New Gabiley primary and kg School

New Gabiley primary and kg  School

Share

Kala soco halkan xogaha dugsiga oo dhamays tiran
bogani waa boga rasmiga ah ee dugsiga new gabiley

25/08/2026

Maamulaha dugsiga new gabiley oo hambalyada farxada la wadaagay guud ahaan ardayda dugsiga ee kaalmaha h**e ka galay imtaxanka shahaadiga ah

25/08/2026
25/08/2026

Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo! πŸŽ‰πŸŽ“
Dhammaan ardayda Dugsiga New Gabiley ee maanta loo soo dhajiyay natiijada imtixaanka, waxaan idiin soo dirayaa hambalyo iyo bogaadin diirran.

Waxaad maanta gaadheen mid ka mid ah yoolalkii waxbarasho ee aad hiigsanaysay. Waa guul aad ku gaadheen dadaal, dulqaad iyo juhdi badan.

Waxaan idiin rajaynayaa guulo badan, mustaqbal ifaya iyo heerar waxbarasho oo aad u sarreeya. Guushan ha idiin noqoto bilowga guulo ka waaweyn.

Hambalyo dhammaantiin! πŸŽ‰πŸ‘

Maamule:
Caydaruus Saleebaan Barkhad

21/07/2026

OGAYSIIS OGAYSIIS OGAYSIIS

Dugsigu waxa uu ogaysiinayaa walidiinta ubadkooda la jecel waxbarashada in uu dugsigu qadanayo arday cusub oo fasalka 1aad iyo qaybta barbaarinta kuwaas oo la dhigan doono labada galinba .

Is diwaangalintu waxa ay bilaabmaysaa 27-7-2026 oo ah maalin sabti ah

KU SOO DHAWAW DUGSIGA TAYADA AQOONTA GOBOLKA EE NEW GABILEY

14/07/2026

XAFLADA QALIN-JABINTA DUFCADII 5aad

Waxa maalinta khamiista ah hoolka dawlada hoose ka qabsoomI doonta xaflada ay ku qalin jabin doonan ardayda barbaarinta dugsigu.

Maamulaha dugsigu waxa uu u hambalyaynaa dhamaan ardayda iyo waalidka ay ubadkoodu ka qalinjabinayaan dugsiga qaybta barbaarin

10/05/2026

Shalay waxa dugsiga si rasmi uga furmay tartan aqooneedka sanad-dugsiyeedka 2025-2026

Tartankaasi oo ay ujeedooyinkisu daran yahiin
● Dardar galinka waxbarasgada ardayda
● Aqoon is waydaarsi
● Hananka iyo horusocodka waxabarshada dugsiga

Tartan aqooneedka sanadakan waxa loogu magac daray tartanka 18 may ee ardayda dugsiga new gabiley

17/02/2026

Maamulaha dugsiga hoose/dhexe iyo barbaarinta ee new gabiley waxa uu guud ahaan umada islaamka ah ugu hambalyaynayaa curashada bisha barakaysan ee ramadaan.

Waxa uu si gaar ah ugu hambalyaynayaa shacbi waynaha soomaalilnd gaar ahaan bulshada gobolka gabiley .

Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanagsan iyo cibaadada suuban ee aynu gudanayno allena dambi dhaaf ha inooga dhigo

Photos from New Gabiley primary and kg  School's post 15/12/2025

Waxa maanta dugsiga ka qabsoomay kulan lahu horumarinayay hab fikirka toolmoon iyo hogaaminta wanagsn kulankaas oo ay daadihinayeen xafiiska wasarada waxbarashada dagmada iyo haryana save the children .
Kaasi oo loo qabtay fasalada 8aad ,7aad iyo 6aad

24/11/2025

π“π€π‚π’πˆ

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Maamulka iyo macalimiinta dugsigu waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan qoyska , qaraabada ,asxaabta uu ka baxay marxuum cabdiqaadir faarax oo cawa ku geeriyooday cisbitaanka hargaysa .

Waxa uu dugsigu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa geerida ku timid NAJEX CABDIQAADIR FAARAX oo ka mid ah barayaasha ka hawl gala dugsiga .

Maamulka iyo macalimiintu waxa ay alle uga baryayaan marxuumka in uu alle u naxariisto , qabrigana u nuuriya kitaabkiisana midigta alle ka siiyo

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

17/08/2025

Waxa ilaahay mahadii ah in uu alle dhamanteenba inagu guuleeyay imtaxankii shahaadiga.

Hambalyo hambalyo dhamantiinba ardayda dugsiga new gabiley

Want your school to be the top-listed School/college in Gebiley?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Gabiley
Gebiley