27/07/2024
Imtixaankaan qofkii awooda ha galo, dhibcihiisana ha arko, haddii uu jecleystana dhibcaha isla hadda ha nala wadaago, qofkii aanan rabinna kuma qasbana inuu dhibcihiisa nala wadaago.
300 oo dhibic guud ahaan haddii aad keentid abaalmarin adduun iyo mid aakhiro ayaad mudan tahay, 240 dhibic ka yar haddii aad keentidna adduunka dhexdiisa isla adigaba isku xisaabi, oo wax ka sax wixii kaa qaldan inta aad awooddo.
1- Weligaa qof Soomaali ah ma dishay?
Maya = 50 dhibic
2- Qof Soomaali ah dilkiisa maka qeyb qaadatay?
Maya = 50 dhibic
3- Weligaa qof Soomaali ah ma dhaawacday?
Maya = 40 dhibic
4- Weligaa qof Soomaali ah ma boobtay, ma baadday, ma dhacday ama ma xoogtay?
Maya = 30 dhibic
5- Weligaa hanti qof, mid shacab, mid ehel iwm ma musuqmaasuday? Ma xadday?
Maya = 20 dhibic
6- Weligaa dagaal Soomaaliya ka socda wax maka hurisay, lacag maku dartay, buunbuunis ma u sameysay, dad ma u dirtay ama fikir maku darsatay?
Maya = 50 dhibic
7- Weligaa qof Soomaali ah oo kaa taag darran (kaa daciifsan) heybtiisa (qabiilkiisa) dartiis maku dulmisay, dulmi noocii uu rabo ha ahaadee?
Maya = 20 dhibic
8- Weligaa caqabad maku noqotay ama si un ma u hor istaagtay wax maslaxo ama dan guud ah oo dalka ama dad Soomaali ah tirada ay rabaanba ahaadaanee ay ka faa'iideysan lahaayeen?
Maya = 20 dhibic
9- Ma aaminsan tahay qabiil ahaan inaad ka sareysid Soomaalida kale, in wixii aad rabtaanna aad ka sameysan kartaan Soomaalida, iyo sidoo kale in maslaxada qabiilkaaga ay ka muhiimsan tahay tan Soomaalida iyo dalka dhan?
Maya = 10 dhibic
10- Ma jirtaa cuqdad aad qabiil ama qabiillo dhan u qabtid, qof ama qof kale wuxuu geytsay awgeed, ama qabiillo aad iska neceb tahay ma jiraan?
Maya = 5 dhibic
11= Su'aalahaan ka jawaabidoodda ma kugu adkeyd, culeys maku dareentay, inaad dhibcahaaga nala wadaagtidna dhib miyay kugu tahay?
Maya = 5 dhibic
Mahadsanid inbadan, inta jawaab ee aad maya dhahday dhibcaha ku horyaalla dhan isku darso, wadartoodana noo sheeg comment ahaan.
Dhanka kale xaq waad u leedahay inaadan waxaaga nala wadaagin, ku qasbi meyno, lkn haddii aad ku faraxsan tahay natiijadaada nala wadaag.
Mahadsanid inbadan
Galab wanaagsan