21/10/2022
https://www.dayaxhub.com/2022/10/qaybta-1aad-waa-maxay-website.html
Casharka 1aad Waa Maxay Website? waa maxay website, casharka 1aad, website.
Ka baro xirfadaha aqooneed ee kala duwan Meel kasta iyo Goob kasta DayaX Hub Academy.
21/10/2022
https://www.dayaxhub.com/2022/10/qaybta-1aad-waa-maxay-website.html
Casharka 1aad Waa Maxay Website? waa maxay website, casharka 1aad, website.
21/10/2022
https://www.dayaxhub.com/2022/10/xanuunka-macaankadaibeteskaadi.html
Xanuunka Macaanka/Daibetes/Kaadi sonkorowga macaanka,daibetes,kaadi sonkorow, waa cudur.
16/10/2022
Astaamaha Guusha Lagu Gaadho
Dadka guulaysata waxa ay leeyihiin astaamo ama dhaqamo aad u fara badan dhaqamadaas ayaa u hor seedo in ay naftooda horumar gaadhsiiyaan kadibna caalamka wax ku soo kor dhiyaan , hadaba waxaan soo qaadan astaamahaas kuwoo ga ugu waawayn . Astaamahan adigu naftaada ku dabaq si aad hormar la taaban karo u gaarto Astaamahana waxaa ka mid ah
1. KALSOONI
Kalsooni waxa weeyaan in aad u aragto naftaada mid wax soo saari karto ama wax soo kordhin karta guulna gaadhi karta . naftaada markaad ku kalsoonaato ayaa hiigsan kartaa waxaad rabto . waana furaha ugu muhiimsan ee guusha lagu gaadho .
'Hal fure oo muhiim u ah guusha waa kalsoonida , hal fure oo muhiim u ah kalsooniduna waa diyaargarowga . '
2. AQOON
Aqoontu waa furaha guusha waana midka mid ah astaamaha lagu gaadho guusha aqoontu waa iftiinka nolosha waana miisaanka uu qofku ku kala soocayo guush iyo guuldarada , samaanta iyo xumaanta . Aqoon la'aan waa iftiin la'aan .
Aqoontu waa anshax waa edabta, waa anfac waana shayga ugu qaalisan oo uu qofi hanti ahaan u leeyahay waana shayga kuu sahlayo in aad gaadhid himiladaada tusaale hadaad tiraahdo waxaan doonayaa inaan noqdo wariye oo aadan baranin cilmiga saxaafada waad ku guul daraysanaysaa inaad noqoto wariye fiican si aad guul uga gaadho mihnadaada waa in aad marka h**e barataa cilmiga saxaafada . Raadinta aqoontuna waa sir ka mid ah siraha guusha lagu gaaro .
3. DHAQAN WANAAG
Hadaad rabto inaad guulaysato waa in aad dadka si fiican ula dhaqanto kana fogaatid in aad dadka kula dhaqanto dhaqamo xun xun . Dhaqanka wanaagsan waxaa uu kaa dhiga yaa mid bulshada uu ku dhax nool yahay ixtiraaman . nooloshiisana ku guulaysta . Anshaxu waa birishka u dhexeeya yoolka iyo gusha .
4. ISKAASHI
' Wada shaqayntu waxa ay yaraysaa hawsha waxa ayna badisaa guusha !
Bulsho wax aay horumar ku gaadhaa iyadoo dad keedu is kaashado oo isku kalsoonaadan . iskaashigaasina wuxuu u hor seedaa midnimo iyo wada jir meesha midnimo taalo guuli waataala maxaayeelay iskaashato ma kufto .
Markaad rabto inaad hawl guul ka gaadho waxaa fiican in aad dadka la kaashato oo aadan kaligaa isku gaar yeelin maxaa yeelay far kaliya fool ma dhaqdo hadaad dadka la kaashato hawshaada wax waad ka faa'iidi . in aad hawsha si dhib yar u qabatid iyo in wakhtiga oo ah halbeega nolosha qofka uu kuu noqdo mid aadan ka qooma mayn .
"Ma qabsan karno wax yaalaha aynnu rabno anag oo wadajirna mooye . "
5. DAACADNIMO
Daacadnimadu waa tilman ka mid ah tilmaamaha ay leeyihiin dadka guulaysto waxay daacad u yihiin naftooda , dadkooda iyo dalkooda ma khiyaamaan dad kooda maxaayeelay waxeey ogsoonyihiin in khayaanadu ay ku soo dul noqoto khaa inka laftiisa . Khaa'inkuna uun san liibaanin .
6. ISXILQAAN
Isxilqaanku waa inaad wax kasta oo kugu waajibay inaad ka soo baxdo duruuf kasta oo jirta aanay kaa hor joogsan , caqabad kasta ama dhib kasta oo kaa hor timaada aanad u joojinayn , dibna aanad u noqonayn ilaa guushaada aad ka soo taabato .
