31/07/2026
SiHub Discovery to explore impactful ideas, discover emerging innovators, and connect creative solutions with real community challenges.
Together, we turn ideas into opportunities and innovation into impact.
17/07/2026
Waxaa sharaf inoo ah inaan qayb ka nahay shirka Somali Youth Skilling Conference oo Muqdisho ka dhacay 12 August 2026
Awoodsiinta hal-abuurka dhalinyaradu waa horumarinta lafdharta dhaqaalaha Dalka ..
๐ข ๐ฆ๐ข๐ ๐๐๐ ๐ฌ๐ข๐จ๐ง๐ ๐ฆ๐๐๐๐๐๐ก๐ ๐๐ข๐ก๐๐๐ฅ๐๐ก๐๐ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ
Waxaa Sharaf Weyn inoo ah in Somali Innovation Hub ay tahay Partner ka tirsan Somali Youth Skilling Conference 2026, oo lagu Qaban doono 12-ka Agoosto 2026, Magaalada Muqdisho.
Shirkan wuxuu xambaarsan yahay hal-ku-dhigga:
"๐๐บ๐ฝ๐ผ๐๐ฒ๐ฟ๐ถ๐ป๐ด ๐ฆ๐ผ๐บ๐ฎ๐น๐ถ ๐ฌ๐ผ๐๐๐ต ๐๐ถ๐๐ต ๐ฆ๐ธ๐ถ๐น๐น๐ ๐ฎ๐ป๐ฑ ๐๐ป๐ป๐ผ๐๐ฎ๐๐ถ๐ผ๐ป ๐ณ๐ผ๐ฟ ๐ฎ ๐ฆ๐๐๐๐ฎ๐ถ๐ป๐ฎ๐ฏ๐น๐ฒ ๐๐๐๐๐ฟ๐ฒ."
"Awoodsiinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyada oo loo marayo Xirfado iyo Hal-abuur, si loo dhiso Mustaqbal Waara."
Ka qeybgalka Somai Innovation Hub waxay muujinaysaa sida ay uga go'an tahay horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo la siinayo xirfado, aqoon, hoggaamin iyo fursado cusub oo lagu dhisayo mustaqbal waara.
Waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka faa'iideystaan shirkan oo ay ka qayb qaataan doodaha, tababarrada iyo fursadaha waxbarasho iyo isku xirka xirfadeed.
๐
Taariikh: 12 Agoosto 2026
๐ Goobta: Muqdisho, Soomaaliya
Partnerships & Sponsorships
WhatsApp+252612914273
Email: [email protected]
01/07/2026
Mustaqbalka Soomaaliya waxaa qori doona dhalinyarada maanta, haddii ay yeeshaan aragti fog, aqoon, hal-abuur, iyo hoggaan wanaagsan, Soomaaliya waxay noqon kartaa mid ka mid ah dalalka Afrika ugu horumarsan.
Abdirizak Gosol
Maareeyaha Xarunta Somali Innovation Hub (SiHub)
27/06/2026
Maanta waxaa noo qabsoomay tababar ku saabsan waxbarashada carruurta iyo tiknoolajiyadda casriga ah, taas oo qayb ka ah Barnaamijka Horumarinta Xirfadaha Dhijitaalka ee Carruurta (CDSI).
Barnaamijkan waxaa loogu talagalay in lagu kobciyo aqoonta, xirfadaha dijitaalka iyo hal-abuurka carruurta, si ay ugu diyaar garoobaan mustaqbalka dunida casriga ah.
Dhalinyaro ka socota Jaamacaddaha Garowe ayaa ka qayb qaatay tababarka iyo aragti wadaagga habka ugu haboon ee waxbarashada cilmiga teknoolojiyadda loo bilaabi karo caruurta..
Mahad Botan oo lataliye sare ka ah SiHub ayaa dhalinyaradaan la wadaagey doorka waxbarashada tiknoolajiyadda iyo waxbarashada hoose.
17/06/2026
waxaan bogaadinaynaa shaqada quruxda badan ee (Waves of Somali Innovative Arts (WOSIA) ku qabatay magaalada Gaalkacyo, taas oo diiradda lagu saaray kor u qaadista codka haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed iyada oo loo marayo habka hal-abuurka faraxsamaysan ee gabdhaha Gaalkacyo.
Farshaxanku waa hal-abuur muhiim ah oo lagu muujiyo codadka iyo dareenka bulshada laguna dhiirrigeliyo isbeddel wanaagsan.
Hambalyo dhammaan ka qaybgalayaasha. Waxaan idiin rajaynaynaa guul iyo horumar joogto ah. Sii wada hal-abuurka, sii wada iftiiminta codkiinna, hana noqotaan hormuudka isbeddelka bulshada.