismaan Cigaal oo maanta ku geeriyooday magaalada burco. Gudoomiyuhu w waxa sigaar ugu tacsiyadaynaa Maxamuud Cumar oo ka mid ahaa dufcadii labaad ka baxaday Salwa Sabah Secondary Boarding oo uu marxuunku aabihii ahaa.

"Alle naxariis iyo janno ha ka waraabiyo"

Photos from Salwa Network Association's post 15/12/2025

Waxa maanta oo ay taarikhdu tahay 15-12-2025 usoo gababoobay dugsiga imtaxaankii midtermka ahaa hlkaas oo kusoo dhmaaday si nabad ah

Waxa kale oo mahadnaq iyo bogaadin iskugu jira u dirayna haayada caalamiga ah ee word vissoin taaso runtii aqbashay waraaq cod si ah oo uu maamulka schoolku u diray. Si wacan u soo ajiibtay codsigii maamulka iskuulka . Iyada soo gaadhsiisay deeq kala duwan oo isugu jirta:
1) koodhadhkii dhaxanta
2) kabo
3) dirays
4) iyo weliba ashyaa kale
Ka urur ahaan arinkaa waan ku bogaadinayna dhamaan maamulka schoolka ee ugu horeeyo maamule Suleiman Abdilahi iyo ku xigeenkiisa Mukhtaar Saed iyo weliba howl wadeenada kale ee schoolka.Waxaan leenahay howl fiican ayaad u qabateen ardayda. Waad mahadsanitihiin dhamaantiin. Geesta kale waxa aanu u mahdnaqaynaa haayada caalamiga ah ee World vission taaso tuntii kaalin muhiim ah ka qaadatay baahiya schoolka iyo ardaydaba.
WABILLAAHI TOWFIIQ

08/10/2025

Congratulations Message

Heartfelt congratulations to Mr. Sulieban Abdilaahi Ahmed, the respected Principal of Sawo Sabaah Secondary School, on his remarkable achievement of graduating from Unity University with a Master’s Degree in Educational Planning and Management. This outstanding accomplishment is a true reflection of your dedication, hard work, and commitment to excellence in education.

Your success not only inspires your colleagues and students but also uplifts the entire education community. We are proud of your leadership and vision in shaping the future of young learners. May this new milestone open greater opportunities for you to continue contributing to educational development and positive change. Congratulations once again, Mr. Sulieban!

Photos from Salwa Network Association's post 29/08/2025

Bahda Salwa Network Association waxay hanbalyo iyo bogaadin u dirayaan ardayda kala ah:

1. Farxaan Maxamed Cali

2. Xamud Maxamed Jaamac

3. Salmaan Cali Maxamed

4. Cabdifataax Sidiq Cumar
5. Abdikhaliq Mohamed Abdilahi

Kuwaas oo maalintii Khamiista ka qalin jabiyey Jaamacadda Faca Weyn ee Hargeysa.

Waxaan leenahay hambalyo hanbalyo, Ilaahayna waxaan idiin waydiinaynaa in cilmigaa aad barateen in uu idinka dhigo mid idin anfaco aduunka iyo aakhiro.

Photos from Salwa Network Association's post 28/08/2025

Hambalyo hambalyo
Gudoomiyaha dallada salwa network association mudane clsamed faarah ali iyo xubno uu whelinaayo gudoomyihu ayaan maanta ka qayb galay qalinjebinta schoolka hoyga ah ee Salwa Sabah Secondary Boarding dafcadiisi 6aad waxaanay hlkaa dhambaal duco iyo dardaaran isugu jira ugu direen ardayda kuwaas oo runtii midho wax ku ool ah ka keenay sarana u qaaday sharafkii iyo sumacadii uu schoolku lahaa dhanka kale xaflada o si heer sare loo soo agaasimay ayaa wax kasoo qayb galay martisharaf aad u tiro badan hlkaas oo la isku waydaarsaday in wax la iskala qabto baahiyaadka aasaasiga ah ee schoolka ka dhiman ugu dambyn wuxuu gudoomiyuhu si guud iyo su gaaraba uga mahadnaqaya cidkasta oo gacan weyn ka gaysatay horumarinta schoolka
WABILLAAHI TOWFIIQ .

Photos from Salwa Network Association's post 27/08/2025

.....Salwa network association ......
27/08/2025
Gudoomiyaha dallada salwa network association mudane clsamed faarah ali ayaa sameeyay magacaabid xubin ka banaan dallada gudoomiyuhu isaga oo dardargalinaya howlaha shaqo ee ay hayso dalladuu. Dhanka kale gudoomyihu waxa uu kula dardaarmay masuulka in uu mudada uu hayo xillka uu ugu shaqeeyo daacadnimo iyo hufnaan ka dhan ah
WABILLAAHI TOWFIIQ .

Photos from Salwa Network Association's post 26/06/2025

Salwa network assocciation
26/jun/2025
Gudoomiyaha dallada SNA Clsamed faarah ali isaga oo ku hadlaaya afka dallada iyo weliba ka ardayda waxa uu dhanbaal hambalyo u diraya ardayda maanta uu kasoo gababoobay hayaanki waxbarasho ee heerka 2aad waxaan leeyahay Alle ha idinla kulmiyo grade wnaagsan kana farxiya dhamaan maamul iyo waalidba
Dhanka kale waxaan u mahad naqaya maamulka schoolka maamule saleebaan cabdilaahi iyo weliba kuxigeenka mr mukhtaar siciid kuwaas oo runtii dedaal dheeri ah iyo howlkarnimo u muujiyay ardayda schoolka
Ugu dambayn waxaan leeyahay waxaan inoo rajaynya dhamaanteen natiijo inaga wada farxisa
WABILLAAHI TOWFIIQ .

Vous voulez que votre école soit école la plus cotée à Berbéra ?

Emplacement

Téléphone

Adresse


Berbera Road 01
Berbéra