Ururka wada jir

Ururka wada jir

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ururka wada jir, School, Hargeisa.

03/07/2022
22/09/2021

Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil qaar ka mid ah.

1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo".

2- " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa".

3- " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan".

4- " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah , qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha".

5- " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku, meeday barwaaqaada ay sheegaayaan " ?

6- " Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha ".

7- " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. "

8- " In Hooyo la noqdaa waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad ".

9- " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay, laakiin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Aakhiro u direen ".

10- " Quraanka haddii aad akhrido, qof Rabigii u waramaayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaaya ".

11- " Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ".

12- " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ".

13- " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo, waxa ka h**eeya qalbigooda inaad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi karaysid, qalbigana waxaa lagu furaa jacayl, naxariis iyo hadal wanagsan ".

14- " Waxa laga yaaba inad saacado badan ku bixiso iskuulka, intaad is leedahay yaad saaqidin ee waxbaro, oo ka warran maalinta qiyaame haddaad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weyni jirin ".

15- " Dadka kuwa ugu hantida badan
Aya ah kuwa ugu hurdada yar ".

16- " Hadday jannadu tahay meesha qofka loogu nimceenayo, caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqaabayo, Addunyaduna waxay tahay meesha qura ee laysku imtixaamayo ".

17- " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo ".

18- " Jaamacad baan ka baxay, shahaadaan qaatay, shaqo fiican baan helay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo, maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oo dhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha ma maalin badhkeed bad dooratay marka ".

19- "In xaafad kasta laga dhiso toddoba Masaajid oo aan qaar-kood cidi ku tukan waxaa dhaanta adoo dhisa wado dadku maro, oo ka gaadhiga wata aanu gaadhigu kaga jabin ka maskiinka ah ee lugaynaayana aanu ku dhibtoon ".

20- "Islaamnimada wax mucaarad la yidhaahdaa kuma jirto, Islaamnimada waxa ku jira xaq iyo baadil, wixii xaq ah in aad taageertaa waa waajib wixii baadil ahna in aad ka soo horjeesataa waa waajib ".

WQ: Daarul Maqaam.

19/08/2021

Waa waxa Laga xumado aha Ina xukumad soomaaliland Dadka baadilakà iyo kufuriga wadana Soo dhawayasato .

Dadka xaqqa iyo runta sheegaya Aya xidhi xidho

Cabdimaaliga sh. Muuse coldoon.
Alleh xoriyadadi diba hakugu Soo caliyo.

Photos from Ururka wada jir's post 19/08/2021

Gudoomiyaha Golaha Wakilada, Wasiirka Wasaarada Diinta
Awqaafta Somaliland iyo maayarka Caasimada ayaa ka qayb-
galay kulan Diimeedkii 3aad ee Ansaaru Sunnah,

18/08/2021

"Cabdilaahi Dahab waxa uu si toosa uga soo hor jeedsaday
siyaasada Xisbiga Waddani, Shirarka Xisbigana ka muu soo qayb
gali jirin, Suuqana wuxuu ka waday wax khilaafsan siyaasada
Xisbiga, waxaanuu diiday in uu gayb ka noqdo talada XisbigaIbraahim Mahdi Buube isna waa lamida"

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani Khadar Hussein Abdi

18/08/2021

Waxa xoriyadiisii dib u helay sheekh maxamed sheekh ismaaciil
oo hargeisa ku xidhnaa sida ay xaqijiyeen qaar kamid ah
eheladiisu.

Masha allah.

17/08/2021

Xidhibaano ka tirsan Golaha Wakilada Somaliland ayaa kulan
Albaabuduu xidhan-yihiin la'qaatay Wasiirka Arimaha Gudaha
Maxamed Kaahin AxımedWaxaanay xildhibaanadu wasiirka wax-ka waydii)
Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil oo dhawaan la'xidhay,en xaaladdaLabada dhinac waa wasiirka iyo Xildhibaanadee Mid-koodna
kulanka Warbaahinta war k**a siin,Xildhibaanada oo u muuqday kuwo oofinaya balan-qaadkii ay
h**e Ololaha ugu galeen ee ahaa inay shacabka difaaci-doonaan
ayaa kala ahaa:-
1- Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun
2:- Xildhibaan Maxamed Abiib
3:- Xildhibaan Saleebaan dheere
4- Xildhibaan Xuseen
5- Xildhibaan Qaasim

xigasho. badri kosar.

16/08/2021

Madaxweyne aabahay meel noogu sheeg 😭.

Inan uu dhalay sheekh maxamed ismaaciil.

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Hargeisa