7. RAJO SAN
Rajada sani waxaa weeyaan waxaa ku tusaya mustaqbalka waxaad noqon lahayd qofkasta oo guul inuu gaadho rabo waxaa laga rabaa inuu doonayo inuu guul ka gaadho inuu dhinaca fiican ka eego rajaystana wax fiican oo uusan ka eegin dhanka taban ama xun maxaa yeelay waxaad doonaysaa inaad ku guulaysato aad ka eegto dhanka xun waxay noqonaysaa baasaysi. baasaysiguna waxa uu ka mid yahay asbaabaha ugu h**eeya ee kuu diidan inaad noloshaada ka gaadho guul aad ku faraxdo . Waanad kartaa rajadaada inaad rumayso kaliya waxaad la kaalaydaa dadaal iyo dulqaad iskana ilaali baasaysiga.
" rajadu waa xusuusta lagu arkay inuu jiro iftiin aanuu samayn dhamman gudcurku ".
15/10/2022
Waa Maxay Hardware? Casharka 4aad.
Waa maxay hardware?
Su'aashan intaynaan ka jawaabi aynu eegno kalmada hardware waxay soomaali ku noqonayso.Kalmada hardware waxay somali ku noqonaysaa qalab. Marka labaranaayo komputerkii ama cilmiga tignoolajiyada waxay ugu jirtaa qalab dhinaca komputerka hadii aynu ka eegno wuxuu noqonaya (qalabka komputerka).Waxaan u malaynayaa inaad fahantay macno ahaan kalmada hardware.
Hadaba waxaynu ku badalaynaa kalmada hardware kalmadan oo ah (Qalabka kombayuutarku)Qalabka komputerku waa qaybaha jidheed ee nidaamka kombiyuutarku u baahan yahay inuu ku shaqeeyo. Waxay ka kooban yihiin wax kasta oo leh guddi wareeg ah oo ka dhex shaqeeya PC ama laptop ama desktop; oo ay ku jiraan Motherboard-ka, graphic carka, hard diskiga , CPU (Central Processing Unit), Ramka, Hard drive, power supply Unit, motherbroadka, waxyaabaha wax qaboojiya, iyo wixii la mid ah.
Kombuyuutarku waxa uu shaqayn karaa oo keliya marka qalabka oo aynu uga jeedno hardwareka iyo software-kuba wada shaqaynayaan, xawaaraha komputerku waxa uu inta badan ku tiirsan yahay qalabka la isticmaalo.
Waxaa jira qaybo ka tirsan hardwareka ama qalabka kombuyuutarka kuwaaso looyaqaan
External memory iyo Internal memory ama secondary Storage iyo Primary Storage. Hadaba hadiii aynu sharax kooban ka bixino labadan qaybood. Internal memory ama Primary Storage waa qayb kamida kombuyuutarka siiba qaybta hardwareka qalabka kombuyuutarka waa qayba xogaha lagu kaydiyo qaybo kamid ah.
Waxaana kamid ah RAM, Rom.
RAM waa xusuusta aasaasiga ah ee nidaamka kombiyuutarka. Sidoo kale, waa xusuusta ugu weyn ee nidaamka kumbuyuutarka, sidaa darteed, waxaa loo yaqaan xusuusta kaydinta. Dheeraad ah, waxaan sidoo kale ugu yeeri karnaa xasuus ku meel gaar ah. Haddii kombuyuutarku si lama filaan ah loo damiyo, xogta ku jirta xusuustan ayaa meesha ka baxaysa.Read Only Memory ayaa loo soo gaab saday waa qayb kamid ah qaybaha wax kaydiya ee kombutarka waxana loo qayaan qaybta xusuusta dheer Sababtu waa hadii kombuyuutarku bakhtiyo waad helaysaa xogtii aad savegaraysay sido kale wuxuu la shaqeeya qaybta saacada ee kombutarka.
Secondary Storage ama external memory waa qayb kamida qalabka komputerka ee wax lagu kaydiyo waybtan waxaa kamida falashta, Magnetic tapeka, usb drives. Dhamaan waxaad ku kaydsan kartaa xogta aad rabto ha yaraato ama ha badnaato.
Noocyada qalabka ama hardwareka waxaa ka mida
1:- Monitorka waxay soo bandhigtaa muuqalada, sawirada iyada oo ku soo bandhigaysa shaashada komputerka ama muraayada.
2:- Motherboard-ku waa qaybta dhexe ee kombiyuutarka. Dhammaan qaybaha kombiyuutarada waxay ku xiran yihiin Motherboard-ka. Motherboard-ku wuxuu leeyahay shaqooyin badan, oo ay ka mid yihiin kontoroolka awoodda dhammaan qaybaha, maaraynta socodka xogta qaybaha, iyo habaynta xidhiidhka ka dhexeeya CPU iyo qaybaha kale ee mishiinka. Motherboard-ku wuxuu bixiyaa dhibco isku xirka CPU, memory-ga, kaadhadhka ballaarinta, hard drives-ka, CD-ROM-yada, DVD-ROM-yada, kaadhadhka codka, kaadhka shabakadda, iyo kuwo kale.
3:- CPU waxa ay u taagan tahay (CENTRAL PROCESSING UNIT), waana qaybta ugu muhiimsan ee kombayutarka. Waa maskaxda kombiyuutarkaaga, oo ka baaraandegta dhammaan amarradaada iyo ficilladaada. Xawaaraha uu CPU-gaagu ku shaqeeyo ayaa go'aaminaya sida ugu dhakhsaha badan ee aad u dhamaystiri karto hawlaha kombiyuutarkaaga. Marka hawlo badan uu dhamaystiro CPU, kulayl badan ayaa soo saari doona, markaa tani waxay la macno tahay in CPU-gaagu uu u baahan yahay in si habboon loo qaboojiyo.
