Som-Vet Academy and Consultancy

Som-Vet Academy and Consultancy

Share

Som-Vet Academy and Consultancy is a private sector founded for the animal common interests. Its mai

03/04/2022

Ramadan Kareem

11/03/2022

Thesis Wrting & Consulting

06/03/2022

Bushaaro dhammaan ardayda Jaamacaddaha ka qalin jabinaysa heerarkooda kala duwan (postgraduate and undergraduate Students) in laga Caawin doona sida buugga qalin jabinta loo qoro iyo sida loo difaacdo.

Waxaa uu ku baxayaa Hab Online iyo Offline labada ah.


Som-Vet Academy and Consultancy
+252634252004
+252634402441
Email:[email protected]

26/02/2022

Dood-Wadaag: Hordhac iyo Falanqaynta Marxladaha guud ee Dhakhaatiirta Caafimaadka Xoolaha Soomaaliyeed ee Geeska Afrika.

-Waxaa marti galiyay: Ururka Dhakhaatiirta Caafimaadka Xoolaha ee Deegaanka Soomaalida (SORVA).

Taariikhda: 27/February/2022.
Maalinta Axad.
Waqtiga: 09:30 subaxnimo.

Ciwaankan hoose isticmaal si aad ooga qaybqaadato.

https://us05web.zoom.us/j/81904099896?pwd=eldDQ05FZXowbVhGNlVOZ0ZQRjNsUT09

Meeting ID: 819 0409 9896
Passcode: dY0Nhg

24/02/2022

Waxaa dhawaan dhici doono kulan ay yeelan doonaan xirfadleyda dhakhaaatiirta xoolaha ee somalida.

Kulankan waxaa lagu falanqeyn doonaa xaaladda guud ay ku sugan yihiin dhakhaatiirta xanaanadda xoolaha ee geeska Africa,

Waxaana marti galiyay barnaamijkan -Somali Region Veterinary Association- SORVA- oo ah urur ka dhisan dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya.

Kulankan waxa ka qayb gali doona ๐ƒ๐ซ ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐ง๐š๐๐ข๐ข๐Ÿ oo ka socda xarunta ๐’๐จ๐ฆ-๐•๐ž๐ญ ๐€๐œ๐š๐๐ž๐ฆ๐ฒ ๐š๐ง๐ ๐‚๐จ๐ง๐ฌ๐ฎ๐ฅ๐ญ๐š๐ง๐œ๐ฒ.

โ– Date - 27\2\2022
โ–  By online - Zoom meeting

Zoomta Link geeda waanu idin la wadaagi doonaa marka La

23/01/2022

๐Ÿƒ๐Ÿ๐Ÿ‘จโ€๐Ÿฆฐ ๐—๐€๐๐”๐”๐๐Š๐€ ๐๐”๐‘๐”๐’๐„๐„๐‹๐€๐‡๐€ ๐Ÿ‚๐Ÿ‘๐Ÿ‘ฉ

Buruseelahu waa cudur haleela xoolaha gaar ahaan Loโ€™da iyo adhiga waxa uu sidoo kale asiiba Ibnu-Aadam. Waa mid ka mida xanuunada isaga gudba xoolaha ( xayawaanka) iyo dadka. Astaanta ugu wayn ee lagu yaqaana waa dhicinta xoolaha. waxa sababa ilma-aragtay loo yaqaan Brucella.

๐๐š๐š๐›๐ค๐š ๐ฎ๐ฎ ๐‹๐จโ€™๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ๐€๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐๐›๐จ

Dhiciska, Xuubka ku dahaadhan uurku jirta iyo dareeraha ka imaada ilma galeenka neefka dhiciyey waxay dhamaantood xambaarsan yihiin ilma-aragtayga xanuunka sababa waxayna si sahlan ugu gudbaysa neefafka kale
Ilma-aragtayga xanuunka sababa oo ay ku qaataan calafka ay cunayaan
Ilma-aragtayga xanuunka sababa oo ka guduba boog dhaawaca oo jidhka xayaawanka ka mid ah.

