25/08/2024
Waa markhaati ma doon in Somalia ay fadhiisan laadahay oo ay salka dhigi laadahay. Hadii aad awood biday dhinaca dhaqaalaha ka cunaqabatee; waa arin iska cad (war cadi dhafoor bu ku yaal).
Hadii Somalia ay sharci ku fadhido oo ay Lee dahay unnukaa xukuna Somaliland. Sidii Badda Kiiniya iyo Dawlada fadaraalka Somalia (South Somali Republic) ay u geeyeen Maxkamada. Tan imika hadii ay sharci u haystaan maxkamad u geeyaan.
Waayo taas waxaan ku caddaynayaa in marki tahli kari waayeen, meel kasta oo ay dhaqaale ka soo galo (dadka reer somalilanday) arkeen ay cunaqabateen ku sameeyaan, si dadka ku nool goboladii Konfurta Somali Republic ay intaas ku seexiyaan oo ay ku sasabaan oo ay yidhaahdaan "waxaan ka baabi'inaynaa Magaca Somaliland oo lagu badalaayo Somalia". Inaad riyooto waxaa ka horraysa in aad seexato.
Dhinaca kale markaad eegto. Heshiiska MOU Ethiopia iyo Somaliland ay la gashay waxaan u arkaa arin sax. Waxaa muuqata DP WORLD siday u diidayeen in maamulka Dekadda Berbara ay la wareegto, ee ayna awood ku lahayn joojinteeda. Maanta Dekadda Berbara waxaa ay sare u kac wayn samaysay 100kiina 1000 oo runtii adeegyada ay bixiso ka muuqato. Ta Muqdishana halka ay taalo waa la arkaa; isha' ayaa macalin ah. Wax horumar ahna may samayn intii ay ka iibiyeen TURKIGA.
Anigu shakhsiyan waxaan Lee yahay reer Somaliland waa taa Somalia meesha ay marayso aad aragtaan. 1980kiina halkii dhaqaalaheena la marinaayeyna oo cunaqabataynta ay sameeyeen waatii ku duntay dawladii aynu wada lahayn ee SOMALI REPUBLIC.
Maanta 2024kiina Somaliland way guulaysanaysaa Insha Allah. Muxaafid iyo Mucaaridba waxaan Lee yahay qaranimadu ha inawada deeqdo oo meel ha laga soo wada jeesto. Kursiga Ninkii uu Ilaahay SWC u qoray ayuunba kori oo talin doona. Ta inawada deeqdaana waa Qarinimada JAMHUURIYADDA SOMALILAND loo soo shubay dhiiga. Dadkeenii qiimaha wayn inagu dhexlaha oo maanta inaga hooseeya. Alle ha u wada naxariisto dhamaantoodna waa shihiid.
SOMALILAND GUUL
SOMALILAND GUUL
SOMALILAND GUUL
SOMALILAND HA NOOLAATO
SOMALILAND HA NOOLAATO
SOMALILAND HA NOOLAATO OO HA WAARTO
ALLAHUMA AAMIIIN