Waxaa jira saddex qaybood oo waaweyn oo CPU ah (Central Processing Unit), ALU CU STORAGE.
ALU arithmetic and logical unit waa qayb aasaasi ah oo ku jira dhammaan kombuyuutarrada kuwaas oo qabta hawlgallada xisaabinta iyo macquulka ah. ALU Waa biriish udhaxeeya Primary memory iyo Secondary memory kasoo ay sii marto xogta ay is waydarsanayaan
Control Unit (CU) waa qayb ka mid ah kombuyuutarka kaas oo maamula waxa ka dhacaya gudaha. Memory Storage waa aalad elektaroonik ah oo kaydisa xogta, barnaamijyada, iyo macluumaadka kale waxaa jira laba nooc ii xogta loo kaydiyo RAM IYO HARD DISK. Ramku wuxuu xogta ku kaydin karaa inta kombuyuutarkaagu shidan yahay wuxuu wax kugu kaydin karaa ramku si ku meel gaadh ah. Halka hard diskigu uu xogta kugu kaydin kara si joogta ah adiga oo ku kaydsan kara kolba inta uu yahay hard diskikaaga. Hard diskigu wuxuu xogta ku hayn karaa xitaa iyada oo uu kombuyuutarkaagu bakhtiisan yahay.
4:- RAM waxaa loo soo gaabiyay (Read only memory ) waa qayb kamida kombuyuutar memory, kaaso masuul ka ah inuu xogta kaydiyo inta uu kombuyuutarku shidan yahay.Hadii Ramka ku jira kombuyuutarkaagu weyn yahay xawaaraha komputerkaaguna aad ayuu u saraynayaa hadii uu yar yahayna xawaaraha komputerkaagu wuxuu noqon mid hoose.
5:- ROMKU waa qayb ka mid Kumbiyuutar memory waxana loo soo gaabsaday (Random Access Memory), waa nooc ka mid ah xusuusta kaydisa software-ka iyo xogta uu u baahan yahay kumbiyuutarku inuu bilaabo. Si kale haddii loo dhigo, marka aad shido kombuyuutarkaaga, wuxuu ku shubi doonaa nidaamka hawlgalka. Waa qaybta kaydisa xuuusaha dhaadheer hadii adiga oo wax ku qoraya Kombuyuutarka laydhku tago wixii aad qoraysayna way masaxmayaan laakiin hadii aad savegaraysay xogtaadii waad helaysaa waxaana ku kaydiyay waxaynu u naqaano Rom.
6:- Power supply Unit waa qaybta dabka u qaybisa kombuyuutarkaaga. Korontadu waxay leedahay laba xadhig oo koronto ah oo ku xidha Motherboard-kaaga. Kuwaas loo isticmaalo in lagu bixiyo danabka uu Motherboard-ku u baahan yahay si uu u habeeyo dhammaan danabyada kale ee qaybaha kale ee kombuyuutarka.
7:- Keyboard-ku waa qayb kamida Agabka kombuyuutar wuxuu ku jiraa qaybaha ugu muhiimsan ee qalabka ama hardwareka. Waa qaybta loo isticmaalo in wixii la qoroyo lagu soo galiyo.Kiiboodhka waa qalab wax lagu geliyo. Waxaan u isticmaalnaa kiiboodhka si aan xog u galin kombuyuutarka.
8:- Mouse waa qalab yar oo wax gelin ah oo aad isticmaali karto si aad u dhaqaajiso tilmaamayaasha shaashadda oo aad gujiso wixii aad doonayso. Mouseka waxaa ikhtiraacay Douglas Engelbart 1963-kii, laakiin muu noqon 1980-kii qayb ka mid ah isticmaalka ganacsiga caadiga ah
15/10/2022
Waa maxay softwareku? Casharka 3aad.
Software-ku waa tilmaamo, xog ama barnaamijyo loo isticmaalo in lagu shaqeeyo kombayutarada laguna fuliyo hawlo gaar ah. Softwareka waxaa loo qaybiyaa laba qaybood, oo Kala ah system software iyo application software.
1. System Software-ka waa nidaamka Barnaamijyada softiweerka ah waxaa loogu talagalay in lagu socodsiiyo barnaamijyada codsiyada kombiyuutarka iyo qalabka. Waxaana ka mida operating systemka oo afsomali ahaan noqonaya nidaamka hawlgalka. nidaamku hawlgalku waxa uu xidhiidhiyaa application softwareka iyo qalabka komputerku inay wada xidhiinaan sido kale wuxuu fudaydiyaa inuu userku si dhib yar ugu adeegan karo kombuyuutarka isaga oon garanayn luuqada lagula hadlo. Intaa waxaa dheer, wuxuu maamulaa hawlaha qalabka kombiyuutarka wuxuuna siisaa jawi ama goob loogu talagalay dhammaan noocyada kale ee software si ay ugu shaqeeyaan.