๐‚๐š๐ฅ๐š๐š๐ฆ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ ๐š๐ซ๐ญ๐จ ๐ง๐ž๐ž๐Ÿ๐ค๐š ๐ฑ๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐ช๐š๐›๐š

โ—Neefka oo dhiciya, gaar ahaan wakhtiga dhalmadu soo dhawdaha
โ—Taranka oo uu ka qaado xoolaha lab iyo dhidigba
โ—Kala goysyada oo barararko

๐๐š๐š๐›๐ค๐š ๐ฎ๐ฎ ๐๐š๐๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐๐›๐จ

โ– Qabashada uurku jir,
โ– Taabashada xuubka uurku jirta iyo
โ– T aabashada dareeraha uurku jirta neef xanuunka qaba
โ– Dhamida caano laga soo lisay neef xanuunka qaba

๐€๐ฌ๐ญ๐š๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ ๐š๐ซ๐ญ๐จ ๐ช๐จ๐Ÿ๐ค๐š ๐ฑ๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š๐ง ๐ก๐š๐ฅ๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ฒ

โ—Xumad
โ—Dhidid badan oo uu habeenkii yeesho
โ—Cuno xanuun
โ—Murqaha iyo kala goysyada oo xanuuna
โ—Qufac aan kala goโ€™ lahayn
โ—Madax xanuun
โ—Miisaankisa oo dhaca
โ—Tabcaan

๐‡๐š๐›๐ค๐š ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐จ๐ ๐š๐š๐ง ๐ค๐š๐ซ๐จ

โ—Dhiciska oo laga baadho ilma-aragtayga sababa xanuunkan.
โ—Waa in dhiig laga qaado neefka lana shaybaadho
โ—Waa in calaamad loo sameeyo neefafka xanuunka qaba.

๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐ฒ๐ง

Xanuunkan wax daawo ah malaha
Neefafka xanuunka qaada mudo badan ayuu jidhkooda ku jiraa ilma-aragtayga xanuunka keena wayna u gudbin karaan neefafka kale sidaa awgeed waa in laga soocaa kuwa bad qaba

๐Š๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ญ๐š๐ ๐š
๐€.๐“๐š๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ข๐

Waxa jira talaal ka hortaga xanuunkan
Waa in la talaalo loโ€™da daโ€™doodu u dhaxayso 4-8 bilood iyo adhiga daโ€™doodu tahay 4 bilood
Ha talaalin dibida ( waxay ku keeni karta taranbeel )
Ha talaalin neefafka waaywayn (neefka riman wuu dhicin karaa)
Talaalka waa in lagu hayaa meel qabow
Haddii aad talaalka suโ€™aal ka qabto waadna nala soo xidhiidhi kartaa

๐. ๐“๐ข๐ฃ๐š๐š๐›๐จ
โ—waa in tijaabo caafimaad laga qaado xoolaha (xayawaanka) si loo hubiyo badqabkooda
โ—Waa in dhiig laga qaado xoolaha sanadkiiba hal mar
โ—Waa in caanaha laga tijaabiyo xanuunka labadii biloodba mar haddii xoolaha loo dhaqdo waxsoorsaar xaga caanaha ah

๐๐š๐š๐›๐ค๐š ๐๐š๐๐ค๐ฎ ๐ข๐ฌ๐š๐ ๐š ๐ข๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง ๐ค๐š๐ซ๐จ

โ—Waa in caanaha si wanaagsan laysaga kariyo
โ—Waa in qofku xidho faro gashad (Gloves) marka uu tabantaabinayo neef dhalaya ama uu taabanayo dhicis
โ—Waa in la gubo dhiciska iyo dhamaan dareerihii ku lamaana

๐–๐š๐š ๐ฆ๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐ฌ๐š๐›๐š๐›๐ญ๐š ๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐Ÿ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ ๐ง๐š๐š๐๐จ ๐ฑ๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š๐ง

๐€. ๐–๐š๐ฑ๐ฌ๐จ๐จ๐ซ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š

โ—Waxa uu curyaamiyaa wax soosaarka xoolaha
โ—Xanuunkan waxa uu isaga gudbaa xoolaha (Xayawaanka) dhexdooda
โ—Dabargoynta iyo tijaabinta xanuunkan waxay ku kacaysa lacag badan

๐. ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐€๐š๐๐š๐ฆ๐š๐ก

Waa xanuun aan Aadamuhu mahadin
In laga daweeyo xanuunka dadka waxay qaadata wakhti iyo kharash badan
Dadka uu haleelaa ma awoodaan in hawlo shaqo oo waxsoosaar leh ay qabtaan
Dadka waxa uu ku keeni karaa taranbeel ama madhalaysnimo

FG: Xanuunkani wuxu dhibaato baโ€™an ku hayaa dadkeena miyi iyo magaalaba, waxana jirta ku baraarugsanaan laโ€™aan.

