19/01/2024
Barbaariye Hometaeching Centre
Asc wallal kusoo dhawaw page Faaidada waxbarashada mar walba waxa isku deyeynaa inaan ka caawino waxbarshada dhanka maadiga iyo dhanka diiniga inshallah
19/01/2024
21/08/2023
Fursad Dahabi ah 🤗
Ma jeceshahay in ubadkaagu ay noqdaan hormuudka iyo haldoorka dugsiga ?
Barbaariye Hometeaching waxa ay idinku bushaareyaneysaa Dhammaan bulsho weynta , Ardeyda , waalidiinta iyo bahda waxbarata in ay idin soo kordhisay hannaan cusub oo waxbarasho oo lagu kaabayo ardeyda laguna kobcinayo garraadkooda.
Sirta Guusha Ardaygu waa Macalin-guri.sida awgeed Barbaariye Hometeaching waxa ay idin diyaarisay macalimiin aqoon iyo Karti leh.kuwaas oo dhigaya Quraanka kariimka , culuumta diiniga ah , iyo culuumta maadiga ee dugsiyada sida ; maths , science , social, iwm. Casharada waxa lagu bixinaya qaab online ah iyo qaab offline ah .
Hadaba si ay ubadkaagu uga mid noqdaan Haldoorka iyo hormuudka Dugsiga ay dhigtaan . nagala soo xidhiidh taleefoonada hoos ku xusan .
0634640069 , 0633064811 ,0633160307
Intee ilmahaagu, kalsooni ku qabaa in uu kuu sheego waxkasta oo la kulma ama ka guuxaya maankiisa?
..........................................................................
Abuuridda xidhiidh adag oo furan, kuna dhisan kalsooni oo ilmaha lala yeesho ayaa fure u ah in ay kula wadaagaan wax kasta. Waxa aan jeclaystay in aan kula wadaago qaar ka mid ah xeeladaha sahlaya abuuridda wada-hadal furan oo kalsooni leh oo dhex mara waalidka iyo ilmahiisa:
1. Noqo mid lagu soo hirto, loona dhawaan karo(Be approachable): Abuur jawi diiran oo soo dhawayn leh, halkaas oo ilmahaagu ku dareemayo kal-gacal iyo kal-sooni uu kuugu yimaado.
U muuji xiisaha dhabta ah ee aad u qabto fikirradahooda iyo dareenkooda adiga oo danaynaya, si firfircoon u dhegaysanaya hadalkooda marka ay rabaan inay hadlaan.
2. U dhega nuglow in aad dhegaysato (Practice active listening): Marka ilmahaagu hadlayo, sii dareenkaaga oo dhan. Sii indhaha oo eeg(eye contact), Madaxa u lux si aad u tusto in aad fahantay warkiisa, iskana ilaali inaad ka dhex gasho, kana badh-goyso hadalka ama aad markiiba go'aanka siiso adoon dhegaysan warkiisa.
3. U muuji dhibirsanaan iyo fahan (Show empathy and understanding): U caddee inaad fahantay oo aad ixtiraam u hayso aragtidooda, xataa haddii aanad ku raacsanayn. Iska ilaali inaad iska indha tirto ama hoos u dhigto dareenkooda, waaya-aragnimadooda, ama ra'yigooda. Tix-geli dareenkooda(shucuurtooda), kuna dhiiri geli inay si xor ah u cabbiraan fakarkooda.
4. Samee aag aan ilmuhu ka cabsan in go'aan ku dhaco (Create a judgment-free zone):
U muuji ilmahaaga inay kula wadaagi karaan wax kasta iyaga oo aan ka baqayn in lagu xukumo ama lagu ciqaabo fakarka ay kula wadaageen. Ha ogaadaan inaad u joogto inaad u hiiliso, caawiso oo aad hagto, intii aad dhaleecayn lahayd ama aad cambaarayn lahayd falalkooda. Noqo waalid fur-furan oo xasuusan in fikirradahoodu ay ka duwanaan karaan kuwiisa.
5. Dulqaad muuji oo ha ka falcelin markiiba (Be patient and non-reactive):
Ha
30/04/2023
Maskaxda tuujiya oo jawaabta saxda ah soo sheega .
Illaahy diinta ha ina fahansiiyo walaalayaal
اللهم اغثنا ولا تجعلنا من القاطنين
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
150street
Hargeisa
252