23/01/2022
๐๐๐จโ๐ฆฐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ฉ
Buruseelahu waa cudur haleela xoolaha gaar ahaan Loโda iyo adhiga waxa uu sidoo kale asiiba Ibnu-Aadam. Waa mid ka mida xanuunada isaga gudba xoolaha ( xayawaanka) iyo dadka. Astaanta ugu wayn ee lagu yaqaana waa dhicinta xoolaha. waxa sababa ilma-aragtay loo yaqaan Brucella.
๐๐๐๐๐ค๐ ๐ฎ๐ฎ ๐๐จโ๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ
Dhiciska, Xuubka ku dahaadhan uurku jirta iyo dareeraha ka imaada ilma galeenka neefka dhiciyey waxay dhamaantood xambaarsan yihiin ilma-aragtayga xanuunka sababa waxayna si sahlan ugu gudbaysa neefafka kale
Ilma-aragtayga xanuunka sababa oo ay ku qaataan calafka ay cunayaan
Ilma-aragtayga xanuunka sababa oo ka guduba boog dhaawaca oo jidhka xayaawanka ka mid ah.
๐๐๐ฅ๐๐๐ฆ๐๐๐๐ก๐ ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐ ๐๐ซ๐ญ๐จ ๐ง๐๐๐๐ค๐ ๐ฑ๐๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐ ๐ช๐๐๐
โNeefka oo dhiciya, gaar ahaan wakhtiga dhalmadu soo dhawdaha
โTaranka oo uu ka qaado xoolaha lab iyo dhidigba
โKala goysyada oo barararko
๐๐๐๐๐ค๐ ๐ฎ๐ฎ ๐๐๐๐ค๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ
โ Qabashada uurku jir,
โ Taabashada xuubka uurku jirta iyo
โ T aabashada dareeraha uurku jirta neef xanuunka qaba
โ Dhamida caano laga soo lisay neef xanuunka qaba
๐๐ฌ๐ญ๐๐๐ฆ๐๐ก๐ ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐ ๐๐ซ๐ญ๐จ ๐ช๐จ๐๐ค๐ ๐ฑ๐๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐๐ง ๐ก๐๐ฅ๐๐๐ฅ๐๐ฒ
โXumad
โDhidid badan oo uu habeenkii yeesho
โCuno xanuun
โMurqaha iyo kala goysyada oo xanuuna
โQufac aan kala goโ lahayn
โMadax xanuun
โMiisaankisa oo dhaca
โTabcaan
๐๐๐๐ค๐ ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐จ๐ ๐๐๐ง ๐ค๐๐ซ๐จ
โDhiciska oo laga baadho ilma-aragtayga sababa xanuunkan.
โWaa in dhiig laga qaado neefka lana shaybaadho
โWaa in calaamad loo sameeyo neefafka xanuunka qaba.
๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง
Xanuunkan wax daawo ah malaha
Neefafka xanuunka qaada mudo badan ayuu jidhkooda ku jiraa ilma-aragtayga xanuunka keena wayna u gudbin karaan neefafka kale sidaa awgeed waa in laga soocaa kuwa bad qaba
๐๐ ๐๐จ๐ซ๐ญ๐๐ ๐
๐.๐๐๐ฅ๐๐๐ฅ๐ข๐
Waxa jira talaal ka hortaga xanuunkan
Waa in la talaalo loโda daโdoodu u dhaxayso 4-8 bilood iyo adhiga daโdoodu tahay 4 bilood
Ha talaalin dibida ( waxay ku keeni karta taranbeel )
Ha talaalin neefafka waaywayn (neefka riman wuu dhicin karaa)
Talaalka waa in lagu hayaa meel qabow
Haddii aad talaalka suโaal ka qabto waadna nala soo xidhiidhi kartaa
๐. ๐๐ข๐ฃ๐๐๐๐จ
โwaa in tijaabo caafimaad laga qaado xoolaha (xayawaanka) si loo hubiyo badqabkooda
โWaa in dhiig laga qaado xoolaha sanadkiiba hal mar
โWaa in caanaha laga tijaabiyo xanuunka labadii biloodba mar haddii xoolaha loo dhaqdo waxsoorsaar xaga caanaha ah
๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐ค๐ฎ ๐ข๐ฌ๐๐ ๐ ๐ข๐ฅ๐๐๐ฅ๐ข๐ง ๐ค๐๐ซ๐จ
โWaa in caanaha si wanaagsan laysaga kariyo
โWaa in qofku xidho faro gashad (Gloves) marka uu tabantaabinayo neef dhalaya ama uu taabanayo dhicis
โWaa in la gubo dhiciska iyo dhamaan dareerihii ku lamaana
๐๐๐ ๐ฆ๐๐ฑ๐๐ฒ ๐ฌ๐๐๐๐๐ญ๐ ๐๐ฒ ๐ญ๐๐ก๐๐ฒ ๐ข๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ ๐๐๐๐ฃ๐ข๐ ๐ง๐๐๐๐จ ๐ฑ๐๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐๐ง
๐. ๐๐๐ฑ๐ฌ๐จ๐จ๐ซ๐ฌ๐๐๐ซ๐ค๐ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฅ๐๐ก๐
โWaxa uu curyaamiyaa wax soosaarka xoolaha
โXanuunkan waxa uu isaga gudbaa xoolaha (Xayawaanka) dhexdooda
โDabargoynta iyo tijaabinta xanuunkan waxay ku kacaysa lacag badan
๐. ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฆ๐๐ก
Waa xanuun aan Aadamuhu mahadin
In laga daweeyo xanuunka dadka waxay qaadata wakhti iyo kharash badan
Dadka uu haleelaa ma awoodaan in hawlo shaqo oo waxsoosaar leh ay qabtaan
Dadka waxa uu ku keeni karaa taranbeel ama madhalaysnimo
FG: Xanuunkani wuxu dhibaato baโan ku hayaa dadkeena miyi iyo magaalaba, waxana jirta ku baraarugsanaan laโaan.
W/Q. Dr Mohamed Ahmed Hassan (Nadiif)
Som-Vet Academy and Consultancy