W/Q. Dr Mohamed Ahmed Hassan (Nadiif)
Som-Vet Academy and Consultancy

Photos from Som-Vet Academy and Consultancy's post 22/01/2022

Dhaqataatiir Ka tirsan Xarunta Som-Vet Academy and Consultancy ayaa Adeeg daaweyn iyo Talobixin ah u sameeyey qaar ka mid ah xoolo dhaqatada degan koonfurta Magaaladda Hargaysa.

Photos from Som-Vet Academy and Consultancy's post 19/12/2021

Dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha ee xarunta Som-Vet Academy and Consultancy ayaa Qaliin(๐‚๐š๐ž๐ฌ๐š๐ซ๐ž๐š๐ง ๐’๐ž๐œ๐ญ๐ข๐จ๐ง) u sameeyey neef adhi ah( Lax) oo ilmuhu ku dhex bakhtiyey sidaa awgeed tahli kari wayday inay foolato. Qaliinkaasu waa lagu guulaystay.

Som-Vet Academy and Consultancy waxay u diyaarsan tahay in wixii dhibaato xoolaheena haysta ay kala shaqayso xoolo dhaqatada.

Photos from Som-Vet Academy and Consultancy's post 18/12/2021

๐‚๐”๐ƒ๐”๐‘๐Š๐€ ๐†๐”๐Œ๐๐Ž๐‘ (๐ˆ๐๐…๐„๐‚๐“๐ˆ๐Ž๐”๐’ ๐๐”๐‘๐’๐€๐‹ ๐ƒ๐ˆ๐’๐„๐€๐’๐„) ๐„๐„ ๐ƒ๐ˆ๐†๐€๐€๐†๐€

๐‡๐จ๐ซ๐๐ก๐š๐œ:

Cudurka Gumboro waa cudur uu fayras keeno oo si degdeg ah u faafa oo ku dhaca digaaga daโ€™doodu yartahay (3-6 todobaad). Taarikh ahaan cudurkan waxaa la ogaaday sanadku markuu ahaa 1962. Waxaana markii ugu horysay laga helay degaan ka tirsan dalweynaha maraykanka oo layidhaahdo Gumboro, Dalware, USA. Sidaasana magaca Gumboro loogu bixiyey magacan.

๐’๐š๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐ž:

Cudurka Gumboro wuxuu leeyahay samayn dhaqaale oo wayn, marka laga tago inuu keeno dhimasho badan wuxuu sidoo kale hoos udhigaa dufaaca digaaga (๐ˆ๐ฆ๐ฆ๐ฎ๐ง๐จ๐ฌ๐ฎ๐ฉ๐ฉ๐ซ๐ž๐ฌ๐ฌ๐ข๐จ๐ง). Hoos udhaca dufaaca ee ka dhasha xanuunkan Gumboro waxay sababtaa in talaalku shaqaynweyo iyo in ay digaagu u nuglaadaan cuduro kale gaar ahaan kuwa ay keento bacteeriyadu sida Escherichia coli.

๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ค๐ž๐ž๐ง๐š ๐œ๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐š๐ง (๐„๐ญ๐ข๐จ๐ฅ๐จ๐ ๐ฒ)

Cudurka Gumboro waxaa keena fayras (virus) loo yaqaano infectious Bursal Disease ๐•๐ข๐ซ๐ฎ๐ฌ (๐ˆ๐๐ƒ๐•) oo ka tirsan bahda loo yaqaano ๐€๐ฏ๐ข๐›๐ข๐ซ๐ง๐จ๐ฏ๐ข๐ซ๐ฎ๐ฌ (๐˜Ž๐˜ฆ๐˜ฏ๐˜ถ๐˜ด ๐˜ˆ๐˜ท๐˜ช๐˜ฃ๐˜ช๐˜ณ๐˜ฏ๐˜ข๐˜ท๐˜ช๐˜ณ๐˜ถ๐˜ด) oo ku abtirsadda qoyska la yidhaahdo ๐๐ข๐ซ๐ง๐š๐ฏ๐ข๐ซ๐ข๐๐š๐ž (๐˜๐˜ข๐˜ฎ๐˜ช๐˜ญ๐˜บ ๐˜‰๐˜ช๐˜ณ๐˜ฏ๐˜ข๐˜ท๐˜ช๐˜ณ๐˜ช๐˜ฅ๐˜ข๐˜ฆ).

