14/01/2026
Madaxa Machadka Al Jazeera Institute of Journalism Ahmed Mohamed Abdirahman ayaa Xalay tababar ku saabsan Video Editing ka usoo xiray in ka badan 20 Arday oo kamid ah ardayda dhigta Jaamacadaha kala duwan ee Garoowe.
Tababarkaan ayaa ahaa mid Lacag la’aan ah waxaana lagu baranayay Video Editing-ka, Tababarku wuxuu ilaa labo asbuuc Wuxuuna ahaa mid gacanta laga qabanayay Practical 100%.
Ujeedka tababarka ayaa ah kor uqadista xirfadaha dhallinyarda, Madaxa Machadka Aljazeera ayaa umahadceliyay maamulka Jaamacada Frontier Garoowe ka qeyb qaatay taabaglinta tababarka iyadoo tababarka lagu qabtay xarunta Mahadka Luuqadaha ee Jaamacadda Frontier Garoowe.
Aljazeera Institute of Journalism
Garoowe, Puntland, Somalia