15/06/2026
Kulanka Wasiirka Waxbarashada Jsl iyo Maamulka Dugsiga Sare ee Dayib Guray
Maamulaha Dugsiga Sare ee Dayib Guray, Mudane Abdinajib Aadan Axmed, iyo Maamule Ku-xigeenka dugsiga, Mr. Cabdikariim Xuseen Maxamed, ayaa maanta kulan muhiim ah oo qiimo badan kula yeeshay xafiiskiisa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Somaliland, Mudane Prof Ismaaciil Ducaale Cadhoome
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta dugsiga, falanqaynta baahiyaha guud ee haysta dugsiga, iyo sidoo kale qorshaha horumarineed ee mustaqbalka.
Wasiirka ayaa maamulka dugsiga u ballanqaaday in uu si dhow ula garab istaagi doono wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee dugsiga, isaga oo sidoo kale sheegay in Dugsiga Sare ee Dayib Guray ay wasaaraddu siin doonto mudnaan gaar ah oo ku aaddan qorshayaasha horumarineed.
Dhanka kale, maamulka, macallimiinta iyo ardayda Dugsiga Sare ee Dayib Guray ayaa si weyn u bogaadiyay dadaallada horumarineed ee ka socda dugsiga, iyo doorka muuqda ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ee ku aaddan tayeynta iyo horumarinta waxbarashada.