๐…๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐š:

Virus-ka keena Cudurkan wuxuu awood u leeyahay inuu u adkaysto kulka (๐ก๐ž๐š๐ญ) iyo noocyadda jeermis dilaha loo isticmaalo (๐ƒ๐ข๐ฌ๐ข๐ง๐Ÿ๐ž๐œ๐ญ๐š๐ง๐ญ๐ฌ) sababtoo ah fayraskani wuxuu ka mid yahay noocyadda fayraska ee aan lahayn dahaadhka sare (๐ง๐จ๐ง-๐ž๐ง๐ฏ๐ž๐ฅ๐จ๐ฉ๐ž๐ ๐ฏ๐ข๐ซ๐ฎ๐ฌ) ee ka samaysan duxda (๐ฅ๐ข๐ฉ๐ข๐ ๐ž๐ง๐ฏ๐ž๐ฅ๐จ๐ฉ). Inta badan cudurkani wuxuu ku gudbaa cuntada iyo biyaha digaaga (๐Ž๐ซ๐š๐ฅ ๐ซ๐จ๐ฎ๐ญ๐ž).

๐€๐ฌ๐ญ๐š๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐š:

Astaamaha ugu caan san ee Cudurka Gumboro waxaa ka mid ah:

โ—Digaagu waxay saxaroonayaan saxaro cadaan ah oo biyo ah
โ—Digagada oo dabadeeda qanqaniinaysa
โ—Dabada oo digaagada adkaata ama qalafta
โ—Indhaha oo daboolma
โ—Cuntada oo ay joojiyaan digaagu
โ—Gariir ama ruxan
โ—Socodka oo ay awoodiweydo digaagadu
โ—Dhimasho badan
โ—Qanjidhka bursa oo barara

๐‡๐š๐›๐ค๐š ๐ฅ๐จ๐จ ๐›๐š๐š๐๐ก๐จ ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐š๐ง:

Siyaabaha lagu ogaado cudurka Gumboro waxaa ka mid ah:
Astaamaha cudurka oo la darso
In la furo uur ku jirta digaaga u dhintay cudurkan iyo kuwa looga shakisanyahayba (๐๐จ๐ฌ๐ญ-๐Œ๐จ๐ซ๐ญ๐ž๐ฆ ๐„๐ฑ๐š๐ฆ๐ข๐ง๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง). Habkan waxaa lagu xaqiijinayaa calaamadaha xanuunkan u gaarka ah ee samaysma xubnaha gudaha sida Qanjidhka bursa iyo kalyaha
In la aqoonsado nooca fayraska iyadoo la isticmaalyo ๐„๐‹๐ˆ๐’๐€, ๐๐‚๐‘.

๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ญ๐š๐ ๐š:

Ilaa imika cudurkan Gumboro wax daawo ah oo lagula tacaalo malaha waxaa lagaga hortaga karaa in laga talaalo digaaga yaryar (๐œ๐ก๐ข๐œ๐ค๐ฌ).

๐–/๐: ๐ƒ๐ซ ๐ˆ๐๐ข๐ซ๐ข๐ฌ ๐’๐ฎ๐ฅ๐ž๐ข๐ฆ๐š๐ง ๐€๐›๐๐ข
Som-Vet Academy and Consultancy

Photos from Som-Vet Academy and Consultancy's post 07/12/2021

๐’๐ข๐๐ž๐ž ๐›๐ฎ๐ฎ ๐œ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ฃ๐จ๐จ๐ ๐ญ๐ฎ ๐Ÿฆ๐Ÿ…๐ŸฆŒ๐Ÿฆ‡ ๐ฎ ๐ฌ๐š๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐š ๐œ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐š๐š๐๐š๐ง๐š๐ก๐š?

Noocyada xayawaanka duurjoogta ah waxay abuuraan dheellitirka deegaanka ee aynu ku tiirsannahay. Si kastaba ha ahaatee, 3/4 ka mid ah xanuunada cusub ee aan h**e loo aqoonin waxay ka yimaadaan duurjoogta.
Hirgalinta seerayaal lagu ilaalinaayo duur-joogta waxay yaraynaysaa halista cudurrada mustaqbalka ee ku faafaya aadamaha.


#๐Ž๐ˆ๐„

How does wildlife health ๐Ÿฆ๐Ÿ…๐ŸฆŒ๐Ÿฆ‡ impact human health?

Wild animal species create balance in the ecosystems we depend on. Nevertheless, 3/4 of ๐Ÿฆ  emerging diseases ๐Ÿฆ  stem from wildlife. Investing resources into protecting wildlife and their habitats reduces risks of future disease spillovers to humans.



Photos from Som-Vet Academy and Consultancy's post 12/11/2021

Dhakhaatirta ka hawlgasha xarunta Som-Vet Academy and Consultancy ayaa adeegyo Caafimaad iyo talo bixineed ka fuliyey Deeganka ee koonfurta Magaaladda Hargaysa.

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Hargeisa