Operating system hadii aynu eeg waxa uu afsomali ku noqonaayo intaynaan. Sharixin waxa weeyi (Nidaamka hawlgalka) waxaan filayaa inaad fahantay inta ugu badan waxaynu adeegsan doonaa nidaamka hawlgalka oo aynu ku badali doono Operating system. Nidaamka hawlgalka waa macluumaadka isdhaafsiga u dhexeeya isticmaalayaasha iyo kombuyuutarrada qalabka iyo hababka xusuusta iyo sidoo kale qalabka softwareka iyo codsiyada. Qaabdhismeedka nidaamka hawlgalka wuxuu kormeeraa barnaamijyada, PC-ga iyo qalabka PC. Waxa kale oo ay kuu ogolaanaysaa inaad la xidhiidho kombuyuutarrada si aad u qabato hawlo kala duwan sida xisaabinta iyo hawlo kale oo muhiim ah, adigoon garanaynin sida loogu hadlo luqadda kombiyuutarka. Nidaamka hawlgalka firmware-ka waa qayb gaar ah oo ka mid ah software-ka kumbuyuutarka kaas oo bixiya xakamaynta heerka hoose ee qalabka gaarka ah, kaas oo ka caawiya maaraynta dhammaan qalabka iyo software kale ee kombiyuutarka.
Nidaamka hawlgalka, sidoo kale waxaa loo yaqaan "OS," interfaces. Nidaamka hawlgalka waxa uu bixiyaa Interface User Graphical (GUI) oo ah qaabka menu, icons, iyo button . Nidaamka hawlgalka waxa uu maareeyaa gelinta iyo soo saarista. Dhammaan aaladaha Input/Output waxaa maamula OS. Nidaamka hawlgalka waxa uu barnaamijka u rogaa habka. Nidaamka hawlgalka waxa uu maareeyaa hakadka oo waxa uu maareeyaa carqaladaha.
Operating system waa Interface User-Friendly Looma baahna xirfado farsamo oo ku shaqaynta GUI O/S Nidaamka hawlgalka oo aynu uga jeedno operating systemka ayaa mas'uul ka ah u qaybinta dhammaan xogta nidaamka oo dhan. Nidaamka hawlgelinta waxa uu ogolaanayaa in la wadaago hal xog iyada oo ay wadaagayaan dad badan. Nidaamka hawlgalka waa la cusboonaysiin karaa wakhti kasta isaga oo aan wax dhib ah la kulmin.
Operating system Wuxuu mas'uul ka yahay dhammaan hawlaha nidaamka kombiyuutarka. Waxa kale oo uu masuul ka yahay maaraynta qaybaha application systemka iyo hardware iyo ilaalinta u shaqaynta qalabku si sax ah. Dhammaan barnaamijyada kombiyuutarka iyo userku waxay u baahan yihiin nidaamka Operating systemka. Hadii uuna Operating system komputerka ku jirin waa qof ayna nafi ku jirin oo kale, kombuyuutarka hadii uuna Operating system ku jirin waxba ku qori maysid waxba ku daawan maysid waxna ku kaydin maysid. Operating system shaqooyin badan ayuu qaban karaa hal mar. Operating System-ku waa software-ka kaas oo ah dhexdhexaad ay ku wada falgalaan isticmaalaha iyo kumbiyuutarka. Operating System-ku waa software loogu talagalay kombiyuutar kasta. Qalab kasta oo kombuyuutar ah wuxuu u baahan yahay nidaamka hawlgalka ama operating systemka si uu u shaqeeyo. Qaar kamida operating systemka ama nidaamka hawlgalka kuwa ugu caan san waxaa kamid ah. Windows, linux, macOS
2:- Application software Waxaa loo yaqaan nidaamka codiga hadii aad maqasho nidaamka codsiga ama softwareka codsiga wax kale maaha waa Application software. Software-ka codsigu waa nooc ka mid ah software-ka loo qorsheeyay inuu qabto hawlo gaar ah. Waa nooc ka mid ah software-ka uu ku shaqeeyo codsiga isticmaalahu. Nidaamka codsiga waxaa loo isticmaalaa shaqooyin kala duwan . Codsiyada software-ka waxaa si gaar ah loo sameeyay si loogu xalliyo dhibaatooyinka qaarkood sida qorista iyadoo la adeegsanaayo applicationka layidhaahdo Microsoft word oo loo adeegsado in dukumentiyada lagu qorto sido kale nidaankan hawlgalka waxaa loo adeegsan tafatirka sawirka, xisaabinta, iwm.
Software-ka codsigu wuxuu ku qoran yahay luqado heer sare ah sida Java, C, iyo C++ Tusaalooyinka software-ka qaarkood waa VLC media player, Google Chrome, Adobe Photoshop, Mozilla Firefox, Opera iyo qaar kaloo badan WhatsApp, Instagram, iyo Viber waa qaar ka mid ah barnaamijyada codsiyada ugu caansan. Application softwareka waxaad kala soo dagaysaa internetka . Application software waxaa sameeya dadka software engineer ka ah kaasoo loosamaeeyo, Baahiyo kala duwan.
15/10/2022
BARASHADA COMPUTERKA QAYBTA 2AAD.
