31/12/2025
Hambalyo Qalinjebin π
Gudoomiyaha Ururka Ardayda Jaamacadda Admas University Hon Yahye Abdirashiid Mahamed wuxuu hambalyo iyo bogaadin ballaaran u dirayaa dhammaan ardayda maanta ka Qalinjebinsay difcadii 6-aad (6th Convocation Ceremony).
Maanta waa maalin taariikhi ah oo miro u ah dadaalkii, adkaysigii iyo rajooyinkii aad soo hibeeyseen intii aad ku jirteen safarkina aqooneed. Waxaad astaan u tihiin jiil leh karti, aqoon iyo hoggaan mustaqbalka wax ka beddeli kara bulshada.
Waxaan idiin rajaynaynaa guul, horumar iyo mustaqbal ifaya, idinkoo aqoontiinna ugu adeegaya dalkiinna, dadkiinna iyo guud ahaan aadanaha.
π Hambalyo mar kale Qalinjebiyeyaal!οΏ½π
Admas University β Hoyga Aqoonta & Horumarka
οΏ½
17/12/2025
π Coming Soon | Qalin-jabinta Jaamacada ADMAS β Dufcadda 6aad π
Guul, dadaal iyo farxad ayaa soo dhow!
π
31 December 2025 | π Martisoor Hotel β Garowe
π
26/09/2025
Hambalyo iyo Bogaadin
Ururka Ardayda Jaamacadda Admas oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Admas Hon Yahye Abdirashiid Mahamed iyo xubnaha kale ee ururku waxay uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda sida guusha leh u difaacday buugga Thesis Book-ga. Guushan qiimaha leh waxa ay caddeyn u tahay dadaalkiinna, dulqaadkiinna iyo himilada aad u leedihiin waxbarashada iyo horumarinta bulshada.
Ururku wuxuu si gaar ah ugu mahadnaqayaa Maamulka Jaamacadda Admas University Puntland oo had iyo jeer si weyn ugarab taagna ardayda, iyo macalimiinta sharafta leh oo tosin iyo hagitaan cilmiyeed ku hoggaamiyey ardayda ilaa heer ay si guul leh u difaacaan buugaagtooda. Aqoonta, waayo-aragnimada iyo dhiirigelinta aad bixiseen ayaa saldhig u noqday guushan qiimaha badan.
Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalka, aqoonta iyo xirfadaha aad ka soo barateen jaamacadda Admas intad ku guda jirteen hayaankini waxbarasho, oo mar walba garab idiin ahayd si ay idiinku qalabeyso aqoon iyo xirfado mustaqbalka aad naftina iyo bulshadinaba ku anfacdaan.
Waxaan idiin rajaynaynaa in aqoonta aad soo barateen ay noqoto mid faaβiido u leh naftiinna, bulshadina iyo guud ahaan dalkina. Guushan aad maanta gaadheen ha noqoto talaabo kale oo idiin horseeda heerar ka sii sarreeya oo aqoon iyo guul ah.
Urur ahaan, waxaan mar walba idinla barbar taaganahay dhiirigelin, taageero iyo bogaadin. Mar kale hambalyo iyo guul baan idiin rajaynaynaa.
βGuusha dhabta ahi waa aqoon faaβiido u noqota naftaada iyo bulshadaada.β
20/07/2025
π Kulan Isbarasho iyo Soo Dhaweyn
Maanta oo ay taariikhdu tahay [22-Jun-2025], Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Admas wuxuu xafiiska ururka ku soo dhaweeyey dhiggiisa Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda City COT, Boosaaso.
Kulankan oo ahaa mid rasmi ah ayaa daaranaa isbarasho, isfaham iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada urur ardayeed. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyey sidii loo wadaagi lahaa waayo-aragnimooyin wax ku ool ah oo kor u qaadi kara metelaadda iyo horumarka ardayda jaamacadaha labada dhinac.
Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Admas iyo dhiggiisa Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda City COT, Boosaaso waxay isla meel dhigeen in laga wada shaqeeyo horumarinta ardayda soomaaliyeed gaar ahaan reer puntland iyo sidii ay ula jaanqaadi lahayeen dhigooda ardayda wadamada deriska iyo caalamka kaleπ€.
22/06/2025
π Kulan Isbarasho iyo Soo Dhaweyn
Maanta oo ay taariikhdu tahay [22-Jun-2025], Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Admas wuxuu xafiiska ururka ku soo dhaweeyey dhiggiisa Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda East Africa, Boosaaso.
Kulankan oo ahaa mid rasmi ah ayaa daaranaa isbarasho, isfaham iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada urur ardayeed. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyey sidii loo wadaagi lahaa waayo-aragnimooyin wax ku ool ah oo kor u qaadi kara metelaadda iyo horumarka ardayda jaamacadaha labada dhinac.
π€ Waxaan u aragnaa kulankan mid muhiim u ah iskaashiga ardayda Soomaaliyeed iyo dhisidda mustaqbal ifaya oo mideeya ardayda gobollada kala duwan ee dalka .
οΏ½ οΏ½
03/06/2025
π Xarig-jarka Xafiiska Cusub ee Ururka Ardayda β Jaamacadda Admas (3-da Juun, 2025) π
madaxweynaha Ururka Ardayda - Jaamacadda Admas Mudane Hon Yahye Abdirashiid Mahamed ayaa
Maanta si rasmi ah u xarig-jaray Xafiiska Cusub ee Ururka Ardayda Jaamacadda Admas β Puntland.
Waa talaabo cusub oo muujinaysa horumar iyo dadaal dhab ah oo lagu xoojinayo matalaadda ardayda iyo u adeegiddooda.
Xafiiskani wuxuu noqon doonaa xarun furan oo ay ardaydu si joogto ah uga heli doonaan taageero, hagis iyo fursado ay ku horumarin karaan aqoontooda hogaamineed.
Wuxuu sidoo kale noqon doonaa meel lagu qorsheeyo hawlaha ururka, fududeenta, dardargalinta qorshayaasha iyo shaqada ururka, wacyigelin, cilmi iyo horumarin bulsho.
Waxaan u mahadcelinaynaa maamulka jaamacadda, ardayda, iyo dhammaan intii ka qayb qaadatay hirgelinta xafiiskan.