07/12/2023
6 Qodob Oo Caajiska Iyo Daalka Kaa Ilaalinaya Si Aad Howlahaaga U qabsato
Caajis iyo daal fara badan ma dareenta? Ma iska wayday xiisihi aad hawlaha ku qaban jirtay? Waxyaabihi aad jaclayd xiisahay lahaayeen ma ka wayday? Sideed dareenka iskaga biin lahayd? Sii akhri si aad uga faaidaysato:
1=Qabo wax ka duwan waxyaabahad qaban jirtay:
Markaad wax ku celcelisid xiisuhu doonto ha yeeshe marka u danbaysa waad ka xiiso jabi doonta. Ku dadaal inaad kala gadgadiso waxyaabahad qabatid. Wadada aad mari jirtay bedel, dad cusub la kulan, asxaabti inbadan isarag la kulan, buug cusub akhri.
2=Is xasuusi hadafkaaga:
Imisa hawlood ayaad ka niyad jabtay? Marku ku galo dareen noocas ah islamarkiiba is xasuusi hadafkaaga. Marnaba ha ilaabin sababta hawsha u bilowday, is xasuusi muhiimada hawshu leedahay ka dibna ka fikir sidii aad qaab cusub ugu wadi lahayd.
3=Cadceeda u bax:
inkasto ay jirto dhibaatoyn badan marka cadceeda la socsocdo laakin markaad inyar aad cadceeda u baxdid wuxu leeyahay faaidoyn badan ka mid ah inu dareenkaaga bedelo, habeenka hurdo wanaagsan qaadatid, dhiig-karka hoos u dajiyo.
4=Nasasho qaado:
Markaad inbadan shaqaysid maskaxduna daasho waxa lagamamaarmaan ah inaad nasasho qaadatid si aanad caajis u dareenmin. Markaad nasasho qaadatid waxaad helaysa energy cusub aad ku shaqayn lahayd.
5=Is dhiiri gali:
Mar walba joogtee inaad dhinaca wanaagsan hadafkaaga ka eegtid
6=Jimicso:
Markaad inyar jimicsatid isla markiiba waxaad dareenmaysa furfurnaan iyo farxad., dhiiga ku furfurmaya.
06/12/2023
Awoodda Aqoonta: Sidee Ayay Waxbarashadu Nolosheenna U Kobcisaa?
Adduunyada sida joogtada ah u kobcaysa, helista aqoontu waxay noqotay mid ka muhiimsan sidii h**e. Waxbarashadu waa safar nololeed oo aan kaliya balaadhin adduun arageenna, laakiin sidoo kale faa'iidooyin badan ayay u leedahay nolosheenna shakhsi iyo midda xirfadeed labadaba. Laga soo bilaabo balaadhinta aragtiyaheena ilaa kor u qaadida kalsoonida nafta iyo furitaanka albaabada fursadaha cusub, aqoontu waxay adeegsanaysaa awood isbedelaysa oo kor u qaadeysa nolosheena, iyada oo aynu u marayno jidad kala duwan. Faa’iidooyinkaasna waxaa kamida:
1. Fikirka:
Mid ka mid ah siyaabaha aasaasiga ah ee aqoontu u kobciso nolosheena waa iyada oo ay balaadhinayso aragtiyaheena. Barashadu waxay ina tusinaysaa fikrado cusub, dhaqamo iyo hab-feker, taasoo inoo ogolaanaysa inaan ka xorowno aragtideena xaddidan. Waxa ay awood inoo siinaysaa in aan qadarrinno kala duwanaanshaha, qaadashada ra'yida kala duwan iyo horumarinta shucuurteena. Marka ay aqoonteenu korodho, waxa aynu noqonaynaa shakhsiyaad maskax furan, le awoodda la qabsiga, oo awood u leh in ay ku lug yeeshaan horumarinta nafahooda iyo bulshadoodaba.
2. Horumarinta Xirfadaha Fikirka Muhiimka ah:
Aqoontu waa shidaalka awood u leh fikirka muhiimka ah, kaas oo awood inoo siinaya in aan falanqayno xogta, qiimeyno doodaha iyo sidoo kale in aan qaadano go'aamo xog ogaal ah. Marka aynu urursanayno aqoonta dhinacyadeeda kala duwan, waxaynu horumarinaynaynaa hab caqli badan oo lagu xalliyo dhibaatada. Waxa aynu baranaynaa habka weydiimaha su'aalo baadhitaanno ah, ka doodno mala-awaalka iyo raadinta caddaymo sugan. Tani waxay kor u qaadaysaa awoodeenna si aan u maareyno xaaladaha qallafsan ee nolosha, aqoonsanno khaladaadka macquulka ah, oo aan gaadhno yoolalkeena nololeed. Fikirka muhiimka ah (Critical thinking) wuxuu noqdaa qalab qiimo leh oo awood inoo siinaya in aynu ka gudubno caqabadaha oo aynu sameyno go'aamo sax ah dhinacyada shakhsi ahaaneed iyo kuwa xirfadeed labadaba.
29/11/2023
Asalamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu bacda salaan waxaan aad ugu mahad celinayaa Ilaahay SW i fududeeyay inaan soo diyaariyo mowducan waxaan kalo mahad gaara iska leh walidkayga bacda mahadnaq
Hordhac
Waxaan soo gudbinaya jeclahay inaan ka hadlo mowduuc dulucdiisu tahay ‘’aqristaha maanta waa hogaamiyaha bari.’’Mowduucan waa baladhan yahay maqaal kobana lagagama hadli karo lakin waan yara tatabanayaa.Muhiimada aqriska waxaa ilahay dhigay maqaan aad u sareeya isagoo u doortey sodonka jis ee quraanku ka koban yahay erayga ugu h**eeya noqdo ‘’iqra’’ eraygaas oo nabegeena suban NNKH lagu amrayo inuu wax aqriyo waqtigaas nabigu NNKH wuxuu ahaa UMI macnaheedu waa inaanu waxna qorin aqrina taas ilahay wuxuu ka lahaa xeeldheer oo latusinayo biniadmka muhimada aqriska.