Noocyada kombuyuutarka
Dadka intooda badan markay maqlaan ereyga kumbuyuutarka, waxay ka fikiraan kombuyuutar gaar ah sida desktop-ka ama laptop-ka. Si kastaba ha ahaatee, kombiyuutaradu waxay ku yimaadaan qaabab iyo cabbiro kala duwan, waxayna qabtaan hawlo, ama shaqooyin kala duwan, iyada oo ku xidhan tahay nooca kombuyuutar ee ay tahay baahitaadu. Markaad lacag caddaan ah kala baxdo ATM-ka, , ama aad isticmaasho xisaabiyaha kalkuletark , waxaad isticmaalaysa nooc ka mid ah kumbuyuutarka, sido kale waxaa ka mida supercomputer, minicomputer, workstation computer, personal computer mainframecomputer
Laakin dadka badan koodu waxay kombuyuutar u yaqaan laptop iyo Desktop, laakiin maaha jawaab saxa oo kombuyuutar wuxuu noqon karaa in kabadan intaad u taqaan kombuyuutarka.
Isbadeladii uu soo maray kombuyuutar ku
In kasta oo horumarinta tignoolajiyada kombuyuutarku la billaabay qiyaastii 1940-kii, hadana kombuyuutar ugu h**eeyay waxa la soo saaray 1946kii waxana soo saaray professor xaga xisaabta aad, uyaqaan oo u dhashay dalka England magiciisana la yidhaahdo (Charles Babbage) Ilaa hadda, waxaa jira shan jiil oo kombuyuutar ah oo isasoo badelay.
Waxayna iskugu xigxigeen sidan
1:- Kombuyuutar ugu h**eeyay waxaa la soo saaray sannadku markuu ahaa 1946kii ilaa 1959kii waxaana loo isticmaali jiray vacuum Tubes, waxana loo yaqaanay (vacuum Tubes) wuxuuna isticmaali jiray luuqada mishiinka. Luuqada mishiinku waa luuqada looyaqaan low level language waana luuqadii ugu hoosaysa ee kombutarku fahmo, wuxuuna ka koobnaa 18000 oo waayiro waaweyna, wuxuu ahaa kombuyuutar aad u weyn wuxuuna kaligii buuxin jiray guri weyn, wuxuu ahaa 30 tan oo u dhiganta miisaan ahaan 30 baabuur oo yaryar.
2:- kombuyuutarkii labaad waxa la soo saaray sannadku markuu ahaa (1956 ilaa 1963) waxaana loo yaqaanay (Transistor computer) wuu ka yaraa marka loo eego kombuyuutarkii ugu h**eeyay.Wuu ka kul yaraa marka loo eego kombuyuutarkii kowaad, wuuna ka qiimo jabnaa wuuna ka wax qaad badnaa.Wuxuu isticmaali jiray Transistors ,Wuu ka wax qaaad fiicnaa marka loo eego kombuyuutarkii ugu h**eeyay Xaga xawaarahana wuu kaga fiicnaa.Wuxuu isticmaali jiray luuqada loo mishiinka assembly language program.
3:- komputerkii saddexaad waxaa la soo saaray sannadku markuu ahaa ( 1964 ilaa 1971) waxaana loo yaqaanay (integrated circuits).Wuu ka jaban yahay marka loo ee komputerkii saddexaad,wuu ka yaraa wuuna ka xawaara sareeyay, wuxu isticmaali jiray kiiboodh, muraayad. wuuna ka qiimo jabnaa marka la eego dhinaca lacagta ama qiimaha.Wuxuu isticmaala operating system.
4:- Komputerka afraad waxaa la soo saaray sannadku markuu ahaa (1971) waxaan loo yaqaanay (very large scale integration) wuxuu isticmaala microprocessor sido kale wuxuu isticmaala kumanaan integrated circuits iyo hal chip.Sido kale waa kombuyuutar yar qiimo ahaana jaban xawaare aad, sareeyanale waxaanad ku kayd san kartaa xadi aad u badan sido kale waxaa layidhaahdaa handle Devices ama waxaad gacanta ku qaadan karto.Sido kale wuxuu isticmaala operating system iyo application software.
5:- Kombuyuutarka shanaad waa kombuyuutarada aynu isticmaalno waana intelligent kombuyuutar. Waxaana loo yaqaan (ultra large scale integration ) aad ayay u jaban yihiin qiimo ahaanWaxqabadooduna aad ayuu u sareeya sida aynu kawada war qabno waxa aad doonto ayaad ku kaydsan kartaa hadii ay noqo mustaqbalka fog iyo ka dhawba. Waxaana loo isticmaala dhamaan tignoolajiyada oo dhan.
Waa maxay operating system
Operating system intaynaan sharixin haddii ay afsomali ahaan ku eegno wuxuu noqonayaa (Nidaamka hawlgalka)
hadaba operating sytem waa software-ka ugu muhiimsan ee ku shaqeeya kombiyuutarka. Wuxuu mamulaa xusuusta iyo habsocodka kombiyuutarka, iyo sidoo kale dhammaan software-rada iyo qalabka Hardwareka. waxa kale oo uu ku ogolaanayaa operating systemku in aad la xidhiidho kombayutarka adiga oo aan garanayn sida loogu hadlo luuqadda kombiyuutarka. operating system La'aantii waxa shaqo oo uu kombuyuutarku qabanayaa ma jirto.
