Gollis University Gabiley

Call Directions Website Contact the school

Gollis University Gabiley Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Gollis University Gabiley, College & University, Near Main Road, Gebiley.

Offer accessible quality education for the intellectual and physical development of the wholesome individual and promote research, scholarship, and services for the welfare of humanity.

21/09/2026

Diiwaangelinta ardayda cusub oo si xawli ah uga socota xafiiska Arabsiyo.

Dhamaan ardayda Arabsiyo waxaan ugu bishaaraynaynaa inay ka faa'idaystaan.

21/09/2026

JAAMACADA GOLLIS GABILEY oo ardaydii ugu badnayd ee Degmada Arabsiyo Iska Diwaan Galiyeen Iskuna Keentay Labada Maamule iyo Haldoorkii Degmada Arabsiyo.

Jaamacaddu waxay xafiis diiwaangelin ah ka furtay maalinkii shalay degmada Arabsiyo, xaflada xadhig-ka-jarka waxaa kasoo qaybgalay Xildhibaanka degmada Arabsiyo ku matala golaha deegaanka Gabiley, Abdirahman Nour Abokor, maamulayaasha labada dugsi, waalidiin iyo haldoorka magaalada oo dhamaantood soo dhaweeyay Jaamacadda iyo dadaalka ay ka wado Gobolka Gabiley.
Waxay sidoo kale ka marag kaceen in balanqaad kasta oo bulshada loo sameeyay uu sidiisa u hirgaley oo laga dhabeeyay.

Ardaydii ugu badnayd ayaa isla shalayba iska diiwaangeliyay xafiiska, waxaanu sidoo kale ugu bishaaraynaynaa ardayda kale in xafiisku u furan yahay diiwaangelintuna socon doonto mudo kooban.

Ugu dambayn waxaanu si miisaan leh ugu mahadcelinaynaa marti sharaftaa qiimaha badan ee shalay nagala qaybgalay xadhig-ka-jarka xafiiska.

17/09/2026

Jaamacadda Gollis Gabiley ayaa soo qabanqaabisay tababar ku saabsan Qorsheynta Istiraatijiyadda Shakhsiga ah (Personal Strategic Planning). Tababarkan waxaa bixiyay Sh. Mustafe Abdi Muse (Boos).

Tababarka ayaa loogu talagalay ardayda cusub, iyadoo ujeedadu tahay in lagu xoojiyo aqoonta iyo xirfadda qorsheynta shakhsi ahaaneed, yool-dejinta, iyo diyaarinta mustaqbalka tacliimeed iyo shaqo.

Jaamacaddu waxay u mahadcelinaysaa Sh. Mustafe Abdi Muse (Boos) iyo dhammaan ardaydii ka qayb gashay tababarka.

16/09/2026

Guddoomiyaha ku xigeenka Arrimaha waxbarashada iyo ardayda Jaamacadda Gollis Gabiley Md. Abdinasir Arab ayaa ka qayb-galay xaflad lagu abaal-marinayay ardaydii kaalmaha h**e ka galay Dugsiga Sare ee Irshaad imtixaankii shahaadiga ahaa.

Jaamacadda Gollis waxay u hambalyaynaysaa ardayda la abaal-mariyay, waalidka, macalimiinta iyo maamulka dugsiga.

Waxay kaloo xaqiijinaysaa taageeradeeda horumarka waxbarashada iyo dhiirrigelinta ardayda kaalinta h**e gaarta.

Guul iyo mustaqbal wanaagsan.

Qorsheynta Istiraatijiyadda Shakhsiga ah:Tababarkan waxaa loogu talagalay ardayda cusub ee Jaamacadda Gollis Gabiley si ...
15/09/2026

Qorsheynta Istiraatijiyadda Shakhsiga ah:

Tababarkan waxaa loogu talagalay ardayda cusub ee Jaamacadda Gollis Gabiley si ay u bartaan sida loo sameeyo qorshe shakhsi ah oo cad, loo dejiyo yoolal la taaban karo, loona xoojiyo awoodda ay ku gaaraan guulaha tacliimeed iyo shaqo ee mustaqbalka.

Tababarka waxaa bixin doona Sheekh Mustafe Boos oo ka mid ah culimada iyo aqoonyahanka Gabiley.

TALIYAHA CIIDANKA ASLUUBTA GOBOLKA GABILEY OO SHAHAADO SHARAF  GUDOONSIIYAY GUDOOMIYAHA JAAMACADDA GOLLIS GABILEYTaliyah...
14/09/2026

TALIYAHA CIIDANKA ASLUUBTA GOBOLKA GABILEY OO SHAHAADO SHARAF GUDOONSIIYAY GUDOOMIYAHA JAAMACADDA GOLLIS GABILEY

Taliyaha Ciidanka Asluubta Gobolka Gabiley ayaa maanta shahaado sharaf gudoonsiiyay Gudoomiyaha Jaamacadda Gollis ee Gabiley, iyadoo la aqoonsanayo doorka muhiimka ah ee ay Jaamacaddu ka qaadatay bixinta deeqaha waxbarasho ee saraakiisha iyo askarta Ciidanka Asluubta ee gobolka.

Gudoonsiinta shahaadadan ayaa ka dhacday xarunta Jaamacadda Gollis ee magaalada Gabiley, waxaana goobta joogay saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta, iyo maamulka Jaamacadda.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Gobolka Gabiley ayaa sheegay in deeqaha waxbarasho ee ay Jaamacadda Gollis siisay Ciidanka Asluubta ay muhiim u tahay horumarinta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha iyo askarta, taasoo si toos ah u saameynaysa tayada adeegga ay bixiyaan. Wuxuu intaa ku daray in shahaadadan ay tahay aqoonsi iyo mahadnaq loo hayo Jaamacadda Gollis, gaar ahaan Gudoomiyaheeda, doorka ay ka qaateen taageerada waxbarasho ee Ciidanka.

