Gollis University Gabiley

Gollis University Gabiley

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Gollis University Gabiley, College & University, Near Main Road, Gebiley.

Offer accessible quality education for the intellectual and physical development of the wholesome individual and promote research, scholarship, and services for the welfare of humanity.

19/08/2026

Xafladda xadhig ka jarka xarunta cusub ee Jaamacadda Gollis University Gabiley

18/08/2026

OGEYSIIS MUHIIM AH

OPEN WEEK – FORM FOUR STUDENTS

Dhamaan ardayda Form Four-ka ee Gobolka Gabiley waxa la ogeysiinayaa in Jaamacaddu u bilaabayso barnaamij ay ugu talagashay in ardaydu si wacan ugu fahmaan nolosha Jaamacadda, doorashada kuliyadaha iyo fursadaha Jaamacaddu ugu talagashay.

πŸ“… Taariikhda: 23–26 August 2026
πŸ•“ Waqtiga: 4:00 PM
πŸ“ Goobta: Gollis University Gabiley – Gabiley Mall

Fadlan arday ha seegin fursadan ee ka faa'idayso oo la kulan macalimiinta, hormuudada kuliyadda aad rabto iyo guud ahaan maamulka jaamacadda.

Gollis University Gabiley

11/08/2026

Muuqaal Guud: Xarunta Jaamacadda Gollis University Gabiley

04/08/2026

Arday ka mid ah kuliyadda Public Health ama caafimaadka guud ee sanadka labaad oo xarunta cusub ee Jaamacaddooda ku sugan.

Jaamacadda Gollis waxa ka go'an in ardaydu ka helaan waxbarasho kordhisa aqoontooda iyo deegaan waxbarasho oo heer sare ah.

01/08/2026

OGEYSIIS MUHIIM AH
Jaamacadda Gollis Gabiley

Waxa lagu wargelinayaa dhammaan ardayda, waalidiinta, macallimiinta iyo bulshada inteeda kale in Jaamacadda Gollis, Xarunta Gabiley, ay si rasmi ah ugu guurtay Campus-keeda cusub ee Gabiley Mall.

Campus-kan cusub wuxuu bixinayaa deegaan waxbarasho oo casri ah, fasallo tayo leh iyo adeegyo waxbarasho oo kor u qaadaya tayada waxbarashada iyo waayo-aragnimada ardayda.

Goobta Cusub: Gabiley Mall, Gabiley.
Ku soo dhowaada xarunteenna cusub. Waxaan idiin rajaynaynaa guul iyo horumar waxbarasho.

01/07/2026

Maamulka iyo hawl-wadeenada Jaamacaddu waxay tacsi tiiraanyo leh la wadaagayaan Hamse Abdirashid Sh Idriss oo ka mid ah ardayda Jaamacadda oo Aabihii ku geeriyooday Gabiley.

Ilaahay waxaynu ka baryaynaa in uu ku casuumo janno firdaws, suaashana u dhib yareeyo qabrigana u nuuro. Ameen.

30/06/2026

Ardayda Jaamacadda Gollis Gabiley ee Kuliyadda ICT ee sanadkan 2026 qalinjabinaya oo soo afmeeray waxbarashadii kal-dhigashada 9aad.

Ardaydu waxay soo gabagabeeyeen safar waxbarasho oo qaatay muddo saddex sanno ah.

Waxay u fadhiisteen imtixaano tiro badan, waxay qoreen hawlqabadadyo tiradoodu badan tahay.

Ugu dambayn waxaanu ku kalsoonahay in ay diyaar u yihiin in ay galaan suuqa shaqada.

Dhamaantood waxaanu u rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan.

26/06/2026

Maamulka, hawl-wadeennada iyo macallimiinta jaamacadda Gollis Gabiley waxay halkan hambalyo iyo duco uga dirayaan dhammaan ardayda u fadhiisanaysa imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada ee fasallada 8aad & Form Four-ka ee JSL. Waxaan idiin rajaynaynaa guul iyo horumar, waxaanan idiinku ducaynaynaa in aad ku gudubtaan imtixaanka dhibco wanaagsan.

Hal-adayga iyo dedaalka aad muujiseen muddadii aad waxbaranayseen waad ku ammaanantihiin, waxaanan Ilaahay idiinka baryeynaa in aad gaadhaan himilooyinka nolosha.

Nasiib Wacan!

Photos from Gollis University Gabiley's post 18/06/2026

Ardayda ka tirsan kuliyadda Social Work ee Jaamacadda Gollis, xarunta Gabiley, ayaa qaadatay tababar ku saabsan Case Management (Maareynta Kiisaska).

Tababarkani waxay ujeeddadiisu ahayd in lagu qalabeeyo ardayda aqoon iyo xirfado muhiim ah oo lagu maareyn karo kiisaska adag ee bulshada.

Tababarka ayaa ujeedadiisu ahay in ay ardaydu:
1. Fahmaan tillaabooyinka muhiimka ah ee habka Case Management-ka.
2. Bartaan sida loo qiimeeyo, loo qorsheeyo, la isku duwo adeegyada loogu talagalay shakhsiyaadka qaba baahiyaha gaarka ah.
3. Kobciyaan xirfadaha la xiriira diiwaangelinta kiisaska iyo warbixinta.

Tababarka waxa bixinayay Khalid Ahmed oo ah khabiir arimaha bulshada ah sidoo kalena ka mid ah macalimiinta Jaamacadda.

Ugu dambayn tababarkani wuxuu qayb ka yahay dadaalka jaamacaddu ugu jirto inay ardayda ku diyaariso xirfadaha wax ku oolka ah ee lagama maarmaanka u ah shaqada bulshada, gaar ahaan goobaha ay jiraan caqabado kala duwan. Waxaa la filayaa in ardaydu ay tababarkan uga faa'iidaystaan howlahooda mustaqbalka.

15/06/2026

Gudoomiyaha Jaamacadda Gollis Gabiley Waxaa uu u hambalyeynayaa maamulka, macalimiinta, ardayda, iyo shaqaalaha jaamacadda, isagoo u rajeynayaa sanad ay ku bilawdaan horumar tacliimeed, midnimo, iyo barako. Sidoo kale, waxa uu ku dhiirigelinayaa in la sii wado dadaalka lagu kobcinayo aqoonta iyo akhlaaqda wanaagsan.

Hambalyo, Allah ha naga yeelo sanadka cusub mid khayr iyo nabad ah.

Want your school to be the top-listed School/college in Gebiley?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Near Main Road
Gebiley

Opening Hours

Monday 07:00 - 20:00
Tuesday 07:00 - 20:00
Wednesday 07:00 - 20:00
Thursday 07:00 - 20:00
Saturday 07:00 - 20:00
Sunday 07:00 - 20:00