Operating system waa nafta ku jirta kombuyutarka.Operating system wuxuu soo maray marxalado kala duwan.Inta badan dadku waxay iibsadaan operating system isaga oo ku jira kombuyuutarka laakin waa la horumarin karaa waxana dhicikarta in wax ka Badal lagu sameeyo.
Hadii aynu soo qaadano saddexda ugu caansan Operating systemyada waa,
Microsoft Windows, macOS, iyo Linux.
Hadii aynu sharaxaad kooban ka bixino.
Operating system windows
Waxaa soo saartay shirkada loo qayaan Microsoft, waxayna soo saartay sannadku markuu ahaa 1980 waxaa jiray noocyo badan oo kala duwan oo windows ah
kuwa ugu dambeeyay waa (Windows 10 waxana la soo saaray sannadkii 2015 Windows 8 waxana la soo saaray sannadku markuu ahaa 2012 Windows 7 waxana la soo saaray sannadku markuu ahaa 2009 Windows Vista waxana la soo saaray sannadku markuu ahaa 2007. Windowska ayaa horay loogu soo raray inta badan PC-yada cusub, taas oo ka caawinaysa in uu noqdo operating system ugu caansan adduunka.
MacOS
MacOS waa mid ka mida operating system kaasoo ay samaysay shirkada apple magiciisi h**e operating systemkan waxaa la odhan jiray (Os X)
Wuxuu ku jiraa dhamaan kombuyuutarada Macintosh, ama Mac-yada. Qaar ka mid ah noocyada gaarka ah waxaa ka mid ah operating systemkan waxaa ka mida Mojave oo ay shirkadu samaysay 2018 High Sierra oo isna la soo saaray 2017 iyo Sierra oo la soo saaray 2016.
LINUX
Linux waa mid ka mida system softwareka ama operating systemka qofku waxbuu ka badali karaa waxna wuu ku Dari karaa halka windowska aanad waxba ka badalayn.
Linux int badan waxaa isticmaala mobilada supercomputerka.
Waxaa kamida ubuntu, sido kale waa bilaash waxaanad inta badan loo isticmaalaa serverada waaweyn. Sido kale user interface waas u isticmaali kartaa.
Waxaa dhamaaday casharkii 2aad wuuna sii socon doona casharada barashada kombuyuutarku Lasoco Qaybta 3aad insha allah.
BARASHADA COMPUTERKA QAYBTA 2AAD.
Noocyada kombuyuutarka
Dadka intooda badan markay maqlaan ereyga kumbuyuutarka, waxay ka fikiraan kombuyuutar gaar ah sida desktop-ka ama laptop-ka. Si kastaba ha ahaatee, kombiyuutaradu waxay ku yimaadaan qaabab iyo cabbiro kala duwan, waxayna qabtaan hawlo, ama shaqooyin kala duwan, iyada oo ku xidhan tahay nooca kombuyuutar ee ay tahay baahitaadu. Markaad lacag caddaan ah kala baxdo ATM-ka, , ama aad isticmaasho xisaabiyaha kalkuletark , waxaad isticmaalaysa nooc ka mid ah kumbuyuutarka, sido kale waxaa ka mida supercomputer, minicomputer, workstation computer, personal computer mainframecomputer
Laakin dadka badan koodu waxay kombuyuutar u yaqaan laptop iyo Desktop, laakiin maaha jawaab saxa oo kombuyuutar wuxuu noqon karaa in kabadan intaad u taqaan kombuyuutarka.
Isbadeladii uu soo maray kombuyuutar ku
In kasta oo horumarinta tignoolajiyada kombuyuutarku la billaabay qiyaastii 1940-kii, hadana kombuyuutar ugu h**eeyay waxa la soo saaray 1946kii waxana soo saaray professor xaga xisaabta aad, uyaqaan oo u dhashay dalka England magiciisana la yidhaahdo (Charles Babbage) Ilaa hadda, waxaa jira shan jiil oo kombuyuutar ah oo isasoo badelay.
Waxayna iskugu xigxigeen sidan
1:- Kombuyuutar ugu h**eeyay waxaa la soo saaray sannadku markuu ahaa 1946kii ilaa 1959kii waxaana loo isticmaali jiray vacuum Tubes, waxana loo yaqaanay (vacuum Tubes) wuxuuna isticmaali jiray luuqada mishiinka. Luuqada mishiinku waa luuqada looyaqaan low level language waana luuqadii ugu hoosaysa ee kombutarku fahmo, wuxuuna ka koobnaa 18000 oo waayiro waaweyna, wuxuu ahaa kombuyuutar aad u weyn wuxuuna kaligii buuxin jiray guri weyn, wuxuu ahaa 30 tan oo u dhiganta miisaan ahaan 30 baabuur oo yaryar.