Gudoomiyaha Jaamacadda Gollis ee Gabiley ayaa isna soo dhaweeyay shahaadadan, isagoo sheegay in Jaamacaddu sii wadi doonto taageeridda Ciidanka Asluubta iyo ciidamada kale ee qaranka, iyadoo la hirgelin doono deeqo waxbarasho oo dheeraad ah oo loogu talagalay saraakiisha iyo askarta mustaqbalka.

Waxa uu intaa ku daray in Jaamacadda Gollis ay aaminsan tahay in waxbarashadu ay tahay aasaaska horumarka bulshada, isla markaana ay tahay in la taageero dadka u shaqeeya ammaanka iyo nabadgelyada bulshada, si ay u helaan fursado waxbarasho oo tayo leh.

Shahaadadan sharaf ayaa waxay noqonaysaa mid ka mid ah tallaabooyinka lagu xoojinayo xiriirka ka dhexeeya Jaamacadda Gollis iyo Ciidanka Asluubta Gobolka Gabiley, iyadoo labada dhinac ay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan iskaashiga dhinaca waxbarashada iyo tababarka.

13/09/2026

Tababar ku saabsan Barashada Sharciga iyo Muhiimadiisa oo la siiyey Ardayda Cusub ee Jaamacadda.

Jaamacadda Gollis Gabiley ayaa shalay tababar gaar ah u qabatay ardayda cusub ee soo galaysa. Tababarka ayaa loogu talagalay in ardayda la baro aasaaska barashada sharciga, muhiimada uu sharcigu u leeyahay qofka, bulshada iyo dowladda, iyo sida aqoonta sharcigu uga caawin karto fahamka xuquuqda iyo waajibaadka.

Khabiir sharci Abdisalam Basbaas ayaa ka hadlay doorka sharciga ee nolol maalmeedka, habka loo barto, iyo sida ardaygu uga faa’iidaysan karo aqoonta sharciga inta uu jaamacadda ku jiro iyo mustaqbalka.

Ardayda ayaa lagu dhiiri geliyay inay si joogto ah u akhriyaan, u fikiraan, una dhaqmaan si waafaqsan sharciga, iyo inay noqdaan jiil ilaaliya cadaaladda iyo xuquuqda dadka.

Maamulka jaamacaddu wuxuu u mahadcelinayaa macalinka tababarka soo qabanqaabiyay, wuxuuna ardayda cusub ku booriyay inay si dhab ah uga faa’iidaystaan fursaddan, una noqdaan arday dadaal iyo mas’uuliyad leh.

Ugu dambeyn, tababarkan waxaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo ka mid ah barnaamijka soo dhaweynta ardayda cusub, isagoo ujeedadiisu tahay in ardaydu bilowgooda jaamacadeed ku bilaabaan aqoon, anshax iyo mas’uuliyad.

BAYAAN SAXAFAADEEDJaamacadda Gollis – GabileyMaamulka Sare ee Jaamacadda Gollis Gabiley ayaa booqasho rasmi ah ku tagay ...
12/09/2026

BAYAAN SAXAFAADEED
Jaamacadda Gollis – Gabiley

Maamulka Sare ee Jaamacadda Gollis Gabiley ayaa booqasho rasmi ah ku tagay degmada Allaybaday, halkaas oo ay kulan la yeesheen maamulka degmada iyo ardayda sanadka kasoo baxay dugsiga sare ee Allaybaday.

Booqashadan waxaa ujeedadeedu ahayd xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Jaamacadda Gollis iyo degmada Allaybaday, soo bandhigidda fursadaha waxbarasho ee jaamacadda, iyo dhiirrigelinta ardayda dugsiga sare ee sanadka kasoo baxay si ay u sii wataan waxbarashadooda jaamacadeed.

Intii kulanku socday, maamulka degmada ayaa soo dhaweeyey booqashada, waxaana labada dhinac ka wada hadleen arrimo la xiriira horumarinta waxbarashada, iskaashiga mustaqbalka, iyo sidii ardayda degmada loo gaarsiin lahaa fursado waxbarasho oo tayo leh.

Sidoo kale, maamulka Jaamacadda Gollis ayaa ardayda u sharraxay barnaamijyada kala duwan ee jaamacadda, shuruudaha gelitaanka, iyo fursadaha deeqaha waxbarasho ee laga yaabo inay helaan.

Jaamacadda Gollis Gabiley waxay caddeysay in ay sii wadi doonto booqashooyinka iyo iskaashiga bulshada, iyadoo ujeedadu tahay taageeridda ardayda iyo horumarinta waxbarashada gobolka.

Jaamacadda Gollis Gabiley
Xafiiska Xidhiidhka Bulshada

Barnaamijka tababarka ardayda cusub:Markan ardaydu waxay qaadan doonaan muhiimada sharciga iyo barashada xuquuqaadka iyo...
11/09/2026

Barnaamijka tababarka ardayda cusub:

Markan ardaydu waxay qaadan doonaan muhiimada sharciga iyo barashada xuquuqaadka iyo waajibaadka saaran muwaadinka Somaliland.

Sabti
4:00 PM galabnimo iyo xarunta Jaamacadda.

Address

Near Main Road
Gebiley

Opening Hours

Monday 07:00 - 20:00
Tuesday 07:00 - 20:00
Wednesday 07:00 - 20:00
Thursday 07:00 - 20:00
Saturday 07:00 - 20:00
Sunday 07:00 - 20:00

Telephone

+252634463589

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gollis University Gabiley posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Gollis University Gabiley:

Shortcuts

Share