Waa maxay aqriska?
Aaqrisku waa qudinta,kobcinta, kor uqadida ,qimaynta maskaxda.Sida jidhku ugubahan yahay cunto iyo cabid maskaxduna waxay ugu bahan tahay aqris. Dadka wax aqriya waad ad ka cimri dheer dadka kale waxay tariikh iyo fikarado ka hayaan dadkii boqolaalsano ka h**eyay waxayna waxayna tariikh iyo fikrado fican ugu tagaan dadka ka danbeya yagoo usii reeba qoraal fican.
Faa’iidada aqriska
Madama oo u mowducan aad u baladhan yahay waxaan taban doona faa’iidad aqriska isagoon la soo kaabi karin waxa kamida:
1) Ilalinta waqtiga
Waqtigu waa shay aad uqaliya wana waxa kaliya een dib usoo noqonayn in la ilaaliyo lagana faaiidaysto waa muhiim,
Waakii laha Alle ha unaxariiste abwaan X.adan afqalooq;
Saben tagey mid wali soosocdiyo saaka waxa jooga
Sadexdaa waqtibaa xaal aduun lagu sifeyaaye
Soonoqod majiro shaley wixii sadufoo dhacaye .
qof walaba oo gulaysta if iyo akhiraba waa qofka xisabiya waqtigiisa akhriskuna waa shayga ugu fican ee waqtiga lagu ilaaliyo.
2) ka fogaanta dambiyada
waqtigaad wax aqriyayso waxaad ka dheeranaysa danbiyada sida
xanta, filimada ,hadalka bila macniga ah ,beenta, aflagadeenta dadka iyo dagaalka IWM.
3) Cilmi korodhsi
Waxaa kordhaysa caqligaaga,maskaxadaada,aragtidaada iyo wayo arignima buuxdana oo aad ka helaysid aqriska.
Waxaad kaloo ka helaysaa fikrado cusub sida noloshii dadkii h**e ama erayo cusub iyo iyo dabecadaha iyo nolosha dadkood wax kabaratid
Somalida iyo aqriska,
Soamalida waxay ahaayeen dad hadal iyo hawraar isku gudbiya fariimaaha kana dhigan jirey iskaadhsiin. Waxay ahayeen dad ka fog aqriska iyo qoraalka taa badalkeeda wuxuu ilahay hibo u siyay hal abuurka .
Hadii aan yara dul istaago waqtigii la qoray luqada somaliga Af soomaaliga waxaa la qoray Sanadkii 1972-kii. Af soomaaliga waxa lagu qoraa xuruufta laatiinka ka dib 11 sano markii la magacaabay guddigii Af Soomaaliga sanadkii 1961. Dood dheer ka dib, guddigu wuu talo gafay. Dowladii Kacaanka ayaa dib boorka uga jaftay guddiga waxaana muddo 2 sano ah lagu hirgeliay qorista iyo barashada Af Soomaaliga.
Madaama ay koobnayd waqtiguu qornaa afka somaligu waxaa aad u yar inta somalida wax aqrid ama qorta. Taas oo ah wax biniadamku ka siman yihiin yagoon soo dhawayn waxa ku cusub.
Sababaha kenay aqris la’aanta.
1) Sabir la’aan
Somalidu waxaa ku yar samirka Ilahay wuxuu yidhi: samir baa lagu gadha imaamada iyo melaha sare.
Waxaan leyay aqriku wuxuu ubahan yahay samir haloo samro.
‘’Dhayal laguma helo wadaadow
Waxaan cidi u howshoone
Naftaa loo hantaaqa waxaad xiigso ledahaye .’’
2) Haweenka
Haweenku waa hagaha tarbiyadaynta iyo horumarinta bulshada madama hoyada ay tahay warshada bulshada oo ay soosaarto waxa u qalisan aduunka waa inay ka fakartyo sidey usoo saari lahayd ilmo meel walba ka dhisan xaga dineed iyo dhaqaneedba.
Markaa waa inay ku tarbiyayso wax aqriska iyo inay kor uqaado shaqsiyada ilmaha si ay usoo saarto hogamiye ka dhisan dhinac walba .
Waa inay hoyadu ka fikirto meel ilmuhu wax ku aqristo oo guriga gooni u ah waana in walidka laga arko yagoo wax aqrinaya sii uu ilmuhu wax u aqriyo laguna carbiyo aqriska iyo qorida
3) Dowlada
Dowlada iyo wasarada wax barrashada oo aan xil iska sarin horumarinta aqriska .
Gabagabo
Waxaan kusoo gababaynayaa ina aduunyadu lagu kala hormarey aqriska iyo dowladaha lacagtey waxbarashada kubxiyaan halka dowlada afrikaanka aan lacag badan kaga bixin taas waxay fudaydinkartaa in layna gumaysto madama oo ay yar tahay qoraalkena iyo aqriskeenuba .
Hala daadalo ayaan leyahay dadala xaaji cabaas wuu gaadha.
Intasan ku kobaya waxaa mahad leh aqristaayasha aqrisanaya mowducan.
Wixii fikrad iyo talo ah waxaad igu soo gubisaa ciwaankan