2:- kombuyuutarkii labaad waxa la soo saaray sannadku markuu ahaa (1956 ilaa 1963) waxaana loo yaqaanay (Transistor computer) wuu ka yaraa marka loo eego kombuyuutarkii ugu h**eeyay.Wuu ka kul yaraa marka loo eego kombuyuutarkii kowaad, wuuna ka qiimo jabnaa wuuna ka wax qaad badnaa.Wuxuu isticmaali jiray Transistors ,Wuu ka wax qaaad fiicnaa marka loo eego kombuyuutarkii ugu h**eeyay Xaga xawaarahana wuu kaga fiicnaa.Wuxuu isticmaali jiray luuqada loo mishiinka assembly language program.
3:- komputerkii saddexaad waxaa la soo saaray sannadku markuu ahaa ( 1964 ilaa 1971) waxaana loo yaqaanay (integrated circuits).Wuu ka jaban yahay marka loo ee komputerkii saddexaad,wuu ka yaraa wuuna ka xawaara sareeyay, wuxu isticmaali jiray kiiboodh, muraayad. wuuna ka qiimo jabnaa marka la eego dhinaca lacagta ama
4:- qiimaha.Wuxuu isticmaala operating system.
Komputerka afraad waxaa la soo saaray sannadku markuu ahaa (1971) waxaan loo yaqaanay (very large scale integration) wuxuu isticmaala microprocessor sido kale wuxuu isticmaala kumanaan integrated circuits iyo hal chip.Sido kale waa kombuyuutar yar qiimo ahaana jaban xawaare aad, sareeyanale waxaanad ku kayd san kartaa xadi aad u badan sido kale waxaa layidhaahdaa handle Devices ama waxaad gacanta ku qaadan karto.Sido kale wuxuu isticmaala operating system iyo application software.
5:- Kombuyuutarka shanaad waa kombuyuutarada aynu isticmaalno waana intelligent kombuyuutar. Waxaana loo yaqaan (ultra large scale integration ) aad ayay u jaban yihiin qiimo ahaanWaxqabadooduna aad ayuu u sareeya sida aynu kawada war qabno waxa aad doonto ayaad ku kaydsan kartaa hadii ay noqo mustaqbalka fog iyo ka dhawba. Waxaana loo isticmaala dhamaan tignoolajiyada oo dhan.
Waa maxay operating system
Operating system intaynaan sharixin haddii ay afsomali ahaan ku eegno wuxuu noqonayaa (Nidaamka hawlgalka)
hadaba operating sytem waa software-ka ugu muhiimsan ee ku shaqeeya kombiyuutarka. Wuxuu mamulaa xusuusta iyo habsocodka kombiyuutarka, iyo sidoo kale dhammaan software-rada iyo qalabka Hardwareka. waxa kale oo uu ku ogolaanayaa operating systemku in aad la xidhiidho kombayutarka adiga oo aan garanayn sida loogu hadlo luuqadda kombiyuutarka. operating system La'aantii waxa shaqo oo uu kombuyuutarku qabanayaa ma jirto.
Operating system waa nafta ku jirta kombuyutarka.Operating system wuxuu soo maray marxalado kala duwan.Inta badan dadku waxay iibsadaan operating system isaga oo ku jira kombuyuutarka laakin waa la horumarin karaa waxana dhicikarta in wax ka Badal lagu sameeyo.
Hadii aynu soo qaadano saddexda ugu caansan Operating systemyada waa,
Microsoft Windows, macOS, iyo Linux.
Hadii aynu sharaxaad kooban ka bixino.
Windows
Operating system windows Waxaa soo saartay shirkada loo qayaan Microsoft, waxayna soo saartay sannadku markuu ahaa 1980 waxaa jiray noocyo badan oo kala duwan oo windows ah
kuwa ugu dambeeyay waa (Windows 10 waxana la soo saaray sannadkii 2015 Windows 8 waxana la soo saaray sannadku markuu ahaa 2012 Windows 7 waxana la soo saaray sannadku markuu ahaa 2009 Windows Vista waxana la soo saaray sannadku markuu ahaa 2007. Windowska ayaa horay loogu soo raray inta badan PC-yada cusub, taas oo ka caawinaysa in uu noqdo operating system ugu caansan adduunka.
MacOS
MacOS waa mid ka mida operating system kaasoo ay samaysay shirkada apple magiciisi h**e operating systemkan waxaa la odhan jiray (Os X)
Wuxuu ku jiraa dhamaan kombuyuutarada Macintosh, ama Mac-yada. Qaar ka mid ah noocyada gaarka ah waxaa ka mid ah operating systemkan waxaa ka mida Mojave oo ay shirkadu samaysay 2018 High Sierra oo isna la soo saaray 2017 iyo Sierra oo la soo saaray 2016.
LINUX
Linux waa mid ka mida system softwareka ama operating systemka qofku waxbuu ka badali karaa waxna wuu ku Dari karaa halka windowska aanad waxba ka badalayn.
Linux int badan waxaa isticmaala mobilada supercomputerka.
Waxaa kamida ubuntu, sido kale waa bilaash waxaanad inta badan loo isticmaalaa serverada waaweyn. Sido kale user interface waas u isticmaali kartaa.
Waxaa dhamaaday casharkii 2aad wuuna sii socon doona casharada barashada kombuyuutarku Lasoco Qaybta 3aad insha allah.
10/10/2022
BARASHADA COMPUTERKA QAYBTA 1AAD.
Waa maxay kombuyuutar?
Kumbuyuutarku waa qalab elektaroonik ah oo maamula macluumaadka, ama xogta. Xogtaaso noqonaysa in lageliyo ( input data) ka Dib uu maamulo ( processing data )ka dibna uu kaydiyo xogta ( store data) ka dibna uu soo celiyo xogta ( output data )
Waxaa laga yaabaa inaad h**e u ogaatay inaad isticmaali karto kombuyuutar si aad u qorto dukumeentiyada, u dirto iimaylka, ugu daawato ciyaaraha , iyo baadhashada Shabakadaha. Waxa kale oo aad u isticmaali kartaa si aad wax uga beddesho ama u abuurto barmaamujiyo aad adigu leedahay.
Waxaynu odhan karnaa kombuyuutarku wuxuu ka mid yahay nolosheena, kombuyuutar la'aan waxba ma Kala soconayaan meel kasta oo aad nolosha kaga jirto, waad u baahan tahay kombuyuutar inaad wax ka taqaan ugu yaraan.
"Kombuyuutarku waa mishiin elektaroonik ah oo barnaamijayeysan oo loogu talagalay in uu qaato talooyin, sameeyo xisaabaad iyo hawlgallada macquulka ah ee xawaaraha dheereeya.
Kaasoo lagaga maarmay xogihii daahi jiray ama xiligii logu talagalay dib uga dhici jiray. Kumbuyuutarkii ugu horreeyay ee makaanik ah waxaa naqshadeeyay Charles Babbage 1837-kii . Waxa loo yaqaan 'Analytical Engine'.
Kombuyuutarku wuxuu ka kooban yahay laba qaybood oo Kala ah
Hardware iyo software.
Hardware waa qayb ka mid ah kumbuyuutarkaaga oo leh qaab dhismeed jireed, waxa aad ku arki kartaa indhahaaga qayb kasta oo hardware waanad taaban kartaa waxaana ka mida kiiboodhka , mouseka, CPUda Hard diskiga, Ramka, iyo saqafka sare ee kombutarka.
Software-ku waa hab kasta oo tilmaama ah oo u sheegaya qaybta hardware maxaa la qabanayaa ama sideee loo qabanayaa .
Hadii aynu si kale u dhigno softwareka waxa ku shaqeeya qalabka hardwareka, softwareka waad arkikartaa waanad kaantarooli kartaa laakiin ma taaban kartid.
Tusaale ahaan marka aad booqanayso website ama application waxa shaqada ugu wayn qabta software ka waxaynu odhannkarnaa waa nafta computerka haddii aynu si kale u dhigno. Softwareka waxa loo qaybiyaa laba qaybood system software iyo application software labada qaybood ee softwareka waxaynu ku sharixi doonaa qaybaha dambe.
Wax kasta oo aad ku sameyso kumbuyuutarkaaga waxay ku tiirsan yihiin labadan qaybood hardware iyo software. Tusaale ahaan, hadda waxa laga yaabaa in aad cashar ku daawanayso computerkaaga ama desktop kaaga waxa aad isticmaalaysaa browserka haddaba browser ama application waa software oo dhinaca hardware hadii aynu ka eegnana waxa lagayaaba inaad u isticmaalayso mouse kaaga oo aad kolba meel gujinayso.
Shaqooyinka uu ku qaban karo kombuyuutarku
1:- inaad xog geliso ( input data )
Qalabka aad xogta ku gelin kartana waxaa ka mida
Keyboard-ka
Mouseka
Scannerka
Tracballka
Lightpenka
2:- inaad xogtii si dhakhso ahlooga soo jawaabo wixii aad waydiisay( processing data) waxayna ku xidhan tahay CPUda iyo Ramka aad isticmaalayso xawaarahooda CPU iyo RAMKa xaga dambe ee casharka ayaynu ku sharixi doonaa
3:- inaad wax ku kayd san karo kombuyuutar iyadoo ku xidhan tahay kombuyuutar kaagu kolba inta qaadkiisu yahay ( storage Data)
Storagka waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah
Primary Storage iyo Secondary Storage
1:- Primary Storage waxa uu ku kaydinkaraa xogtaada inta ay korontadu joogto ama kombuyuutarku shidan yahay oo kaliya waxaana layolidhaa qaybya aad isticmaalayso RAM oo loo soo gaabsaday (Random Access Memory). Sido kale Primary storega waxaa loo qayaan internal memory. Waxaa kamida ( Ram, Rom, SRam, MRam, PRam, EPRam, EPPRam, DRamka) dhamaantood kuwan internal memory waxay ku sharixi doona xaga dambe lasoco
2:- Secondary Storage waxa lagu kaydiyaa xogta aad isticmaalaysid mar dhow ama mustaqbalka fog sido kale Secondary Storage waxaa loo yaqaan external memory.
Waxaana ka mida ( Hard disk, Disk Drive, Flash,) qaybaha external memorygana waxay ku shari doonaa qaybaha dambe.
4:- inaad xog kala soo baxdo kombuyuutarka (output) kugu kayd sanayd qalabka aad kagala soobixi karta waxaa ka mida
projectorka
speakarka
printerka
monitorka
Qaybtii kowaad ee casharka ayaynu dhamaynay la soco qaybta labaad mahadsanid.